Sign in to follow this  
SOO MAAL

Magaca X. Ceydiid oo laga Helay Website ay ku Qoranyihiin Diktatoorada la Kirays

Recommended Posts

SOO MAAL   

Magaca X. Ceydiid oo laga Helay Website ay ku Qoranyihiin Diktatoorada la Kirays

 

_1747697_aideed2150.jpg

 

caydiid.jpg

 

Xuseen ceydiid oo haatan ka mid ah DFKMG ahna rai,sul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arimaha gudaha ayaa magaciisu ku jiraa, qolooyin calooshood u shaqeystayaal ah oo ay ka mid yihiin Mengiste Haile Mariam, Gen Pinochet, Hussen Hebre, kuwasoo loo kiraysto in ay

 

leeyihiinee khibrada Diktatoornimo , taasoo ay ka mid tahay; sida dadka loo laayo, loo xukumo, iyo sida dadka lagu tuhmo argagixiso inay yihiin loo aamusiyo abid iwm. Boga ay dadkani ku jiraan oo lagu magacaabo Dictator For Hire ayaa waxaa ku qoran shirkadda ay u shaqeeyaan ee laga dalbad in dadkaan ay yihiin dad khibrad u leh shaqadaan u fulinayana sidii aad rabtid, .

 

Waxaana ku qoran nin kastaa taariikhdiisa oo kooban iyo wakhtiga uu diyaarka u yahay shaqada, tusaale ahaan Mengiste , waxaa u qoran inuu laayey dad ka badan 100,000 oo ruux uuna diyaar u yahay shaqada ah in la ijaarto xili kasta xiligii loo baahdo, hadii aad u baahantahay inaad kiraysato, waa inaad E-mail u dirtaa shirkada ay u shaqeeyaan oo aad soo martaa iyada si aad ugu heshiisaan wixii ku saabsan qarashka.

 

Xuseen ceydiid ayaa laga qoray warbixin kooban oo ku saabsan noloshiisa ,inkastoo ay u qoreen inuu ku nool yahay Ethiopia, waxaana ay sheegeen , inuu Amerika u haajiray markii uu jiray 14 sano isaga oo la socda hooyadiis iyo shan caruur ah oo la dhalatay, waxaana uu dhameeye High School, lagu magacaabo Covina High School oo u dhaw , Los angeles, wuxuuna dhameeyey sanadkii 1981, lix sano ka dibna wuxuu ku biiray ciidamada mariniska ee Mareykanka, waxaana loo tababaray Madaafiicda, (artillery). Ka dibna wuxuu ka mid noqday qeybta keydka ah ee ciidamada.

 

Isla sanadkaas wuxuu bilaabay inuu koorso ka qaato Citrus College oo ku yaalla California,isagoo bilaabay inuu ka barto Engineer, jaamacada Califonia, laakiin Xuseen wuxuu ka tagay asiga oo aan wax shahaado ah ka qaadanin labadaba ( Collegeka iyo Jaamacadaba).

 

December 1992, isiga oo fadhiya Fasalkii uu ku jiray ee jaamacada, ayaa waxaa irida galaaska soo galay laba sargaal oo ka socday Marineska Mareykanka, waxeyna u sheegeen in laga rabo soomaaliya, sabatoo ah Mareykanka ayaa soomaaliya u diray ciidamo, waxaana loo baahanayahay, turjumaano.

 

Sidaas ayuuna Soomaaliya ku aaday Xuseen, wuxuuna ku shaqeeye turjubaanimo iyo inuu isku xiro aabihiis Gen Ceydiid ( alllaha u naxariistee ) iyo ciidamadii Mareykanka , laakiin xiriirkii u dhaxeeyey ceydiid iyo UN-kii ayaa xumaadey, ciidamada mareykankana waxey Xuseen usoo celiyeen America.

 

Xuseen wuxuu dib ugu soo noqday California USA, wuxuuna dib ugu noqday Jaamcadii , iyo inuu shaqeeyo Week endska. Wuxuuna mar kale dib ugu noqday Somalia 1995, isaga , xaaskiisa iyo canug yar oo uu dhalay, dibna uguma noqonin Jaamacadii iyo waxbarashadii, wuxuuna gacan yare u noqday aabihiis, waxaana loo diyaariyey inuu aabihiis xilka kala wareego , wuxuuna la wareegay booskii aabihiis, markii la toogtay 1996.

 

Hadaba su'aasho waxay tahay

 

• Muxuu xuseen u sheegtaa Engineer , hadiiba uusan dhameeynin jaamacadii? Mise sida rag aan ku arkay London oo aan weligood ayagoon jaamac kasoo bixin sheegta ineey jaamacad ka baxeen ayuu ka mid yahay?

 

• Maxaa ku kalifay inuu calooshiis u shaqeyste la kireysto noqdo ? , muxuuse ka yaqaanaa diktatoor, goormuu dal xukumay?

 

• Marar badan ayaan maqalnaa inuu safaro badan dibada u aado ee ma hawlahaas buu u aadaa toloow?

 

• Hadiiba uu hawlahaas ku shaqeysto muxuu noogu dhibayaa soomaaliya, oo uu u yahay warlord?

• Ma xuseen kaliya ayaa hawshaan ku jira mise waa jiraan qaar kale oo soomaali ah oo hawshaan ku jira, ?armeeyba inta badan hogaamiyeyaasha soomaalida ku jiraan hawlahaan iyo kuwo ka sii daran?

 

• Suura gal ma tahay in xuseen xil qaran lagu aamino , oo uu noqdo Raisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arimaha gudaha?

 

Runtii arintaan waxeey aniga igu noqotay filanwaa iyo yaab, waxaase ogaatiin soomaaliyeey in nimanka siyaasada soomaaliya hor boodaya maanta ay yihiin sidaan iyo wax ka sii liita, waxaana isku dayi doonaa, inaan taariikhdooda baaritaan dheer ku sameeyno, si aanan ugu kadsoomin, oo aan inta goori goor tahay isaga qabano.

 

Waxaad og tihiin in madaxweynaha Mudane C/laahi Yuusuf, uu maalin hore markii uu joogay Jowhar yiri Xabada soomaaliya sidaan u gashay anaa bilaabay, taasoo u muuqata qirasho danbi ah Qaran dumis iyo dad leyn, aan sabab laheyn, koleyna aakhiro ayuu abaalkeeda helayaa waayo , Nabigeenii NNK wuxuu yiri qofkastaa wuxuu bilaabo abaalkeeduu leeyahay , Hadii aad xumaan bilowdid oo laguugu daydo wixii ka yimaada oo dembi ah oo ay sameeyeen kuwii kugu dayday ciqaabteedaad leedahay, Hadii aan wanaag sameeysidna ajirkeedaad leedahay, .

 

Hadaba C/laahi yuusuf hadii uu yahay ninkii xumaantaan noo horkacay , sida uu qirsanyahay isaga ha ogaado, in xisaabta ugu jirto wixii xumaan ah ee jidkaa uu bilaabay lagu sameeyey inuu ciqaanteeda miisan doono.

 

Wuxuuna intii shirka socday yiri Soomaaliya waxeey u baahantahay habaarqabe anaana ah Habaar qabe ee haleey dhiibo, marka su'aashu waxeey tahay nin habaaran kheyr iyo wanaag ma noo horseedi karaa? sowtii lagu duceeysan jiray ilaahoow kheyr qabe wax noogu dhiib.

 

 

NB:Arintaan xuseen ceydiid ka fiiri = www.dictatorforhire.com , ka dib dhinaca midig ( Dossiers) ka fiiri liiska dadka ku jiro

 

Diyaariye

Mr Abdullahi Osman ( BA, Msc)

London , UK

 

Source:

Magaca X. Ceydiid oo laga Helay Website ay ku Qoranyihiin Diktatoorada la Kirays

 

Dictator For Hire

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this