Sign in to follow this  
Cowke

Garowe:Puntland Health Minister Visits New Ministry Office And Hospital

Recommended Posts

Cowke   

Xaruntacusubeewasaaradacaafimadka.jpg

 

DSCN3492.jpg

 

MacalinCamooleahooardaywaxbaraya.jpg

 

DSCN3432.jpg

 

wiilindhooleahooakhrinayaqoraaluuqo.jpg

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Bashiir Cali Biixi oo maantey kormeer ku sameeyay xarumo Cusbitaalka Garoowe ka mid yahay (Sawiro)

 

 

Published on: November 7,2009 Garowe Time 5:51 pm

 

Garoowe (RBC):- Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Bashiir Cali Biixi, ayaa maantay kormeer waxa uu ku tagay xarumo ku yaala magaalada Garoowe oo ay ka mid yihiin xarunta Cusub ee Wasaarada Caafimaadka Puntland loo dhisay, Cusbitaalka guud ee Garoowe, Xarunta Hay’ada Bisha Cas, Xarunta daryeelka dadka dhimirka qaba, Machadka Tabobarka Caafimaadka iyo xarunta wax lagu baro dadka indhoolayaasha ah.

 

Wasiirka ayaa waxaa kormeerkiisa ku waheliyay wasiirku xigeenka wasaarada caafimaadka, Agaasimaha hay’ada daryeelka Puntland iyo bahda saxaafada.

 

Dr.Biixi ayaa kormeerkiisa waxaa uu ka bilaabay xarunta cusub ee wasaarada Caafimaadka Puntland loo dhisay, taasi oo ku taala duleedka waqooyi galbeed ee magaalada Garoowe, waxaana xaruntu ay hadda tahay mid dhismaheedu uu dhamaystiran yahay, wasiirka caafimaadka Puntland Dr.Biixi waxaa uu sheegay in xaruntan cusub ay wasaaradu usoo guuri doonto dhawaan, wasiirka ayaa markaasi waxa uu tagay Cusbitaalka guud ee Garoowe, waxaana kusoo dhaweeyay maamulka iyo shaqaalaha cusbitaalka Garoowe.

 

Aggaasimaha Cusbitaalka guud ee Garoowe Dr.Axmed Xasan Carabay, waxaana uu wasiirka uga warbixiyay xaalada cusbitaalka iyo baahiyaha ka jira.

 

 

Dr.Carabay waxaa uu sheegay in cusbitaalka hawlihiisu ay si fiican u socdaan, baahiyo badana ay ka jiraan, waxaana uu wasiirka u sheegay in dawooyinkii saalada wax lagu qalo qaarkood ay dhamaadeen oo aan hadda saalada qof lagu qali karin in daawadaas la helo mooyaane, sidoo kale ayaa agaasimuhu waxa uu wasiirka u sheegay in cusbitaalka uusan haysan shidaal ku filan, iyadoo sidoo kale ay jirto in hay’adii cusbitaalka taakuleyn jirtay aysan hadda wax taageero ah siin cusbitaalka.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Bashir Cali Biixi ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka jira cusbitaalka Garoowe ay wasaaradu wax ka qaban doonto, wuxuuna isla waqtigii uu cusbitaalka uu ku sugnaa uu talaabo ka qaadey sidii uu buuxin ama uu wax uga qaban lahaa baahiyaha kajira kuwooda ugu muhiimsan.

 

Wasiirka ayaa markaasi kadib waxaa uu booqdey xarumo ay ka mid ahayd, xarunta hay’ada Bisha Cas, xarunta lagu daryeelo dadka waalan ama dhimirka qaba, xaruntan ayaana waxaa ku jiray dad faro badan oo madaxa wax ka qaba, waxayna dadka qaarkiis ay ku jireen halkaasi muddo badan, dadka dhimirka qabay ee uu maantay wasiirku booqdey ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqdey dareen farxad leh iyo isbadal caafimaad.

 

Dr.Biixi ayaa markaasi kadib waxa uu tagay machadka tabobarka caafimaadka ee xaaji cabdi, waxaana wasiirku uu la hadley ardayda halkaas wax ka barta, wasiirka ayaana ardaydii waxaa uu ku booriyay inay si wanaagsan wax u bartaan si ay dadka wax ugu qabtaan, wasiirka ayaa xarunta machadka tabobarka caafimaadka waxaa uu sheegay in wax laga siin doono dhismaha wasaarada caafimaadku ay ka guuri doonto waa dhismaha ay hadda dagan tahay.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Bashiir Cali Biixi ayaa kormeerkiisa hawleed, waxaa uu ku soo gabogabeeyay iskuulka indhoolayaasha wax lagu baro, iyadoo uu galay fasalada ardaydu ay wax ku bartaan.

 

Wasiirka caafimaadka ayaana waxaa uu ka codsaday in ardayda iskuulkan wax ka barta loo yeero qoraal ay qoraan, kadibna ay akhriyaan waxa ay qoreen, ardaydan iskuulkan dhigata ayaana waxay wax ku bartaan qalibo iyo buugaag loogu talagalay in dadka camoolayaasha ah ay wax ku bartaan, waxaana markaasi ardaydii loo yeeriyay qoraal kooban, waxayna kadib akhriyeen qoraalkii loo yeeriyay ee ay qoreen, wiil yar oo ka mid ahaa ardaydii halkaasi wax ku baranaysay ayaana wasiirku ka codsaday inuu akhriyo qoraalkii loo yeeriyay wuxuuna u akhriyay qoraalkii loo yeeriyay, waxaana markaasi sacab farxad leh loo garaacay ardaygii iyo ardaydii kale.

 

Wasiirka caafimaadka ayaana uga mahadceliyay maamulka iskuulkan hawsha uu hayo, oo ah mid aad u culus laguna caawinayo arday u baahan in waxla baro, xaruntan wax lagu baro camoolayaasha ayaa macalimiinta ardayda wax barta waxaa ka mid ah macalimiin indhoolayaal ah oo qaarkood kasoo baxeen jaamacado dibada ah, waxaana kormeerkii wasiirku uu kusoo gabogaboobey jawi farxadeed.

 

Abdulkadir Warsame

RBC Radio, Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this