Sign in to follow this  
General Duke

Yusuf Jama gets 35 years for female police shooting...

Recommended Posts

Nin Soomaali ah oo dilay Askari Booliis oo 35 sano lagu xukumay dalka Ingiriiska

Last Updated::2006-12-22 18:10:38

 

London:- Yusuf Abdullahi Jamac oo 20 jir ah iyo saaxiibkii Muzzaker Imtiaz Shah oo 25 sano jir ah ayaa lagu xukumay min 35 sano oo xarig ah.

 

yusuf_jama_london.jpgYusuf Jama

 

Labada nin ayaa kamid ahaa koox maanta lasoo hortaagay Maxkamada magaalada Newcastle ee Crown Court.

 

Kooxdan uu ku jiro ninkan Soomaaliga ah ee 20 jirka ah ayaa loo heystay dhac ay u geysteen xafiis duulimaadka ah oo ku yaal magaalada Bradford iyo waliba dil loo geystay Askariyad Booliis ah oo lagu magacaabo Beshenivsky.

 

_42365377_beshenivskywypol300.jpg

 

18kii November sanadkii 2005 ayey ahayd markii ay kooxdan dhalinyarada ah ay rasaas la beegsadeen Askariya Beshenivsky iyo askari kale oo isku dayey in ay ka hortagaan kooxdan burcadaha oo dhaceysay Xafiis ku yaal magaalada Bradford.

 

Yusuf Abdullahi Jamac iyo ninka lagu magacaabo Muzzaker ayay maxkamadu ku sheegtay in ay yihiin kuwo khatar ku ah bulshada isla markaana xabsi daa'in lagu xukumay ayadoo ugu yaraan xabsiga ku jiri doona 35 sano.

 

Yusuf Jamac oo asagu kasoo jeeda dalka Soomaaliya, kuna noolaa magaalada Caasimada ah ee London ayaa asagu qirtay inuu dilay Askariyada balse xabadii uu tuuray ay ahayd mid si kama ah uga dhacday.

 

Kooxdan dhalinyarada ah ayaa ahaa kuwo burcad ah oo geysta dhac iyo boob.

 

Yusuf Walaalkiis oo Baxsaday

 

_42351803_mustafjama203.jpgMustafa Jama

 

Waxaa asagu ka baxsaday dalka ingiriiska Mustafa Abdullahi Jamac oo ay walaalo yihiin Yusuf ayaa kamid ahaa kooxdan burcada ah, ayadoo la sheegay in ninkaasi uu ka baxsaday dalka Ingiriiska kadib markii uu ku dhoofay Baasaboorka Walaashii oo uu ku dhajisan yahay Sawiro Indho shareer ah.

 

Cumar Siciid

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this