Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale Meets with Sool Community in UK

Recommended Posts

London (Qarannews) -Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisa oo wali ku gudo jira socdaalkoodii howleed ee ay ku joogeen dalka Britain ayaa maanta waxa uu Madaxweynuhu huteelka uu deggan yahay kula kulmay Marsuuliyiin ka tirsan Gudiga dib u dhiska iyo taakulaynta gobolka Sool ee Somaliland iyo xubno ka tirsan jaaliyada Somaliland ee gobolka Sool ee UK.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Wefdiga ahna Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise ayaa u qornaa sedan:

‘’Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisa oo wali ku gudo jira socdaalkoodii howleed ee ay ku joogeen dalkan Britain ayaa maanta waxa uu Madaxweynuhu huteelka uu deggan yahay kula kulmay Masuuliyiin ka tirsan Gudiga dib u dhiska iyo taakulaynta gobolka Sool ee Somaliland oo iyagu beryahan danbe ku foognaa ururinta iyo diyaarinta dhaqaale balaadhan oo dib loogu dhiso gobolka Sool oo isagu ka hadhay horumarka gobolada kale ee dalka, taasi oo ay ugu wacnayd dhibaatooyin isdaba joog ah oo ay gobolkaas ku hayeen maleeshiyooyinka Maamulka ******teeniya oo hortaagnaa Horumarka gobolka Sool ka hor intii aanay Ciidamada qaranka Somaliland oo kaashanaya dadweynaha gobolka Sool la wareegin gacan ku haynta gobolka Sool.

Hadaba Madaxweynuhu waxa uu warbixin ka dhegeystay Masuuliyiinta u xilsaaran ururinta iyo isku dubaridka dhaqaalaha dib loogu dhisayo Gobolka Sool, waxaana gudigu ay tilmaameen inay meel aad u fiican u maryaan hawluhu dhawaana ay bilaabi doonaan fulinta mashaariic horumarineed oo ay u diyaariyeen gobolka Sool, Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa isaga oo madashaas ka hadlaya waxa uu yidhi

" Waan idiinku mahadnaqayaa dedaalkiina, waxaanan ugu baaqyaa muwaadin kasta oo ku nool dalka dibadiisa iyo gudahiisaba inuu ka qayb qaato dib u dhiska gobolka Sool, waxaana xukuumad ahaan aanu balan qaadaynaa inaanu gobolka Sool si dhakhso ah usoo gaadhsiino gobolada kale ee dalka isla markaasna aanu wax weyn ka qaban doono horumarinta adeegyada bulshada ee kala duwan"

Isla maanta waxaa Huteelka uu Madaxweynuhu uu deggan yahay uu ku qaabilay Masuuliyiin kala duwan oo ka socotay Jaaliyada Somaliland ee Gobolka Sool ee ku dhaqan dalkan Britian, waxaana ay Madaweynaha ka wada hadleen sida ugu haboon ee ay dadweynaha Gobolka Sool ee qurbaha ku nooli ay gacan uga geysan karaan horumarinta iyo dib u dhiska gobolka Sool, waxaa kale oo xubnaha reer Sool ay Madaxweynaha Somaliland u balan qaadeen inay kaalin muuqata ka geysan doonaan adkeynta nabadgelyada iyo horumarinta gobolka Sool oo ay tilmaameen inay aad ugu faraxsan yihiin dedaalka dawlada Somaliland ugu jirto sidii loo horumarin lahaa gobolkaas, kulankan Madaxweynuhu la yeeshay jaaliyada reer Somaliland ee asal ahaan ka soo jeeda gobolka Sool waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Cadaalada Mudane Axmed Xasan Cali Casoowe’’

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo waftigiisa oo ku sugan magaalada London ayaa shalay(khamiis 10-01-2008)kulan khaas ah la yeeshay odayaasha,siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ee ku dhaqan cariga Ingiriiska,kulankaas oo ka dhacay hoolka shirarka ee Hotel Crown Place ee badhtamaha magaalada London.

 

Kulankaas oo uu soo qabanqaabiyey wasiirka cadaalada ee Somaliland mudane Axmed Xassan Bisaas(Casoowe) oo ka mid ah waftiga madaxweyne Riyaale ayaa ugu horeyn kulan horudhac ah la yeeshay jaaliyada SSC ee UK,kadibna waxaa kulankii ku soo biiray madaxwweyne Riyaale oo si khaas ah wadahadalo xasaasi ah ula yeeshay waftiga jaaliyada,iyagoo isla lafaguray xaalada dalku marayo iyo dhacdooyinkii ugu dannbeeyey ee ka jira wadankii.

 

 

Waftiga jaaliyada oo uu horkacayey Cabdi Garaad Ismaaciil ayaa kulankii hore ee ay la yeesheen Wasiir Casoowe waxaa wasiirku jaaliyada siiyey warbixin ku saabsan xaalada wadankii marayo,iyo isbedeladii ugu danbeeyey,iyo waxqabadkii maamulkooda intii ay si buuxda ugu sugnaayeen gebi ahaanba gobolada SSC.

 

 

Mr Casoowe ayaa sheegay in maamulkoodu muujin doono waxqabad deg deg ah oo dadku ku diirsadaan,isagoo balan qaaday in ay si deg deg ah wax uga qaban doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee arimaha bulshada gobolada SSC,iyagoo u sameeyey koonto gaar ah,oo si gaar ah wax loogu qaban doono goboladaas,isagoo sheegay in waxa ugu horeeya ay qaban doonaan ay noqon doonto xaga biyaha,nabada,caafimaadka iwm.

 

 

Casoowe ayaa jaaliyada u sheegay ujeedada safarkooda ay ku yimaadeen Uk,isagoo sheegay inay casuumad rasmi ah ka heleen dawlada Maraykanka,oo ay berito u duuli doonaan Washington,halkaasna ay kula kulmi doonaan madaxda dawlada maraykanka,oo ay ka wada xaajoon doonaan arimaha dan u ah labada dal.

 

 

Warbixintaas iyo wadatashi guud kadib ayaa waxa Wasiir Casoowe u yeedhay madaxweyne Riyaale,wuxuuna salaan kadib siiyey jaaliyada warbixin guud,iyo mid gaar ahaaneedba,isagoo tilmaamay waxyaabaha ay damacsan yihiin inay ka fuliyan gobolada SSC,isagoo sheegay in si gaar ah goboladaas wax loogu qoondeeyey,lana gaadhsiin doono horumarka ay gaadheen gobolada kale ee maamulka Somaliland.

 

 

"Dhulku waa dhulkiiniiye marti ha ku noqonina,cid idinka xigtaayi ma jirto"ayuu yidhi Rayaale isagoo ku dhiiri geliyey jaaliyada inay ka qayb qaataan horumarka Somaliland,maamulkana aan cidi ka lahayn.

 

"Anigu gobolka Sool si fiican baan u aqaanaa,mudo badan baan ka soo shaqeeyey,shirkii Burco waxaan ka mid ahaa waftigii ka yimid Laascaanood oo garaadada reer Sool baan waftigooda ka mid ahaa,maadaama burburkii halkaas iigu dhacay,weliba aan idin xasuusiyee gobolkaas wuxuu ahaa gobolkii ugu horeeyey ee dad aan isku abtirsiiyo ahayni ay xisibigii USP ku midaysnaayeen iyagoo isku raacay qadiyad iyo is gaashaanbuuraysi,mar walbana caadifada qabiilku meel fog ma gaadho"ayuu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata Mr Rayaale.

 

 

Dhinaca waftiga jaaliyada SSC waxaa ugu horeyn u hadlay Cabdi Garaad Ismaaciil,wuxuuna u sheegay waftiga ka yimid Somaliland in hadii ay dadka tusaan wax qabad dhab ah,la soo dhoweyn doono,oo lagu qiimayn doono wax qabadkooda.

 

 

Waxaa isna halkaas ka hadlay Maxamuud X.Soocade oo madaxweynaha iyo waftigiisa u sheegay in aan awood ciidani xal ahayn,balse wadahadal iyo nabad xalku yahay,loona baahan yahay in masuuliyiinta gobolada SSC taladooda la qaato.

 

Raga kale ee halkaas ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa,A.Ducaale Qambi oo u hadlay jaaliyada Bristol,Cali Sheekeeye,Maxamed Cawil,Cabdishube,I.Xassan Dhalac(Goobe),iyagoo dhamaantood siiyey waftigaas talooyin muhiim ah oo u badnaa xaga nabadgelyada.

 

 

Shirkaas ayaa dood dheer kadib ku dhamaaday weji is afgarasho,waxaa gebagebadii isna halkaas ka yidhi ereyo kaftan u badnaa wasiirka arimaha dibada ee Somaliland cabdillaahi Axmed Ducaale,isagoo sheegay in Somaliland aanay qaran noqon karin hadii gobolada SSC ayan hawsha ka qayb qaadan.

 

 

Waftigan ayaa berito u duuli doona magaalada Washington ee cariga Maraykanka,halkaas oo sida aan weydiiyey uu madaxweyne Riyaale ii sheegay inay casuumad ka heleen maamulka Maraykanka,ayna kala soo xaajoon doonaan waxyaabo badan,oo dalka Somaliland dan u ah.

 

Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf iyo Riyaale ayaa diyaarad ka soo wada raacay Adisababa,waxaana diyaarada dusheeda sida naloo sheegay ku soo dhex maray wadahadalo aan la faahfaahin.

 

 

cas27.jpg

cas7.jpg

cas9.jpg

cas23.jpg

cas14.jpg

cas20.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhinaca waftiga jaaliyada SSC waxaa ugu horeyn u hadlay Cabdi Garaad Ismaaciil,wuxuuna u sheegay waftiga ka yimid Somaliland in hadii ay dadka tusaan wax qabad dhab ah,la soo dhoweyn doono,oo lagu qiimayn doono wax qabadkooda.

Exactly the point ..............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this