Sign in to follow this  
General Duke

Elaman (Mogadishu) Football Club on Tour in Puntland

Recommended Posts

Elman FC a Mogadishu based football team took on Galkacyu best 11 in a friendly match in Galkacyu.

The game watched by thousands finished 1 all.

Elamn FC is on atour throught Puntland after playing in Balcad and Jowhar South central regions.

 

Sports bringing people together, great stuff Elman.

....................................................................

Kooxda Elman ee Muqdishu oo galabta la ciyaartay xulka Gaalkacyo

 

Gaalkacyo, [MOL] 20 August 2003- kooxda kubadda cagta ee Elman ee ka dhisan magaalada Muqdisho oo shalay soo gaartay magaalada Gaalkacyo ayaa cayaar saaxiibtinimo galabta la yeelatay xulka kubadda cagta ee magaalada Gaalkacyo. Cayaartan waxaa ka soo qayb galay dadwayne kumayaal gaaraya oo garoonka Buux dhaafiyay kuwaasi oo badidoodu ay u sacabbo tumayeen kooxda martidaa ee Elman ee magaalada Muqdisho.

 

Cayaarta oo ay labada dhinacba weerar Iyo weerar celin is dhaafsanayeen ayaa ku soo gabo gabowday Hal gol iyo hal gool, Kooxda Elman oo horay ula soo cayaartay degmooyinka Balcad , Baladwayne iyo jawhar ayaa u gudibi doona magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso halkaasi oo ay cayaaro saaxiibtinimo la soo yeelan doonaa kooxaha kale ee magaalooyinkaas.

 

 

Weriye c/risaaq Sheekhaduun

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciyaaro Gaalkacyo ka Bilowday iyo Kooxda Elman oo halkaas gaartay - Tuesday, August 19, 2003 at 20:17

 

 

 

Gaalkacyo, (AllPuntland)- Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ka furmay tartan cayaareed oo ay ka qayb galayaan kooxaha heerka koowaad ee magaalada Gaalkacyo.

 

Maamulka Ciyaaraha (Sport) gobolka Mudug ayaa koob ay ugu magacdareen Koobka Nabadda u qabtay kooxaha kala ah , Galkom, GMS, Shell, Sixa, Banaadir Star, iyo Peace Center, oo dhammaantood ah kooxaha heerka koowaad oo qaarkood ay la bexeen magacyo cusub.

 

Tartankaan ayaa ku soo beegmay xilli la badalay gudoomiyii hore ee Ciyaaraha Muuse C/risaaq Mire laguna badalay Axmed C/naasir (Timo-xayrre) oo ka mid ah ganacsatada magaalada.

 

Waxaana ay u muuqataa in maamulka cusub ee Ciyaaraha gobolku uu wax ka baddal dhinaca Ciyaaraha ah bilaabay mudada yar ee uu xilka hayo , inkastoo maamulladii ka horeeyayba ay maalmaha hore fir fircoonida muujinjireen, waxaase iswaydiintu tahay keebaa si fiican u maamuli doona dhallinta cayaaraha xiisaysa ee gobolka Mudug.

 

C. C. Farayaamo

 

AllPuntland, Somaliya

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Kooxda Elman oo Gaalkacyo Tagtay

 

 

Gaalkacyo, (AllPuntland)- Kooxda kubadda cagta ee ELMAN ee ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa fiidnimadan caawa gaartay magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

 

Kooxdan ELMAN oo wadatatay taageerayaasheeda ayaa waxaa waday baskii sida tooska ah uga soo qaaday magaalada Muqdisho, waxayna kooxdani cayaar saaxiibtinimo la yeelan doontaa xulka kubadda cagta ee magaalada Gaalkacyo oo ay marti u yihiin.

 

Cayaartan oo galabnimada Bari ah la filayo inay ka dhacdo Istaadiyamka wayn ee magaalada Gaalkacyo ayaa la filayaa inay labada dhinacba cayaaro culus soo bandhigaan, Kooxda Elman ayaa mar marka qaarkood magaca Soomaaliya uga cayaartay dalka dibadiisa.

 

C. C. Farayaamo

 

AllPuntland, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kooxaha Gaalkacyo iyo Elman oo hal iyo hal isku mari waayay

 

- Wednesday, August 20, 2003 at 19:41

 

Gaalkacyo, (AllPuntland)- Cayaar ay ka soo qayb galeen dadwayne kumayaal gaaraya ayaa dhexmartay Kooxda kubadda cagta ee ELMAN ee ka dhisan magaalada Muqdisho iyo xulka kubadda cagta ee magaalada Gaalkacyo .

 

4tii galabnimo ayaa seeriga laga dhawaajiyay, labada kooxoodba cayaartu intii aysan qaybteediii hore dhammaan waxay is waydaarsadeen weerar iyo weerar celin , waxaase xulka kubadda cagta ee magaalada Gaalkacyo u suuro gashay markii qaybtii hore ee cayaartay ay 5 daqiiqo ka dhimanayd inay gool qurux badan la yimaadaan waxaana u dhaliyay ninka lagu magacaabo Mahad Faruur oo Lambarka 4aad uga cayaara xulka magaalada Gaalkacyo.

 

Kooxda ELMAN oo u muuqatay inay fir fircoonayd ayaa qaybtii labaad ee cayaarta xoojisay weerarkeeda si ay bal goolka lagu lee yahay isaga soo gudo, waxaana cayaarta markay ka dhimanayd 10 daqiiqo gool qurux badan u saxiixay inanka Lambarka 11aad uga cayaara Kooxda ELMAN , Yuusuf Cabdi, gabo gabadii cayaarta ayaa Ciise Aadan oo Lambarka 9aad uga cayaara kooxda ELMAN loo taagay calaamadda Casaanka ah (Roosso) .

 

Cayaartiina waxay ku soo gabo gabowday 1-1 , kooxda ELMAN waa markii ugu horaysay ee ay yimaaddaan gobolladan Puntland, waxayna bari aadi doonaan magaalada Garoowe , iyo Boosaaso oo ay cayaaro saaxiibtinimo la soo yeelan doonaan.

 

C. C. Farayaamo

 

AllPuntland, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this