Sign in to follow this  
Member-sol-

Ethiopia admits to supporting Tribal Militias

Recommended Posts

Dowladda Itoobiya oo shaaca ka qaaday inay taakulaynayso kooxaha la dagaalamaya dhaq dhaqaaqa Al-shabaab

 

 

 

 

Mogadishu Saturday, 14 February 2009 SMC

 

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horaysay shaacisay inay taakulaynayso maleeshiyaadka Qaabilka ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaa, iyadoo hadalkaasi uu ka soo yeeray R/wasaaraha Itoobiya oo isagu u sheegay warkaasi Saxaafadda.

 

Atto. Melles Zenawe R/wasaaraha Itoobiya ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababba, wuxuuna shirkasi Jaraa’id uga hadlay R/wasaaraha Itoobiya arrimo fara badan oo ay ka mid tahay Dowladda Cusub ee Soomaliya

 

Sidoo kale Meles Zenawi waxa uu ka hadalay Faragelinta ay Itoobiya ku hayso gudaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay taageero dhinac walba leh siinayaan kooxaha la dagaalamaya Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin nabad ka dhalata Soomaaliya.

 

Meles Zenawi ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay inuu xiriir wanaagsan weligiisba la lahaa Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmad, isagoo xusay in Sheekh Shariif ahayn nin xagjir ah maadaama uu yahay nin Islaam ah.

 

R/wasaaraha Itoobiya wuxuu kaloo sheegay In sheikh Shariif uusan xiriir la lahayn Ururka AlQaacida, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay mar kast inay la dagaasho kooxaha Islaamiyiinta ah, islamarkaana ku dadaasho sidii aysan xoog ugu yeelan lahayn Guadaha Soomaaliya.

 

Somaliweyn Media Center “SMC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumada Itoobiya oo sheegtay inay taageereyso maleeshiyada beelaha ee dagaallada kula jira xoogagga Al-Shabaab

 

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Itoobiya Melles Zenawe oo shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu kaga hadlay marxaladda iyo is beddellada cusub ee dalka Soomaaliya iyo dawladda cusub ee uu garwadeenka ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo soo hadal qaaday faragelintii militari oo dalkiisa uu ku sameeyay dalka Soomaaliya.

 

Meles Zenawe ayaa ugu horreyn shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Itoobiya ay ballan qaadayso inay inay taageero hiil iyo hooba la garab istaagto dawladda cusub ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed si ay uga hortagaan kooxaha xagjira ee ka soo horjeeda dadaalada nabadda dalka Soomaaliya sida uu yiri..

 

Mar ay saxaafadda waydiisay ra’iisul wasaaraha Itoobiya xiriirka shaqsiga ah ee ka dhexeeya isaga iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayuu sheegay in isaga iyo Sheekh Shariif uu in muddo ahba xiriir ka dhexeeyay, wuxuuna intaasi ku daray in Sheekh Shariif uu yahay Islaam balse aanu haynin xog la xiriirta inuu qayb ka yahay kooxaha xagjira ee gacan saarka la leh Shabakadda Al-qaacidah.

 

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaadya faragelintii militari oo ay ciidamadiisa ku sameeyeen dalka Soomaaliya wuxuuna mar la waydiiyay inuu caddeeyo qasaaraha nafeed iyo hanti ee uga baxay faragelintiisaasi ayuu ka meer-meersaday inuu saxaafadda u sheego isagoo yiri “Masuuliyadda xukuumadda Itoobiya ayaa og hantida ku baxday iyo tirada askarta ee ku dhimatay dagaalkaasi, mana ahan kuwo wax ka beddelaya qorshaha Itoobiya oo ah inay iska difaacdo oo ay ka hortagto xoogagga Islaamiyiinta ee doonaya inay ku xoogaystaan dalka Soomaaliya.

 

Melles Zenawe wuxuu ku celceliyay in xukuumadda Itoobiya aysan damacsanayn inay mar kale ciidamadoodu ku laabtaan dalka Soomaaliya marka laga reebo inay fariisimo ka samaystaan soohdimaha ay la leeyihiin dalka Soomaaliya si ay uga hortagaan weerarro kaga yimaada kooxaha Islaamiyiinta, wuxuuna intaasi ku daray xukuumadda Itoobiya ay taageerayso maleeshiyada qabaa’ilka ee sida uu sheegay dagaalka kula jira xoogagga Al-shabaab gaar, gaar ahaan isagoo soo hadal qaaday maleeshiyada gobollada Bay & Bakool oo uu sheegay inay xudun u ahaayeen xoogagga hubeysan ee Al-shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

The official Peacenik/Dh.aabo.lif response to the news item above, was delivered by TFG spokesman(and part-time Amharic teacher) Thierry Xasan Jaamac oo ku magac dheere Kaadi-Badne(due to his habit of involuntarily releasing the contents of his bladder at the mere sight of a Thorougbred G).

 

 

Mr. Kaadi-Badne's official statement:

 

"Mudanayaal,

 

These reports and statements attributed to His Excellency Prime Minister Meles Zenawi are completely baseless and without merit.......even if there is a video of him delivering said basesless statements during an alleged press conference that didn't take place.....even though many of you claim to have been there when said baseless statements where allegedly made. As the Secretary of Propoganda and Enlightenment Affairs Marcus 'Snot-face' Cilmi and his Deputy( and secret 3rd wife) Lazie-Girl would say, these allegations are nothing but the pathetic spewing of scurrilous bile by self-opionated evildoers.

 

As His Holiness Shaykh Hotel recently declared, the strong bonds of trust and friendship between the two democratic governments of Ethiopia, in it's capacity as the senior and foremost power in the Horn of Africa, and Somalia, as the junior sidekick, is eternal and unshakeable. Therefore, His Excellency has afforded us the use of two(2) fully mechanized and armoured divisions in our attempt to eradicate the Evil-Doers, the Merchants of Death, known as the Noble Muqawama(fityatun aamanoo bi'rabihim wa zidnaahim hudaa). We are grateful to His Excellency and the brotherly Ethiopian people for their help.

 

As you can see below, the relationship between His Excellency Zenawi and His Holiness Sharif Hotel transcends the diplomatic sphere and extends into the personal and the financial.

Meles Zenawi ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay inuu
xiriir wanaagsan
weligiisba la lahaa Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmad, isagoo xusay in Sheekh Shariif ahayn nin xagjir ah maadaama uu yahay nin Islaam ah

That is the truth of the matter. Somalia's territorial sovereignty has not been violated because WE, the Somali government called for the Ethiopian military to cross the border and destroy the EvilDoer stronghold of Kismayo. So what if the city was burned to the ground. So what if 10,000 terrrorist supporters were murdered in cold blood. So what if scores of muslimaat'un, qaanitaat'un, caabidaat'un, cafiifaat where raped. So what. That is just unfortunate collateral damage. We asked for their help. We invited them. Also, there is a precedent for what we are doing, back in 2006, when Colonel President Abdullahi Yusuf Ahmed invited our friends to occupy Mogadoisho and Baidoba and 10,000 also died in that process. No biggie. It's just the cost of governments doing business. Plus, it worked out great for President Yusuf who is now chilling in luxurious exile in a mud-hut in Yemen, because if he sets foot on Somali soil, mufuh is gonna get got. The same fate awaits His Holiness Shaykh Hotel who will prolly be holed up in a jiingad in Kaaraan"

 

 

Lol, man, this is too easy, makes me ashamed runtii. It's like being in a cage-match and your opponent is a gawky 13 year old . Weighing in at 120 pounds. In a wheelchair. Thats the intellectual level the f'ing SOL peaceniks/dhabolifs are at. Insatiable lust for unearned power, piggybacking on innocent blood spilt by foriegn mercenaries, accepting to prostitute themseleves and their families in the process; complete disregard for Islam, the principles it proscribes, and the laws it lays down. It gets even better: A fundamental brain deficiency that makes it impossible for them to grap Irony. Hence, they attribute to themselves, with a straight-face, 'dawlad-nimo', 'qaran-nimo', somaliweynimo while perpetuating acts and that are the exact antithesis.

 

And to top that all of: Sheer hypocrisy rendered even more repugnant through the use of Is-Qancis, rationalising infamy, justifying abonimation, praising Kufr & Nifaaq. Abdullahi Yusuf was a traitor for accepting Ethiopian support, but Shaykh Hotel is a hero for flying to Addis Abbaba to swear allegiance and pay tribute to Mother Ethiopia. Why ? Because Shaykh Hotel went there for AU meeting. As an head of state. And he got a standing ovation. Therefore, he and Somalia are the winners.

 

Caqli'gaas(reasoning) bal kawarama akhyaarta ? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this