Sign in to follow this  
Liibaan

Sir Culus oo ku Saabsan Qaraxyadii

Recommended Posts

Liibaan   

1257324491_secret.jpg

 

Wednesday, November 4, 2009

 

Ka dib dilkii loo gaytey Taliyihii qaybta 12Aad ee Maleeshiyada Hargaysa Cismaan Yuusuf Nuur ayaa waxaa dilkiisa ka soo baxaya Warar kala duduwan.

 

Hadaba waxaa arintan aanu ka waraysanay Saraalkiil ka soo kala jeeda Gobolada Sool iyo Togdheer kuwaasoo ku sugan magaalada Hargaysa, Waxaana saraakiishan ka mid ah mid aad ugu dhaw aqalka Madaxtooyada ee Hargaysa.

 

Sarkaaladan waxay ka cudur daarteen magacooda in aan isticmaalo sababo xaga Amaanka ah Awgood. Markii aanu wax ka weydiiney dilka Sarkaalkan ayaa waxay noo sheegeen in qorshahan lagu Khaarajiyey Marxuumkaas laga Abaabulay aqalka Madaxtooyada.

 

Waxayna si cad u sheegeen in dilka Cusmaan Yuusuf Nuur uu si rasmi ah oga danbeeyo Daahir Riyaale Kaahin. labada Sarkaal ee aanu xidhiidhka la samaynay waxay isku raaceen in Ujeedada ka danbaysa dilka Sarkaani ay ahayd qorshe Siyaasadeysan oo Daahir riyaale ku doonayo in uu kaga takhaluso shakhsiyaadka ka soo jeeda Magaalada Burco ee miiskan ku leh Ciidamda Maamulkaas Somaliland.

Xubinta ka soo jeeda Gobolka Togdheer ayaa sidan yidhi " Maamulka Daahir Riyaale wuxuu doonaya in uu la yimaado Istaraajiyad cusub oo uu ku xidhib tirayo dadka Meeqaanka leh ee ka soo jeeda Beeshayda" H J. " wuxuu bilaabay Ugaadhsi loo ekeysiiyey kan ay islaamiyiintu isticmaalaan".

 

Mar aanu waxka weydiiney bal sida ay u ogaa deen qorshahan maadaba uu ahaa mid aad u heer sareeya. ayuu sheegay in oo ka dhuuxay mid ka mid ah raga fuliyey qorshahan oo ay saaxiibo dhaw ahaayeen.

Qorshahan lagu Khaarajiyey Cismaan Yusuf ayaa waxaa la doon doonaya cidii lagu eedeyn lahaa , ayadoo ururka Al shabaab la wada ogsoon yahay in ay Geesi ku yihiin sheegashada arimaha ay gaystaan.

waxaana sida cad maamulka Riyaale door bidayaa in uu ka Faa'idaysto dhaqdhaqaaq laga yaabo in ay sameeyaan Hogaanka cusub ee SSC. Kaasoo lagu Unkay magaalada Nairobi ee dalka Kenya,

 

waxaa sidoo kale hawshan Fulinteeda loo xilsaaray Ninka CID qaabilsan ee lagu magacaabo Caare. waxaa la sheegay in Caare iyo Marxuumka dhintay ay ka dhaxaysay Xurgufi, ayadoo sida la wada ogsoon yahay ay habeenimadii uu maalinteedii dhiman dooney u raacay Magaalada Oog, halkaasoo ay guure kaga soo wada noqdeen, waxaana dad goob joogayaal ahi sheegeen in Caare gaadhiga uu wato masaafo 200 oo talaabo ah ka danbeeyey , isla markaana uu isagu Remoteka hagayey, kaasoo lagu qarxiyey Marxuumka Geeriyoodey. sidoo kale Ninka Caare lagu magacaabo ayaa wuxuu bilaabay in uu qab qabto dad aan waxba galabsan ee ka soo jeeda Deegaanka.

 

Kuwaasoo uu ka buuxiyey Jeelasha iyo meelo kale oo ka baxsan deegaanka. arinkaas oo Dambabas kaga dhigayo hawshan ay wada maleegeen isaga iyo Daahir Riyaale. Caare ayaa lagu yaqaana nin raali geliya Daahir Riyaale iy maamulkiisa, waxaana uu gacanta midig u yahay Riyaale iyo culufadiisa.

 

 

wuxuuna Riyaale damacsan yahay in uu indhaha Shacabka ku soo jeediyo Laascaanood si u sii dheeraysto xukunkiisa. asagoo cuskanaya dalku Nabad maahaa, Hoostaana wuxuu doonaya in uu ka xasuuqo Askarta Magac leh ee ka soo jeeda Beesha Barriga Burco. waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in arintan uu daahir riyaale u sameeyey ama u diyaariyey rag dharcad ah , kuwaasoo la sheegay in ay soo barteen miinada iyo qaabka loo qarxiyo, waxaana la sheegay in askartani ku soo tabo baratay dalka Ethiopia.

Isku soo wada duubo waxaa maalmaahan soo socda la eegi doonaa, Saraakiisha kale ee ay qaadato Seefta siyaasadeysan ee Daahir riyaale. iyo bal in ay iska Gartaan dadka ka soo jeeda Gobolka Togdheer arintan lala Damacsan yahay ee Gumaadka Qarsoon ah.

 

NB: Waxan dhawaan idin soo gudbin doonaa Magacyada askarta Daahir riyaale u xilsaaray Dilalka qorshaysan, qaar ka mid ah oo aan dabagal ku hayno.

 

 

Xamse Cabdi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

walaal dadka aad sheegaysid sharciga bolisku ma qabto.

iyaguna bolis uma dacwoon karaan.

marka bolis uu soo dhex gali waa marka dadweynuhu uu caadeysto in qolodaas aanan ka tirsaneyn maamulka wadanka la is ku dhac dhaco.

waxay xisaabsanyihiin "organized crime" waa aragtida boliska masalan hargeisa, dahir rayale waa karaani hoose marka la dhex galo mafiadaas.

ujeedada koowaad ee dilalka ama dhacdooyinka kaleba waa : waxay rabaan in laga waramo oo afkaarta dadweynaha ay ku jiraan

talaabada oogu muhiimsan : in marnaba aanan loo qiranin in dawr ay ka ciyarahayaan siyaasada somaliyeed

they're considered toxic pollution and the public should under no circustances be exposed to any news about them.

 

p.s. good luck

 

kiosk.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by 'Dalmar':

 

......dilka Sarkaalkan ayaa waxay noo sheegeen in qorshahan lagu Khaarajiyey Marxuumkaas laga Abaabulay aqalka Madaxtooyada.

 

....Waxayna si cad u sheegeen in dilka Cusmaan Yuusuf Nuur uu si rasmi ah oga danbeeyo Daahir Riyaale Kaahin. ......Daahir riyaale ku doonayo in uu kaga takhaluso shakhsiyaadka ka soo jeeda Magaalada Burco ee miiskan ku leh Ciidamda Maamulkaas Somaliland.......

 

....... maamulka Riyaale door bidayaa in uu ka Faa'idaysto dhaqdhaqaaq laga yaabo in ay sameeyaan Hogaanka cusub ee SSC.....

1. I would not put this beyond Daahir Riyaale.

 

2. It makes strategic sense that the enemies of the HJ clan should try to takeout their military leadership.

 

3. It is also highly opportunistic of Daahir Riyaale to use the tense situation in Sool to hide his dirty doings.

 

4. Taking out any military muscle that Siilaanyo might have should it come to that.

 

5. Considering what happened in mid 90's to those people, this doesn't come as a surprise.

 

Let's see what the 'investigation' brings.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this