Sign in to follow this  
Maaddeey

Ganacsatada Soomaalida Eastleigh oo canshuurta laga joojiyay

Recommended Posts

Maaddeey   

Dowladda hoose ee Magaalada Nairobi oo laga joojiyay inay Canshuur ka qaadaan Soomaalida ku ganacsatada Xaafadda Islii

 

Talaado, June 15, 2010 (HOL) − Dowladda hoose ee Magaalada Nairobi ayaa laga joojiyay inay canshuur ka qaaddo ganacsatada Soomaaliyeed ee Xaafadda Islii, kaddib markii guddiga ganacsatadan ay dacwad u gudbiyeen Maxkamadda Kenya.

 

Sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Soomalaida ee Islii Xuseen Maxmaed Aar oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Maxkamadda ay u gudbiyeen dacwad ku saabsan inaan canshuurta ay bixiyaan waxba looga qaban xaafaddooda.

 

"Dacwada aan Maxkamadda sare u gudbinay waa in canshuurta aan bixinno aan waxba loogu qaban deegaanka Islii oo aan daggannahay kuna ganacsanno, taas ayaana keentay in canshuurta la joojiyo" ayuu yiri Xuseen Maxamed Aar.

 

 

Mas'uulkan wuxuu sheegay canshuur joojintu ay ku egtahay 22-ka bishaan lagana doonayo dowladda hoose inay ka jawaabaan cabashadeenna, waxaana ka socda qaybaha kale ee Magaalada Nairobi dayactirro lagu sameynayo Waddooyinka.

 

"Xaafadda Islii oo ay daggan yihiin Soomaalida ma jirto wax dayactirro ah oo lagu sameeyo waddooyinkeeda, waxaana dhextaalla dhiiqo iyo biyo wasakheysan, waxaana sannad canshuur ahaasn u bixinnaa 900-Milyan oo Dollar" ayuu yiri Xuseen Aar.

 

Dowladda Hoose ayaa la sheegay inay joojisay canshuurihii ay qaadi jirtay, iyadoo lagu wado inay Mas'uuliyiinta Dowladda hoose hortagaan Maxkamadda ayna ka bixiyaan jawaabo eedeymaha kaga imaanaya ganacsatada Islii.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this