Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Isbeddelka Aragtida Xukuumadda Maraykanka ee Aqoonsiga Somaliland

Recommended Posts

Washington (Jam/W/Wararka)- Maamulka Madaxweyne Bush ayaa markii u horreysay muujiyey sida uu u danaynayo aqoonsi caalami ah dunida ka hesho Jamhuuriyadda Somaliland oo sannadkii 1991kii dib ugala soo noqotay madaxbannaanideeda midowgii aan wax shuruud ahi ku xidhnayn ee ay la gashay Soomaaliyada Talyaanigu gumaysan jiray 1960kii.

 

Arrintan ayaa daaha ka rogaysa isbeddel cusub oo ku yimi siyaasadda dawladda Maraykanka ee ku wajahan qaddiyadda Somaliland.

 

Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Gaashaandhigga Washington, ayaa dhowaan si caddaan ah uga badheedhay siday uga go?an tahay in dawladda Maraykanku aqoonsato Somaliland, iyagoo doodooda sal uga dhigay in ay tallaabadaasi tahay siyaasad lagu badbaadinayo horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinacyada nabadgelyada iyo dimoqraadiyadda, isla markaana lagaga moosayo in aan deganaanshaha ka jiraa ku dhex milmin burburka iyo hallaagga ku habsaday koonfurta Soomaaliya tan markii la afgembiyey dawladdii millateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1991kii.

 

Doodda arrintan ayaa soo ifbaxday waqtigan oo ay sii kordhayaan qalalaalasaha ka jira Soomaaliya oo maalinba maalinta ka dambaysa kor u sii kacaya, isla markaana dagaallada kooxaha mayalka adagi ku sii baahayaan caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena uu xilligan bilaabmay burbur ku habsaday dawladda Mbeghati ee itaalka darran.

 

Aragtida cusub ee xukuumadda Washington ee ku aaddan Somaliland waxa hindisay madaxda sare ee sargooya qorsha guud ee amniga qaranka Maraykanka, kuwaas oo aaminsan ku dhaqanka siyaasadda odhanaysa, si loo ilaaliyo danaha iyo maslaxadda Maraykanka waa in la isticmaalo awooaha horumarsan ee dhinaca millateriga si looga takhaluso cid kasta oo cadow ku ah masaaliixdooda.

 

Dagaalka lidka ku ah argagixisada oo maamulka Washington siyaasaddan ku isticmaalay, ayaa sababay in Maraykanku galay dagaallo fara badan oo natiijada ka soo baxday lagu tilmaamay mid ay ka faa?iidaysatay argagixisadu, marka loo eego hawlgallada ballaadhan ee kooxaha argagixsadu ka fulinayaan dunida dacalladeeda. Iyadoo haatan ay si caddaan ah u soo ifbaxday in Maraykanku ku guuldarraystay aragtida noocan ah, ayaanay haddana taasi noqonayn mid wax ka qaban karta caqabadaha qarnigan 21aad ka horimanaya danaha Ameerikaanka.

 

Sidoo kale, iyadoo Washington isku dayaysa inay wax ka qabato dhibaatooyinkaas, ayaa haatan waxa aynu aragnaa siyaasaddii Maraykanka ee caalamka oo weji cusub oo hor leh ku socota. Fikirkan cusub ayaa la sheegay inuu yahay mid aamisan in aanay siyaasadda caalamku keliya ku koobnaan dawladaha oo qudha, balse waxay dhiirrigelinaysaa in lala macaamilo dhinacyada kalee siyaasadeed iyo bulsho, iyadoo la adeegsanayo diblomaasiyad iyo qawaaniinta caalamiga ah dhinac ah iyo macaamil dhinaca millateriga oo isna gees ah.

 

Haddaba, marka aynu u soo noqono xaaladda dalka Soomaaliya, waxaynu ognahay in Maraykanku uu mar horeba ku isticmaalay siyaasaddan cusub, isagoo si toos ah ula macaamilay qabqablayaashii dagaal ee Muqdisho ka talinayey sannadaha badan, kuwaas oo uu ku maalgeliyey dagaalkii ay la galeen xoogaggii Maxaakiimta Islaamiga ah, iyadoo ay marag-ma-doon ahayd in Maraykanku ku kharash-gareeyey qabqablayaashaas hanti ka badan ta uu ku bixiyey samayntii dawladda Mbeghati.

 

Dhinaca kale, Somaliland ayaa xukuumadda Washington si joogto ah uga siinaysay taageerooyin farsamo dhinacyada dimoqraadiyadda iyo horumarinta dhaqaale, iyadoo haatana xarunta Gaashaandhigga ee Pentagon-ku doonaysa in ay Somaliland ka mid noqoto xulifadeeda si taasi ugu suurtogashana waxay soo jeediyeen in loo fidiyo aqoonsi, tallaabadaas oo calaamad u ah isbeddelka aragtida cusub ee Maraykanka ee ku wajahan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland.

 

 

Source Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this