Sign in to follow this  
raadamiir

Dawlada Yemen oo sheegtay in ay qabatay tiradii ugu badnayd ee tahriib ah ee dalkeda

Recommended Posts

San'a:-Sida uu sheegay wargeyska 26Sep ee ka soo baxa dalka Yemen Ciidamada ilaalada xeebaha Yemen

ayaa iyaga oo gacan ka helaya dhinacyada ay khusayso arrintani waxaa ay ku Guulaysteen in ay bishii October ee aynu soo dhaafnay gacanta ku dhigaan 3 kun iyo 634 qof oo isugu jiray tahriib iyo kuwa ku joogay dalka Yemen si sharci darro ah.

 

Waxa ay ciidamadu sheegeen in 848 ka mid ah dadkan afrikanka tahriibta ah ee la qabtay ahaayeen haween iyo caruur.

 

Waxayna tilmaameen in 748 ka mid ah dadkan la qabtay ay siteen dhalashada Somalida kuwaas oo si sharci darrada ah dalka Yemen u soo galay bishii October ee aynu ka soo gudubnay.

 

Iyada oo 848 tiradan ka mid ahina ay ahaayeen Etoobiyan halka 5 kalen ay ka soo jeeden dalal kale.

 

Waxa ay ciidamda ilaalada xeebaha Yemen ay sheegeen in tirada dadka tahriibta ah ee la qabtay bishi September ee tagtay ay tahay kun iyo 72 qof halka ay 223 kamid ahi ay ahaayen dumar iyo caruur.

 

Waxayna tirada Somalida tahriibta ah ee soo gashay Yemen bishii Sep noqotay 942 qof halka 128 kamid ahi ay ahaayeen Etoobiyan iy laba Carab ah.

 

Waxana tirada guud ee dadka tahriibt ah iyo kuwa sharci darrada ku joogay Yemen ee la qabtay ilaa sanadkan bilawgisi ay noqotay 16 kun iyo 800 oo qof.

%%%

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this