Sign in to follow this  
NASSIR

Taliye ku xigeenkii Ciidamada CID Puntland Col. C/casiis Cilmi Dhooley [ oo

Recommended Posts

NASSIR   

Taliye ku xigeenkii Ciidamada CID Puntland Col. C/casiis Cilmi Dhooley oo xabsiga loo taxaabay Todobaakii hore iyadoo lagu soo eedeyey Khiyaamo Qaran iyo khalkhal gelin Amniga Magaalada Bosaso..february 17, 2005

 

 

Boosaaso: (dhahr.com) Col. C/casiis Cilmi Dhoolay oo ahaa ruug caddaa si weyn loogaga haybaysto deeganadda Puntland isla markaasina dembi baarista ku talaxtagay , horayna u ahaan jiray Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Sanaag ayaa Todobaadkan waxa loo taxaabay Xabsiga Garowe , iyadoo amar ka yimid Hogaanka Sare ee Booliska Puntland lagu xiray .

 

 

Waxaa la sheegaya in Taliyahaasi lagu soo eedeeyey inuu wado shirqoolo , khakhal amni iyo khiyaamo qaran iyo weliba isagoo la sheegayo inuu u shaqeeyo Maamulka Somaliland , waxana lagu soo eedeeyey inuu aabubulay kooxo budhcad ah oo dhallinyaro ah oo khakhal ku wada amniga Magaalooyinka Waaweyn ee Pl , kooxahaasi oo dhibaatooyin u geysta shacbiga , goobaha amaanka iyo Boob ay hantida dadweynaha ku wadaan .

 

Kooxahaasi lagu eedaynayo inuu Odaygu abaabulay oo uu ka danbeeyo falalka waxshinimada ah ee amniga wax u dhimaya ayaa waxay si weyn uga jiraan Magaalada Bosaso ,kuwaasi oo lagu magacaabo YAA QOWMANAA , YAA QAAFIRIIN iyo kuwo kale oo lagu Magacaabo CIYAAL CARIGGA .

 

 

Kooxahaasi ayaa dhibaatooyin lixaad leh ku haya Magaalada Bosaso , iyagoo isu laaya si raxanraxan ah , isla markaasina dhagaxtuur ka wada halkaasi , balse waxaa ilaa hadda la qabtay Madax sare oo Dhallinyaradasi ka mid ah oo loo taxaabay Xabsiyo Gobollo kale si rabshadooda looyareeyo .

 

Waxaa jira warar sheegaya in Odayga Lagu been abuurtay oo arintaasi lagu xiriirinayo aysan waxba ka jirin , arinkaasi soo eedaynta iyo xarigga Sarkaalkaasi Denbi baarista ahna waxa ka danbeeyey ayaa la sheegayaa Niman uu horay denbi ugu soo oogay ah inay ciidamo ka aabaabulayeen Deegaanada Gobolka Sanaag , kuwaasi oo la yiraahdo Madoobe Cabdi Gurey iyo Bootaan oo isaga hadda ka hor arintaasi lagu xiray .

 

 

Si walba ha ahaatee mar aanu la xiriirnay Booliska Xarunta Garowe , waxaa naloo xaqiijiyey in uu C/casiis Cilmi Dhooley lagu hayo huteel Si xabsi guri ahaan ahna uu ugu jiro maadaama uu ahaa oday usoo shaqeeyey Maamullo kala gedisan , isla markaasina waxay sheegeen in Boolisku Baarayo arintiisa sida uu sheegay Taliye Xigeenka Booliska Puntladn Gaashaanle Sare Cali Gacamey .

 

M farxaan Qaranimo

 

dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this