Sign in to follow this  
General Duke

Shariif Xassan Sheekh Axmed oo gulaystay Jagada Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya

Recommended Posts

Shariif Xassan Sheekh Axmed oo gulaystay Jagada Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya

By Pp Posted to the web 15-09-2004, 23:53:15

 

Nairobi:-Waxaa waqti dhow lasoo gunaanuday codbixintii xildhibaanadii u utartamayey jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Dowlada Federaalka ah ee soomaaliya loo dhisidoono, waxaana ku guulaystay Codbixintaas Ganacsade xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Axmed isagoo isla waqtigaa loo diyaarinayey sidii loo dhaarin lahaa.

 

Shariifka oo ay wareegii ugu danbeeyey ay isugu soo hareen tartanka jagadan Xildhibaan Skeekh Aadan Madoobe kagana guulaystay Cod tiradiisu le'egtahay 161 halka uu masharaxii la tartamaayey oo ahaa Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe uu helay 105 cod.

 

Sheikh Adan Madoobe ayaa isla markiiba uga mahadceliyey shariifka halganka uu usoo galay jagadan ilaa uu ku guulaystay si fiicana isugu gacan qaaday Goobtaas.

 

Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Axmed ayaa Goobtaas ka jeediyey qudbad yar ugana mahadceliyey dadkii ku doortay isla goobtaas, balan qaadayna inuu umada ku dhaqi doono Cadaalad xilkiisana uu u gudandoono si cadalada.

 

 

puntlandpost.com

 

 

XildhibaanShariifXasanSheekhAden.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this