Sign in to follow this  
Gordon Gekko

Cirtogte market gets closed down in a surprise operation

Recommended Posts

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa DFKM oo qaatey dhamaan hubkii lagu iibinayey Suuqa Bakaaraha

Posted to the Web May 07, 14:45

 

Muqdisho:-Ciidamada Ethiopia iyo kuwa DFKM ayaa maanta hawl galo ka sameeyay suuqa Bakaaraha qeybta Cirtoogte ee hubka lagu iibiyo ayagoo halkaasi ka qaatay hub fara badan oo ay lahaayeen ganacsatada hubka iibisa taasoo ay cabasho ka keeneen ganacsatada hubka lahaa.

 

Waa markii ugu horreysay oo hub laga qaato ganacsatada hubka ku iibisa suuqa Cirtoogte ee Bakaaraha, mana jirin wax digniino ah oo loo jeediyay ganacsatada hubka ku iibisa suuqaasi iyadoo hawl galladan ay qeyb ka tahay qorshe hubka ay kula wareegayaan ciidamada DFKM.

 

Macallin C/llaahi Maxamud Cusmaan oo ka mid ah ganacsatada hubka iibisa ayaa sheegay in laga qaatay hub fara badan oo yaallay suuqa kaasoo uu sheegay in uu isugu jira hubka lidka diyaaradaha, boobayaasha culus, qoryo gacmeedyo iyo rasaas fara badan.

 

Ganacsadahan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin qaadashada hubkooda, isagoo ku dooday in qarash fara badan uu ka galay hubka isla markaana ay ahayd in lala tashado haddiiba hubka la uruurinayo, waxa uuna ugu baaqay DFKM in ay magdhaw ay siiso haddii ay ka uruurinayso hubka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this