Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Haka saarto

Recommended Posts

Copy and paste saan camal waligeey masoo guurin, but couldn't resist today when I came across this news.

__________________

 

Ganacsade C/rashiid Ilqeyte oo Sadax Tikniko ah oo uu leeyahay Xildhibaan Xaabsade u heysto Tiknoko horay RRA uga qaadatay

 

Illo muhiim ah ayaa na soo gaarsiiyaya in Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo haatan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagala wareegay Sadax Tikniko ah oo uu lahaa, kuwaas oo loo heysto Tiknikooyin fara badan oo qaarkood la gubay kuwana la qabsaday xiligii ay socdeen dagaaladii u dhaxeeyey RRAiyo Isbaheysiga SNA ee uu hogaaminayey Jen, Maxamed Faarax Ceydiid.

 

Sadaxdan tiknikada ah ayaa waxaa gacanta ku haya Maleeshiyooyin ka amarqaata Ganacsade C/rashiid Ilqeyte oo ah Milkiilaha Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna ku doodayaa C/rashiid in ay Magaalada Baydhabo ay uga maqan tahay Sagaal Tikniko ah, sidaasi daraadeena, waxa uu sheegay in uusan marna wareejin doonin, inta uu xaabsade ku sugan yahayna Magaalada Muqdisho uu isaga amaankiisa sugi doono.

 

Waxaa wax lala yaabo noqotay oo laga naxo in waqtigan la sheegto tikniko lagu qabsaday ummadaan waxba aan galabsan isla markaasna loo geestay gumaad aan horey loo arag oo aduunka u soo gurmaday, waxaa la dhacay ummada hantidoona, waxaa la laayaya dad aan waxba galabsan iyo maato, waxaa la kufsaday dumar, waxa la burburiyaya hanti fara badan yaa loo racanaa, intii ay magdhow ka bixin lahaayen dhibaatada ay geesteen beeshooda ayaa hadda ganacsadahooda wuxuu u soo tafaxeytan in uu sheegto tikniko wax gumaaday, waa wax laga naxo arintaas.

 

Illo Muhiim ah ayaa sheegaya in Arintan ay ku soo baxeen Wasiirada Ganacsiga iyo Amaanka Muuse Suudi Yalaxow iyo Maxamed Qanyare Afrax, waxa ayna kala kulmeen wiji gabax ka dib markii uu ku gacanseyray Ganacsade C/rashiid Ilqeyte, oo ku adkeysaneyey in Tiknikadan ay ka mid tahay kuwo horay uga maqnaa, maranabana uusan wareejin doonin.

 

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa la sheegay in uu Safar uu ku tagi lahaa magaalada Baydhabo uu u hakiyey Arimahan Darteed, waxaana la sheegay in hada uu dhameynta Arintani uu faraha la soo galay Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cade oo ah Gudoomiyaha maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose, isla markaana gacan saar soke la leh Xaabsade, isaga oo waliba ka mid ahaa mas’uuliyiintii keentay magaalada Muqdisho.

 

Midnimo.com

_________________

 

Jecliyaa! Mac sonkor ku dheh! Xamar inuu ku raaxeysto uu rabaa, reer Baayna nabad waa u diiday. Ka xaab xaabi, Xaabsade! I moreover have wished in adiga dhan lagu afduubto, Xaabsade.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I guess Nin iyo "xoolihiisa" aragti aa kadhaxaysa.....Don't really know wat to makes of this, ....loooooooooooooooool

Isn't he admitting to taking part in the genocide by claiming this Tikniko...Only in Somalia!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Intee ka dhacday, duqa. Waa lagu waaye.

 

And for Ilqeyre, nin xooligiis awalba xaaraan lagu keenay maxaa ka sugee. And as for Xaabsade, he is marax seenbari marax ah, same like that Shaaticagaar or Shaatimadoowe or whatever shirt they have on. They aren't only warlords, but jaahilnimo ayaa ugu darsamatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Just got busy with life, I guess and the discussions in SOL became redundant, and predictable.

 

Waa Runtaa the RRA leadership is disappointing to say the least.These men had one time the oppurtunity to free their people, and infact every Somali district south of Xamar from the chains of the Maxaa tiri boys from North, instead they decided to dance to the tunes of IndhaCade and Yeey, and Baydhabo becomes a place of contention everytime some " Somali Peace reconciliation" is concluded.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Che-Guevara

These men had one time the oppurtunity to free their people, and infact every Somali district south of Xamar from the chains of the Maxaa tiri boys from North, instead they decided to dance to the tunes of IndhaCade and Yeey, and Baydhabo becomes a place of contention everytime some " Somali Peace reconciliation" is concluded.

Very true. self-serving and opportunistic Warlords are all the same. They only Protect their own interests, not that of the country and the people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Run ahaantii ma jecli inaan Sol siyaasadeeda faraha la galo, balse caawa aanka iraahdo in yar.

 

Waxaa la'yaab leh nimankaan la baxay "Warlods" amaba annaga aan u naqaan qab qableyaal ee aan kala jecleyn danta dadkooda iyo dalkoodaba ee meeshii ay lacagi ka soo galeyso faraha la gala inaanay garaneyn ama ay wax mabda ah oo ayaga siyaasad ahaan sal u ah inaanay jirin. waxaa maalin dhaweeto university of minnesota lagu qabtay shir ay ardaydu soo diyaariyeyn taa soo looga doodayay dagaalka Soomaaliya ka dhacay ma waxuu ku saleysnaa qabiil mise maya oo kuma saleysneyn.

 

Runtii waxay aheyd dood aad u wanaagsaneyd taabaneysana xaqiiqda haatan ka taagan dalka. Waxaan arintan u soo qaatay waxay tahay, markii la gaaray su'aalihii iyo comments-kii ayaa waxaa leysku soo qaaday haddii ragaan la baxay warlords, ayagu yihiin rag aan cidina u daneyneyn maxaa qabiilada ay ka dhasheen ay u dhihi la'yihiin niman yahow dhageysta wax dan ah oo aad inoo heysaan majiraan mana namatashaan. Markaasaa hadda waxaa imaaday dood ah haddii sidaa la yiraahdo qabiiladii kale ayaa idin arkaya inaad leheyn rag warlords ah oo idin difaaco.

 

marka waa inaad waxba oran ragaan ee ay idin carcararaan meelaha qabiilada kalena aad oga dhigataan gaashaan. Marka you either with them or no one will defend you, anigu ma lihi sidan balse reality-ga ayaa sida ah, until aan ka helno ummad isku duuban ee ka hortagta ragaan mentally wadama kale laga leeyahay ee siyaasadooda ku saleysan meeshii hadba hunguri ka soo galayo, hagaagi meyso wayna adag tahay sidii loo helilahaa ummad ka hortayga.

 

 

Wabillaah............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this