Sign in to follow this  
Xoogsade

Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo la wareegay B/Weyne iyo Dabageed oo Baxsaday

Recommended Posts

Xoogsade   

Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo la wareegay B/Weyne iyo Dabageed oo u baxsadey dhinaca Feer Feer.

Beerdhiga 14.04.2008 01:38

 

Wararka caawa laga helayo xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne ayaa sheegaya in caawa gebi ahaanba gacan ku heynta magaalada Baladweyne ay la wareegeen Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed.

 

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in magaalada ay soo galeen ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka, kuwaas oo la wareegay dhamaan gacan ku heynta xarumaha muhiimka ah ee maamulka Gobolka Hiiraan ku lahaa Baladweyne, sida Saldhiga ciidanka Booliska, xarunta Gobolka iyo guriga Yuusuf Dabageed ka deganaa magaalada Baladweyne.

 

Waxaa galabnimadii hore degmada Baladweyne isaga huleelay dhamaan maamulkii halkaa ka jirey ee Gobolka hiraan u qaabilsanaa dowlada KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ee uu hor kacayey Yuusuf Dabageed, iyada oo la shaagayo in isaga iyo ciidamo yar oo uu wato ay u carareen dhinaca Feer Feer.

 

Sidoo kale tan iyo maanta waxaa haawanaya fariisimadii ciidanka Gumeysiga Itoobiya ku lahaayeen duleedka magaalada Baladweyne ee Janta Kundisho iyo Kalabeyr, iyada oo ciidamadaasina ay u kala dhaqaaqeen dhinca Buulobarde iyo Feer Feer.

 

Arintan ayaa ku soo adaya iyada oo Xoogaga Mujaahidiintu sidoo kale caawa la wareegeen degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee halkaa ku sugnaa ay isaga carareen markii ay ka war heleen in Xoogaga Mujaahidiintu ku soo fool leeyihiin.

 

Dhanka kalena arintan ayaa ku soo beegsameysa, xilli weerar iyo qaraxyo maanta la gula beegsadey ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee ka soo amba baxey Janta Kundisho inta u dhexeysa Halgan iyo Garasyaani oo 2 ka mid ah gaadiidkii ay wateena looga gubey,sidoo kalena makhribnimadii caawa weerar kale lala beegsadey xilli ay ku sii dhawaayeen tuulada Halgan.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo isaga huleelay degmada Cadaado iyo Xoogaga Mujaahidiinta oo halkaa gaarey.

Beerdhiga 13.04.2008 23:52

 

Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee dhawaan gaarey degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa caawa halkaa isaga huleelay ka dib markii ay ka warheleen in xoogag ka tirsan Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay kaabiga u soo saaran yihiin magaalada Cadaado.

 

Sida uu shabakada Beerdhiga u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee caawa gaarey degmada Cadaado, waxa uu sheegay in caawa abaaro 09:00 fiidnimo ay ciidanka Gumeysiga Itoobiya isaga baxeen degmada Cadaado, ka dib markii ay ka warheleen in Xoogaga Mujaahidiintu qeybo ka mid ah magaalada ay soo gaaren.

 

Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee caawa ka baxey degmada Cadaado ayaa wararka laga helayo halkaa waxa ay sheegayaan in ay u dhaqaaqeen dhinaca degmada Gelinsoor, sidoo kalena Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee halkaa gaarey ay iyaguna ka daba ruqaansadeen oo ay ku daba joogaan wali.

 

Ma jiraan ilaa iyo hadda wax isku dhac ah oo dhex marey Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee ka baxey degmada Cadaado, iyada oo la filan karo in halkaa uu ka dhaco dagaal xoogan oo dhex mara labada dhinac maadaama Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ay ku daba jiraan raadka ciidanka Gumeysiga Itoobiya.

 

Dhanka kale lama dheegin karo in ciidanka Gumeysiga Itoobiya ay toos u abaarayaan dhinaca Gobolka mudug iyo in ay u weecanayaan dhinaca xaduuda, oo ah halkii markii hore ay ka soo galeen degmada cadaado.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this