Sign in to follow this  
Siciid1986

Maxamed Xaashi Oo Lawaregay Xilka Iyo 21milayan Oo Dolar Oo Deyn Ah

Recommended Posts

Hargeysa(TVSLE) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta ku gacan saydhay Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cali Ducaale inuu kala wareego lacag lagu qiyaasay inay gaadhayso 21 Milyan oo Dollar oo dayn ah oo uu sheegay in lagu leeyahay Xukuumadda

 

Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi ayaa diidmada Deynta lagu wareejiyay ku sheegay mid sharci daro ah isla markaana aanu aqbalayn la wareegideeda ilaa inta laga keenayo cadaymo macquul ah oo uu ku qaato, waxaanu munaasibadii uu xilka kula wareegayay ku diiday inuu saxeexo Ducumant’gii uu Wasiir Cawil ku soo diyaarsaday Deymaha

 

Wasiirka cusub ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi ayaan dheg jalaq u siinin Khudbad dheer oo uu Wasiir Cawil ku hoga-tusaalaynayay baahiyaha Wasaaradda iyo duruufaha Dhaqaale ee Horyaala taa bedelkeedana waxa uu soo bandhigay qorshe Maalmeedkiisa shaqo ee Sadex biloodka ah oo uu sheegay inuu markasta hor geyn doono Golaha Wakiiladda isla markaana uu ku soo bandhigi doono Saxaafadda

 

Xuseen Cali Ducaale Wasiirkii hore ee Maaliyada ee xilka Wareejiyay ayaa isna dhiniciisa hadalo duur xul ah ku weeraray Maxamed Xaashi waxaanu u soo jeediyay maadaama uu xilka kala wareegayo in looga baahan yahay inaanu wasaaradda u soo qaadan shandadii weynayd ee uu ku ururin jiray ceebaha iyo canbaaraynta dadkii ay siyaasada isku hayeen ee uu masuul noqdo oo uu jeexo dariiq cusub

 

Diidmada uu Maxamed Xaashi diiday inuu la wareego deynta uu soo bandhigay wasiir Cawil ayaa dhalisay dareen wer-wer leh oo laga qaatay inay xurguf Siyaasadeed ka dhalato waxaana markii Xilwareejinta laga soo dareeray arrinta isku dayay inay ka odayeeyaan Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda oo ka soo qayb galay xafladda si ay goob joog uga noqdaan Xil wareejinta oo ahayd mid xaasaasi ah maadaama labada Wasiir ee la kala wareegaya xilka ay dhexdooda ka aloosnayd xifaaltan Siyaasadeed, waxaanay go’aansadeen inay sameeyaan dhexdhexaadin lagu xaliyo deynta, taasoo ay kooxiba dhinaceeda ugu balaqaaday inay kala soo kulmi doonto labada Wasiir

 

Arrintan ayaa la filayaa haddii aan xal loo helin inay kalifi doonto in lagu kala baxo Hay’adaha Sharci kuwaasoo sii fogayn doona jawigii wanaagsanaa ee Talada lagula kala wareegay

 

sidoo kale waxay noqon doontaa haddii aan xal loo helin caqabad adag oo ka hortimaada maamulka cusub

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this