Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Kudos to Sheikh Cabdulqaadir Gacamey and the rest of Puntland culumaa'uddin!

Recommended Posts

Shir Xaasaasiya Oo Wadaadadda Puntland Iyo Gen Cadde Uga Socda Magaalada Gaalkacyo!!

 

 

Nov 17, 2006 By:sscayn.com

 

Gaalkacyo(sscayn.com):-M/waynaha Puntland Cadde Muuse Xirsi iyo Qaar ka mid ah Culimada waawayn ee Puntland ayaa iminka shir albaabadu u xiran ku leh Magaalada Gaalkacyo, waxaanna ay ka wadahadlayaan arimaha dalka ku soo cusboonaaday iyo sidii mowqif midaysan loo wada qaadan lahaa maamul iyo shacab-ba.

 

 

Shirkan ayaa ka dambeeyay kadib markii uu M/waynuhu dhawaan Culimadan ka codsaday in ay mowqif iyo talabixin midaysan oo ku aadan is-badalka cusub ee diimeed ay la yimaadaan , si talo midaysan looga gudbo xaaladaha jira,waxaana ay Culmadu dhawaan shir balaadhan ku yesheen Magaalada Bosaaso.

 

Culimadan oo hogaaminayo Sheekh C/qaadir Nuur ayaa waxaana la filayaa in goordhow ay wadaadadaasi ay warsaxaafadeed ku qabtaan magaalada kadib marka ay dhamaystaan kulanka ay la leeyihiin M/weynaha.

 

Dadka xaaladda Puntland la socda ayaa sheegaya in ay u dhawdahay in Cadde qaato taladda Wadaadadda,kaasi oo ugu baaqaya Maamulka Puntland in uu qaato ku dhaqanka Shareecadda Islaamka.

 

 

 

sscayn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/wayne Cadde iyo Qaar ka mid ah Culimada Puntland oo gaaray dhowr qodob oo heshiis hordhac ah!

 

 

Nov 18, 2006 By:sscayn.com

 

Gaalkacyo(sscayn.com);-Kulan ay xalay magaalada Gaalkacyo ay ku yeesheen M/wayne Cadde Muuse iyo Qaar ka mid ah Culimada waawayn ee Puntland ayaa heshiis waxay ku gareen in la qabto shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen Issimada,Culimada iyo ,Aqoon-yahano,si looga baxo khilaafka Diimeed ee iminka dalka hadheeyey.

 

 

Waxaa ka soo baxay kulan kaasi talooyinka soo socda oo loo arkey in ay ka tarjumayaan masalaxada shacabka reer Puntland iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliya.

 

1.In la taabo geliyo ku dhaqanka sharciga Islaamka, sida ku cad Dastuurka Puntland.

 

 

2.In madaxweynuhu magacaabo gudi ka talo bixiya habkii wax loo sixi lahaa kana kooban golayaasha dawlada culimaa'udiinka Isimada iyo Aqoonayahada DGPL.

 

 

3.In la dhawro amniga iyo xasiloonida Puntland.

 

 

4.In soomaaliya lagu xaliyo arimaheeda wadahadal iyo is afgarad.

 

sscayn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Puntland iyo culumada gobolka oo is afgarad dhex maray

 

Gaalkacayo, Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo kulan ku yeeshay lixdan xubnood oo ka tirsan culama u diinka Puntland iyo madaxda dowlad goboleedka Puntland, shirkaan ku saabsanaa sidii xal loogu heli lahaa daganaansha la'aanta siyaasadeed ee gobolka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in wadaadadu ay hor dhigi doonaan dowladda qorshe ah in la qaato shareecada islaamka, waxaana la filayaa in ay noqto mid la isku af garto.

 

Arintaan oo weli wax go,aan ah laga soo saarin ayaa lagu waramayaa, in xoogaa qalaase ahi ay ka dheceen furinta hore laba sahan ay is xabadeeyeen,taasi hakad ku keentay habsami u socodka shirka.

 

Warar hadda soo baxay ayaa sheegaya in culamadu soo ban dhigeen in diinta islaamka la qaato waxaana arintaas la qaatay baa la leeyahay maamulka Puntland uu arintaas aqbalay, waxaana hadda la saaray gudi culuma udiin ah, oo soo lafa gura arinta loo xil saaray.

 

Waxaa jiray warar maalmahaan soo baxay oo sheegay in xiriir hoose uu dhex maray culimada gobolka Puntland iyo M/weyne Cadde Muuse Boqor, waxaana taasi hakisay baa la leeyahay dagaal xoogan oo ka dhici lahaa gobolada dhexe.

 

Max’ud max’ed Jaamac (Amooroos)

Waayaha.net,Gaalkacayo,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir wadatashi oo ka dhacay Gaalkacyo qodobana ka soo baxeen

Last Updated::2006-11-18 19:53:50

 

Madaxweynaha DGPL ayaa xubno muhiim ah oo kamid ah culimada diinta islaamka ee reer Puntland.

Wadatashi kala yeeshay xaaladaha siyaasadeed iyo nabadgelyo ee maanta ka jira guud ahaan soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo dersiyadeeda koonfur iyo waqooyi.

 

Waxaa ka soo baxay talooyinka soo socda oo loo arkey in ay ka tarjumayaan masalaxada shacabka reer Puntland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliya.

 

1.In la taabo geliyo ku dhaqanka sharciga Islaamka, sida ku cad Dastuurka Puntland

2.In madaxweynuhu magacaabo gudi ka talo bixiya habkii wax loo sixi lahaa kana kooban golayaasha dawlada culimaaudiinka isimada iyo aqoonayahada DGPL

3.In la dhawro amniga iyo xasiloonida Puntland

4.In soomaaliya lagu xaliyo arimaheeda wadahadal iyo is afgarad.

 

Isha warka

Puntlandgov.Net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Culumada Puntland la yeesheen madaxweynaha Puntland oo ku dhamaaday is-afgarad

Posted to the MOL November 18, 2006, 7:30 pm

 

 

Gaalkacyo:- Waxaa magaalada Gaalkacyo habeenkii xalay ku kulmay culumada ugu caansan Puntland iyo Madaxweynaha DGPL Cadde Muuse. Shirkaan oo ujeedadiisu ahayd sidii looga arinsan lahaa weerarka ay puntland ku soo qaadeen Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdishu oo sheegay in ujeedada ay Puntland u soo weerarayaan ay ka mid tahay sidii deegaankaas loo gaarsiin lahaa isku xukunka kitaabka alle oo ay shegeen inay ka hirgaliyeen koonfurta Somaliya.

 

Culumada ka qeyb gashay shirkaas oo ay ka mid ahaayeen Sheikh. Cabdulqadir Nuur Faarax, Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, Sh. Burhaan, Sh. Fuaad Maxamuud Xaaji Nuur iyo kuwo kale ayaa ka soo kala kicitamay magaalooyinka Bosaaso iyo garoowe.

 

Shirkaas Wadatashiga ahaa ayaa culumada iyo dawlada goboleedka Puntland isku afgarten waxyaabihii laga wada hadlay. Waxaana shirkaas ka soo baxay talooyinka soo socda oo loo arkey in ay ka tarjumayaan masalaxada shacabka reer Puntland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed:

 

 

In la taabo geliyo ku dhaqanka sharciga Islaamka, sida ku cad Dastuurka Puntland.

 

In madaxweynuhu magacaabo gudi ka talo bixiya habkii wax loo sixi lahaa kana kooban golayaasha dawlada culimaaudiinka isimada iyo aqoonayahada DGPL.

 

In la dhawro amniga iyo xasiloonida Puntland

 

In soomaaliya lagu xaliyo arimaheeda wadahadal iyo is afgarad.

 

 

Heshiiskaas ayaa waxaa uu caqabad ku noqon doonaa Maxkamadaha Muqdishu inay helaan marmarsiinyo siyaasadeed oo ayku weeraraaan Puntland maadaama haatan culumadii, Isimadii iyo shacabkiiba isku aragti yihiin dawladii ay soo doorteen.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this