Sign in to follow this  
Sophist

Galad Airlane ha joojiso Duulimaadka Laascaanood --Riyaale

Recommended Posts

Sophist   

Galad Airlane ha joojiso Duulimaadka Laascaanood hadii kale Ka hargaysa bay waayeysaa hadalka waxaa Yidhi Riyaale kaahin

 

Abu-dhabai(Radiolaascaanood)Sida uu noo soo sheegay Agaasimaha Guud ee shirka Galad Airlane Mudane C/laahi Dalmar Mahad waxaa la soo hadlay maamulka Riyaale xalay goor danbe

 

Maamulka hargaysa waxay u sheegeen Agaasimaha Shirka Galad Airlane C/laahi dalmar mahad in uu joojiyo duulimaadka ay diyaarada Galad Airlane ku tagto Laascaanood oo dhawaan bilaabmay hadii uu sidaa yeeli waayana uu ku waayi doono duulimaadka ay Diyaaradaha Galad Airlane Hargaysa ku yimaadaan.

 

Mudane C/laahi Dalmar mahad waxa uu sheegay in uu si toos ah ula hadlay Riyaale laftigiisa uuna ku yidhi "Waxaad gayso Laascaanood Waan ogahay,oo hub baad keentaa Magaalada"

 

Agaasimaha ayaa u sheegay in Shariqa aan hub laga soo dhoofin wax hub ahina laga saari karin Carabta balse ay tahay marmarsiinyo lagu cuna qabataynayo shacabka reer Sool oo Transit usoo mari jiray hargaysa.

 

Galad Airlane ayaa bilowday duulimaad toos ah oo Khamiis kasta ku tagta Laascaanood iyo Shariqa C/laahi Dalmar waxuu u sheegay Riyaale in uuna marna badalayn mowqifkiisa ku aadan tagida laascaanood xataa hadii uu ku waayayo kii diyaaradaha Galad ku tagi jireen hargaysa waxaa kaloo sheegay inay iyana ka mamnuuci doonan duulimaadka ay iyana ku yimaadaan Gobollada Puntland hadii arimahaas lagu dhaqaaqo.

 

Waxaa kaloo jirta in Diyaaradaha hargaysa laga lee yahay iyo maamulka Riyaale isla shaqeeyaan oo dadka saaran qaarkood magacyadooda ay usii gudbiyaan hargaysa hadhoowna Garoonka lagala degoWaxaana xaqiiq ah xadhigii loo gasytay jaamac maxamed qaalib markuu xamar ka soo duulay isagoo Jabuti u socday iyo asbuucan la soo dhaafay xadhigii loo gaystay ilaa hada hargaysa damiinka ku jooga Baashe Cali Jaamac oo isna markuu shariqa ka soo dhoofay garoonka hargaysa lagu sugayey halkaasna xabsiga loogu taxaabay

 

 

 

Radiolaascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this