Jacaylbaro Posted February 17, 2008 Waxaa deeq lacageed soo gaadhsiiyay mac-had kuyaal magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool gabdhaha SSC ee ku sugan Dalka Sweden gaar ahaana xaruntiisa ee Stockholm oo ay ku sugan yihiin deeqdaas oo ay ugu talo galeen in wax loogu qabto Mac-hadkaasi. Mac-hadkan oo lagu magacaabo Khadiija Bintu Khuwaylid ayaa waxa uu yahay mac-had si wayn wax looga barto Diinta Islaamka iyo waliba maadiga isagoo kamid ah mac-hadyada ugu horeeya xaga diinta Islaamka ee ka hawlgala gudaha magalada Laascaanood. Hadaba si wax looga qabto xagga horumarinta iyo dhamaystirka Mac-hadkaasi ayaa waxaa soo diray deeq lacageed gabdhaha SSC ee ku sugan magaalada Stockholm ee dalka Sweden taas oo ku timi kadib markii ay shir isugu yimaadeen kaas oo ay wax uga qabanayaan horumarinta dalkooda. Deeqdan oo soo gaadhay Mac-hadkaasi waxna loogu qabtay qaybayha horumarinta iyo dhamaystirka ayaa waxaanu wax ka waydiinay mid kamid ah masuuliyiinta mac-hadkaasi deeqdan soo gaadhay mac-hadkooda isagoo noo sheegay inay si wayn uga mahad celinayaan. Hadaba masuuliyiinta kala duwan ee mac-hadkaasi ayaa waxa ay si wayn uag mahad celinayaan Deeqda ay soo gaadhsiiyeen walaalohooda kunool dalka Sweden gaar ahaana xaruntiisa Stockholm. Afnugaal News Desk info@afnugaal.com Quote Share this post Link to post Share on other sites