Sign in to follow this  
XOG-ogaal

Madaxwaynu ma fiyooyahay mise wax baa udhiman

Recommended Posts

What is this meating all about ? these men are the once destroyed our country

 

 

Muqdisho:- Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa

ka socda kulan xasaasi oo ah oo ay ka qeyb galayaan Xildhibaano iyo hogaamiye kooxeedkii Muqdisho.

 

Kulankan ayaan wax faah faahin ah illaa iyo hada laga bixin ayadoo uu ku sugan yahay Madasha Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf Ahmed.

 

Shirkan ayey kasoo qeyb galeen siyaasiyiin, xildhibaano iyo Hogaamiye kooxeedkii Muqdisho, ayadoo la hadal hayo in shirkan looga hadlayo sugida amniga magaalada Muqdisho.

 

Illaa iyo hada wax faah faahin ah lagama hayo Xafiiska Madaxweynaha iyo waxa uu shirkan salka ku hayo.

 

Todobaadkii tagay ayey magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaalo ay dad badan ku dhinteen ayadoo ay dowlada Soomaaliya wado in ay ciidamadeed ku balaariso dhamaan xaafadaha magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada DFKMG iyo kuwa Itoobiya ayaa isla maanta la wareegay nawaaxiga kuliyada Jaale Siyaad oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen hareeraheeda kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda Dowlada.

 

Dowlada Federaalka ayaa sheegtay in ay magaalada Muqdisho amnigii iyo kala danbeynta kusoo celin doonta inta kahoreysa 16 bisha April oo lagu wado inuu magaalada ka furmo shirka dib u heshiisiinta ee uu horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir ay albbaabadu u xiran yihiin ayaa wuxuu uga socdaan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweyne Yusuuf iyo hoggaamiyeyaashii dagaalka ee Muqdisho.

 

Kulankaan ayaa wararka ka soo baxaya Madaxtooyada Soomaaliya waxay sheegayaan inay qayb ka qaadanayaan xildhibaanno ka tirsan golaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale wasiirro ka tirsan Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

 

Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in kulankaan uu salka ku hayo sidii loo sugi lahaa Ammaanka Muqdisho, waxaana hoggaamiyeyaashii hore ee dagaalka la sheegay in Dowladdu ay kala tashanayso sidii lagu sugi lahaa Ammaanka Caasimadda Soomaaliya.

 

Hoggaamiyeyaasha dagaalka ee kulankaan qaybta ka ah ayaa waxaa la sheegay inay ka mid yihiin: Xidhibaan Maxamed Qanyare Afrax, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow iyo Col. Cabdi Qaybdiid oo ay ka saareen Muqdisho kal hore Maxkamadihii Midoobay, kaddib dagaallo qaraar oo ay ku dhex maray Muqdisho.

 

Aqriste kala soco wixii ka soo baxa kulankaan oo saxaafadda loo diiday inay ka qaybgasho wararka kale ee shabakadda wararka ee www.puntlandpost.com haddii EEBBE ogolaado.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka laga helayo xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa shegaya in madaxweynaha dalka Soomaliya uu haatan kulan albaabadu u xiranyihiin xarunta madaxtooyada kula leeyahay dhamaanba hoggaamiye yaasha kooxaha ee gobalka Banaadir.

 

Wararka laga helayo xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa shegaya in madaxweynaha dalka Soomaliya uu haatan kulan albaabadu u xiranyihiin xarunta madaxtooyada kula leeyahay dhamaanba hoggaamiye yaasha kooxaha ee gobalka Banaadir.

 

Si dhab ah looma garanayo waxyaabaha kulanka looga hadlayo,maadaama uu yahay mid albaabdu u xiranyihiin,hase ahaatee warar madaxtooyada ku dhow dhow ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaliya uu hoggaamiyeyaasha kala hadlayo sidii ay kaalin ugu yeelan lahaayeen barnaamijyada nabadaynta gobalka Banaadir iyo guud ahaanba dalka Soomaaliya.

 

Waxaa kaloo wararku ay intaa raacinayaan in madaxweynaha Soomaaliya uu qab qablayaasha dagalka kala hadlayo sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen kulan weynaha dib u heshiisiinta aaran ee la filayo in dhawaan uu Muqdisho ka bilaabmo.

 

Waxaa la filayaa in markii uu kulankaasi soo dhamaado in maamulka warfaafiuta madaxtooyada Soomaaliya uu war kasoosaaro waxyaabihii labada dhinac ay isku afgarteen..

 

Maxamed Cusmaan Axmed

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:info@carmooyin.com

 

Email Story Printable View

Share this post


Link to post
Share on other sites

waraa ani ma fahmin odayga siyaasadii ku waan inta uu lata shanaayo muu latashto kuwa kasoo hojeedo lee kan maraxwaay warkii

 

i will never call him president

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this