Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Navy Commander Leaves for Djibouti

Recommended Posts

tuiba.jpg

 

 

 

Taliyaha Ciidanaka bada Jamhuuriyada Somaliland Admiral Cismaan Jibriil Xagar iyo Captain C/laahi Qawdhan ayaa maanta ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaaladda Hargeysa.

 

Socdaalka saraakiishan ilaalada xeebaha ayaa ka danbaysay marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen taliyaha ciidanka ilaalada bada cas ee loo yaqaano Atlanta Fleet Admiral, Labonne oo fadhigiisu yahay magaalo madaxda jamhuuriyada Jabuuti.

 

Kulanka labada Admiral ayaa lagu wadaa inay bari ku kulmaan xarunta ciidanka Atlanta fleet ee dalka Jabuuti, waxaana kulankaas ay labada Masuul iskula gorfayn doonaan sidii labada ciidan ay iskaga kaashan lahaayeen, hawlgalada ku aadan ilaalinta iyo nabad galyada Bada Cas, si ay u ahaadaan Xeebaha bada Casi meelo ka nabdoon falalka budhcad badeeda iyo wixii kale ee lagama maarmaanka u ah hawlaha dagaanada Xeebaha bada Cas iyo afaafka gacanka Cadmeed.

 

Waxa kale oo kulankan lagu soo qaadi doonaa in maraakiibta Atlanta fleet ay sidii ay ugu soo xidhan lahaayeen saldhigyada ciidanka xeebaha Somaliland mararka ay jiraan hawlgalada iskaashi ee ka dhexeeya labada ciidan. Kulankan baa ah mid albaabada u furay ciidamada caalamiga ah ee ku sugam bada Cas iyo ciidanka bada ee Jamhuuriyada Somaliland, taas oo laga rajaynayo in mustaqbalka ciidanka bada Somaliland ka helo gacan siin tayanta ciidanka, qalabaynta, iyo kor u qaadka aqoonta ciidanka.

 

Kulankan labada Admiral Ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah, lagana filayo inay yimaadaan fursado kale oo u dhexeeyay labada ciidan. Ciidanka ilaalada xeebaha jamhuuriyada Somaliland oo aasaaskiisu dhawaa ayaa ah mid buuxiyay kaalintii uu ciidaankaasi uga xil saarnaa qaranka, iyagoo cadawga budhcad badeeda soomaalida ee ku soo xad gudbay biyaha xeebaha Somaliland ugu gaystay dhirbaaxo uu ku samro sida soo qabashada doonyo, maxaabiis iyo qalab ay ka soo qabteen meesha la yidhaa Shalcaw oo 230km ka xigta bari magaalada Barbara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this