Sign in to follow this  
Nageeye77

Al-Shabaab clashes with Xizbul-Islam

Recommended Posts

Mogadishu Wednesday, 27 May 2009 SMC

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo gaar ahaan degmada Luuq ayaa waxay sheegayaan in dagaal muddo kooban socday uu Xalay ku dhexmartay ciidamo kala taabacsan Ururada Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo ku wada sugan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

 

Dagaalkaasi ayaa la sheegay in khasaare uu geystay, isla markaasna ay ku nafwaayeen tiro dad ah oo u badan ciidamadii uu dagaalku dhexmaray, iyadoo la sheegay inuu ka bilowday dagaalkaasi markiisii hore gaari nooca Baraadada ah oo marayey halka lagu magacaabo Cakaaro oo qaar ka mid ah garabyadaasi ay huwiyeen.

 

Gaarigaasi oo ay wateen garab ka mid ah xoogagga Islaamiga ah ee ku sugan Degmada Luuq ayaa sida la sheegayo waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ciidamadii saarnaa, iyadoo israsaarsayntuna ay qaadatay muddo nus-saac ah, waxaana la sheegay in markii dambe uu dagaalkii sii xoogeystay kaas oo la sheegay in waxyeelo la gaarsiiyey gaari ka mid ah baabuur ay wateen garab ka mid ah garabyadaasi.

 

Dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi ayaa la sheegay in la geeyey Isbitaalka degmadaasi, lamana oga sababta dhab ah ee ka dambeysay waxa dhaliyey inay dagaalkaasi uu ka dhexqarxo xoogagga Muqaawamada ee ku wada sugan degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

 

Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa gacanta si wadajir ah ugu hayey ciidamo ka tirsan xarakada Al-shabaab Iyo kuwa Ururka Xisbul-islaam, kuwaas oo ciidamadoodu ay si wada jir ah u maamulayeen Degmadaasi Luuq tan iyo intii halkaasi ka qabsadeen ciidamadii dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Ehem ,,,, Hmmmmmm

and when is it gona happen in Muqdisho ??

News takes time to travel - but eventually it will get here.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Walaahi that will be a new terrible problem ..... religious war.

Subxaan ....

Sxb, hal mid hosta ka xariq, wax diiin ku dagalamaya ama uu dagalamaya mantey meshaan kama jirto.

JB Wallahi hadi aad arki laheyd waxaa meshaas socda waxaad is warsan laheyd ma Islaniimo cusub aya dhalatey mise dadka aya la halajiinaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I know there is no one fighting for Diin but as long as they hold those claims it is getting even worse.

 

Imagine all those innocent and juhala poeple tricked under fake religious flags and put them in hell .............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this