Sign in to follow this  
Haatu

More people classed as Gaalo by Takfiiris

Recommended Posts

Haatu   

Daaciga Alshabaab Fu'aad Maxamed Khlaf (Shongole) ayaa markii u horeysay soo saaray Liis cusub oo shaqsiyaad saameyn ku leh siyaasada Soomaaliya ku Rideeyay, kadib khudbad uu jimcihii ka jeediyay Masaajid ku yaala Suuqa Daawada ee Bakaaraha.

 

Fu'aad Shongole ayaa khudbada uu ka jeediyay Masaajidka waxaa uu kaga hadlay shaqsiyaad uu sheegay in ay ka baxeen Diinta Islaamka iyo xukunka ay leeyihiin, isagoo ka magac dhabay Tifaftiraha Laanta Afsoomaaliga BBC-da Yuusuf Garaad Cumar iyo Tifaftiraha Laanta Afsoomaaliga ee VOA-da C/raxmaan Yabarow.

 

Khudbada Mr Shongole oo ay dhageysanayeen boqolaal ruux oo u badnaa taageerayaasha Shabaab ayaa ka sheegay Masaajidka in ay Ridoobeen shaqsiyaadkaas, waxaana cinwaanka khudbadiisa uu uga dhigay Murtadiin cusub.

 

Sababaha uu diinta uga saaray ragaasi Fu'aad Shongole ayaa waxaa ka mid ahaa in ay wadaan mu'aamaraad ka dhan Islaamka, dagaalo iyo borobagaando afka ah, wuxuuna si gaar u soo qaatay tallaabadii ay kaga joojiyeen dhageysiga Idaacadaha Fm-ka magaalooyinka ay maamulaan.

 

Waxaa uu sheegay in raggaas ay mudan yihiin in lagu qaado Xukunka alle, oo ugala jeeday in aragti lagu toogto, isagoo soo qaatay aayado iyo axaadiis uu soo daliishaday.

 

Sidoo kale waxaa uu khudbadiisa ku soo qaatay Siyaasiga caanka ah Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan iyo Gudoomiyaha Guud ee Ahlusuna Waljamaacah Macalin Maxamuud, kuwaasoo uu si cad u sheegay in ay Diinta ka baxeen, oo ay Murtadiin yihiin.

 

Fu'ad Shongole oo dhinaca wacyi gelinta iyo baraarujinta u qaabilsan Al-Shabaab ayaa sanadi 2008 ka soo saaray Magaalada Muqdisho fatwo uu ku gaaleysiiyay Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha, Baarlamaanka, iyo dhamaan shaqaalaha dowladda waxay doonaan, isagoo ugu baaqay gabadhaha ay ka qabaan walaalahood in ay ka furtaan.

 

Wuxuu xilligaas ku sheegay in aragti lagu toogto xataa kan Baabuurka u wada Dowladda, iyo inaan la cuni karin xoolaha ay qalaan, caruurtii ay dhalaana ay yihiin kuwo aan xalaal ku dhalanin.

 

Laakiin Fatwadiisa cusub waxaa uu ku soo daray madaxda warbaahinta caalamiga, kuwaasoo uu ku sifeeyay in ay taageersan yihiin Reer galbeedka, waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Jowhar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this