Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: security improves as National Forces take to streets

Recommended Posts

Muqdish:-Howlo Ammaan Sugid ah oo Saakay Ciidanka Dawladdu Ay ka Bilaabeen Magaalada Muqdisho.

 

Muqdish:-{Sanaagpost}Howlgallo ballaaran oo ku saabsan adkaynta ammaanka magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka Soomaaliya,

Ayaa saakay si siman uga bilowday degmooyin badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho,

kaasi oo lagu micneeyey in uu yahay mid la doonayo in lagu sii adkeeyo nabadgalyada Magaalada oo maalmihii ugu dambeeyey aad u deganayd.

 

Ciidanka ayaa baaritaanno dheeri ah ku samaynayey saakay gaadiidka dadweynaha ee iskaga gooshaya degmooyinka gobolka Banaadir,

Waxaana jira dad ciidanku ay qab-qabteen intii ay howlgalka ku jireen si loo hubiyo dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan dadka la qab-qabtay,

 

Ma cadda ujeedooyinka ugu waaweyn howlgalka ammaan ee saakay ciidanka dawladdu ay ka bilaabeen magaalada Muqdisho,

 

Waxaana warar hoose oo ay heshay idaacadda Shabakada Wararka ee Sanaagpost ay sheegayaan suurta galnimada in ay jiraan wafuud ka soo degaysa Garoonka ama ka dhoofaysa.

 

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey xaaladeeda ammaan waxay ahayd mid soo roonaanaysa mana jirin iska hor imaado xoog leh oo magaalada ka dhacay.

 

Ismail Yusuf Esse

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this