Sign in to follow this  
Jabhad

Ethiopians are not going anywhere unless they are forced to leave.

Recommended Posts

Jabhad   

AFGOOYE: Ciidammo Ethiopian ah oo aad u fara badan oo ka soo gudbay xalay Degmada Afgooye una soo jahaystay Muqdisho

Posted to the Web Mar 22, 07:12

 

Afgooye (PP) – Ciidammo aad u xoog badan oo Ethiopian ah ayaa waxay xalay ka soo gudbeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose, waxaana ciidammadaan oo watay hub aad u fara badan u soo gudbeen Muqdisho.

 

 

 

Ilo wareedyo ku sugan Afgooye oo aan saakay xiriir la semaynay ayaa waxay inoo caddeeyeen in ciidammadaan ay wateen hub aad u fara badan oo la sheegay in qaarkood ay ahaayeen kuwa la jiidayay.

 

 

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidammadaan ay wateen taangiyo fara badan, sidoo kalena waxay wateen hubka madafiicda goobta oo ay jiidayaan gawaarida ciidammada ee URAL-ka loo yaqaan, waxaana la sheegay inay u soo gudbeen Muqdisho.

 

 

 

Ciidammadaan ayaa waxaa la sheegay inay qayb ka noqon doonaan ciidammada Ethiopia ee ku sugan Muqdisho kuwaasoo la sheegay inay dhawaan ka billaabayaan caasimadda Muqdisho inay sugaan ammaankeeda.

 

 

 

Dowladda ayaa waxay sheegtay inay ku sugayso ammaanka Muqdisho ciidammo Ethiopian ah sida warar ku dhow Dowladda ay sheegayaan, waxaana wararkaan ay intaas ku darayaan in ciidammada dowladda aysan ahayn kuwo ku guulaysan kara inay sugaan ammaanka Muqdisho.

 

 

 

Waa markii ugu horreysay oo ciidammo intaan le’eg oo Ethiopian ah ay u soo gudbaan Muqdisho kaddib markii ay dalka soo galeen muddo hadda laga joogo 3-bilood, markaasoo ay ka saareen dalka oo dhan Maxkamadihii Midoobay.

 

 

Wararka ayaa waxay dhanka kale sheegayaan in ciidammadaan ay doonayaan inay koontaroollo ka sameystaan Muqdisho si ay u sugaan ammaanka Muqdisho oo ahaa mid aan cago badan ku fadhin kaddib markii Maxkamadaha laga saaray dalka oo dhan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Dowladda ayaa waxay sheegtay inay ku sugayso ammaanka Muqdisho ciidammo Ethiopian ah sida warar ku dhow Dowladda ay sheegayaan, waxaana wararkaan ay intaas ku darayaan in ciidammada dowladda aysan ahayn kuwo ku guulaysan kara inay sugaan ammaanka Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo ciidammo intaan le’eg oo Ethiopian ah ay u soo gudbaan Muqdisho kaddib markii ay dalka soo galeen muddo hadda laga joogo 3-bilood, markaasoo ay ka saareen dalka oo dhan Maxkamadihii Midoobay.

Wararka ayaa waxay dhanka kale sheegayaan in ciidammadaan ay doonayaan inay koontaroollo ka sameystaan Muqdisho si ay u sugaan ammaanka Muqdisho oo ahaa mid aan cago badan ku fadhin kaddib markii Maxkamadaha laga saaray dalka oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Ciidammo Itoobiyan ah oo fara badan oo ku soo wajahan Maanta Muqdisho kana soo ambabaxay xalay Baydhabo

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Mogadishu

Wararka aan helayno ayaa waxay sheegayaan in ciidammo aad u xoog badan oo Itoobiyaan ah ah ayaa waxay xalay ka soo gudbeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose, waxaana ciidammadaan oo watay hub aad u fara badan u soo gudbeen Muqdisho.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidammadaan ay wateen taangiyo fara badan sidoo kalena waxay wateen hubka madafiicda goobta oo ay jiidayaan gawaarida ciidammada, iyagoo u soo gubay xalay Muqdisho.

 

Ciidammadaan ayaa qayb ka noqon doonaan ciidammada ka shaqeynaya xasilinta Magaalada Muqdisho iyadoo lagu wado in ay iyagu xasiliyaan Muqdisho oo ay dagaallo shalay ka dhaceen, ciidammada Dowladduna ka adkaan waayeen kooxihii weeraray goobahooda.

muslimamuslimamuslimamuslima

 

Ciidammo intaan le’eg oo Itoobiyaanka ah ayaa waxaa la sheegay inay yihiin tiradii ugu badnayd ee xamar loo soo gudbiyo muddo ka badan 2-bilood oo ay dowladda Soomaaliya ka wareegtay gacan ku haynta dalka Soomaaliya oo dhan, kaddib dagaallo ay la galeen Maxkamadihii Midoobay

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

 

xuurshe114@hotmail.com

 

Muqdisho-Somalia

 

Tel:002521-5573321

Share this post


Link to post
Share on other sites
Peacenow   

Exactly, what my previous post said. Whilst at the same time, more and more Ethiopians are being housed and settled in Somalia. It's happening right now in Somaliland and Puntland. It's all part of a systematic plan to annex the land to Ethiopia and the fulliment of their dreams.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this