Sign in to follow this  
Che -Guevara

More Somali civilians Massacred

Recommended Posts

Warbixin Dheeraad Ah Dadka Lagu Xasuuqay Balihadhac:- Daawo Sawirada Dhaawac

Saturday, May 22, 2010

 

Xasuuq arxan daro ah ayey Ciidamadda somalidiidku u geysteen dadka shacabka ah ee deegaanka Bali hadhac dadkaas oo iyagu aan ahayn kuwa ka qayb qaadanayey Dagaalka waxaana dadkan la xasuuqay ku jira Caruur da'doodu ay aad u yartay , waxaa kale oo ka mid ah dadkan la laayey maanta Hooyo Uurleh

 

Ciidaman oo gurmad ahaan u marayey magaaladda Bali hadhac ayaa waxa ay ku fureen Xabaddo aan loo meel dayin iyaga oo magaaladii qaybo badan oo ka mid ah gubay waxana ay xabadani galaafatay dhimasho 5 qof kuwaas oo ay ku jireen labo caruur ah oo da'doodu kala ahayd 3 sano jir iyo 8 jir waxana dagaalkan ku dhintay Hooyo Uur la hayd oo iyadu meesha maraysa iyo labo ka mid ahaa Cuqaasha Bali Hadhac waxana dagaalkan ku dhaawacmay dad shicib ah kuwaas oo iminka lagu daweynayo Cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood

 

Ciidaman waxa ay xabadda ku fureen dhamaanba dadka magaaladda waxaana suurta gal ah in ay xabadani galaafatay dadka kale iyada oo dhinac baadiyahana ay xabada u ridayeen lama garanayo sababta ay dadkan shicibka ah ee aan dagaalka ka qayb galin loo xasuuqayo

Magaaladda Widhwidhna waxaa lagu dilay 5 nin oo ku jiray masaajid xiligii Salaadda Duhur waxana ay lala beegsaday Marfac guud ahaanba masaajidka sidoo kalena magaaladda ayaa loo geystay Khasaare lixaadle iyada oo Xafiiskii Xawaaladda Dahabshiil Widhwidhna ay gubeen Ciidamadda Somalidiidku

 

Markii lagu jabiyey goobtii Dagaalka isla markaasna ciidan badan laga dilay sidoo kalena Baabuur badan laga qaniimaystay ayey dadka shicibka ah ee ku dhaqan magaalooyinka isla markaasna aan ka qayb qaadan dagaalka waxa ay u geysnayaan Xasuuq ba'an

 

 

Magacyadda dadka lagu Xasuuqay Magaalooyinka Widhwidh iyo Bali Hadhac

 

Magacyadda dadka dhintay Balihadhac

1 Hooyo Sahra Xareed Xaaji Siciid

2 Siciid Cali Xaaji Siciid

3 Mohamed Geele Warsame

4 Cumar Yaqcuub Cali

5 Farxaan Muuse

 

Magacyadda dadka Dhaawac ah

1 Maxamed Ciise Aadan

2 ina Baaruud

3 Saleebaan farax Maxamed

4 Faarax Warsame Ismaaciil

 

Magacyadda dadka lagu laayey widhwidh

1 Xariir Maxamuud Xoosh

2 Faarax Ciise Mire

3 Ina Gaagaale Cali Hodan

4 Faarax Miir

5 Cali Naafto

 

HOrifadhi.com

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyada SNM Oo xasuuq Arxan daro ah ka Gaystey B/Hadhac

Saturday, May 22, 2010

 

War hada naga soo gaadhay deegaanka Bali hadhac ayaa wuxuu xaqiijinaya in halkaas ay galabta xasuuq ba'an ka geysteen Maleeshiyada SNM ee ka soo dushey Galbeedka fog ee Soomaaliya. Xasuuqan ayaa waxa aku dhintay inta la hubo 5 qof kuwaasoo 2 ka mid ahi haween yihiin.

 

Xasuuqan ayaa waxa gaystey Ciidamo uu wato nin lagu magacaabo Caare oo ka soo jeeda beesha ***** ee Sacad Yoonis. Ciidankan oo gurmad ahaan u marayeye meesha ayaa waxay xabado aan loo meel dayin ku fureen Mukhaayad laga shaahayey taso dad badan hor tubnaayeen oo shacab ah.

 

Waxaa isla markiiba halkaas ku naf baxay haweeney Ur lahayd iyo nin, ayadoo dhawaacina 3 jidka ku dhinteen ayagoo loo sii wadey Laascaanood. Warku wuxuu intaas ku daraya in baadihaya u dehxeeya Widhwidh Bali haracna ay ka gaxasteen Xoolo fara badan oo u badan Adhi kuwaaso ay qal qasheen.

 

Magaalada Widhwidh ayaa weli waxaa ka soconaya dagaal la isku gabal dhacsaday, ayadoo magalada dhexdeedana ay ku dileen 2 odey oo waayeel ah. Sidoo kale waxay madfac la eegteen guryo ay dad shacab ah ku jireen inkastoo aan cidi ku dhiman gurigaas.

 

Maxaabiistii laga qabsaday ayaa lagu hayaa saldhigyada Ciidamada xaq u dirirka ah ee SSC, kuwaaso ayagu ah kuwa weerarka cad ku ah deeganada SSC. Sidoo kale Waxay Ciidamada SSC dhegta dhiiga u dareen taliyihii qaybta 17aad kaasoo magacsii lagu sheegay Ahmed Daahir, dadka ku sugan deegaanka Balihadhac ayaa xaqiijiyey in ay arkayeen mayd tiro badan oo ay wateen malayshiyada SNM .

 

Waxaa la gubey 5 gaadhi oo nooca tiknikada ah kuwaasoo ay wateen Cadawgu. sidoo kale waxaa laga qabsaday gaadhi sanad u sidey kaaso meel dhiidhiya ka galay.

 

Waxaa soconaya Gurmad aad u fara badan oo ka kala imaanay dhamaan deeganada ay degto beesha *****, halka Gurmad kale ka soo qul qulayo hawdka fog ee Buuhoodle. kuwaasoo ku soo qul qulaya Jiida hore dhinaca Nugaal ayaa waxaa ka socda abaabul xoogan.

 

Dhanka kale hay,ada Bish Cas ayaa magaalada Laascaanood ka qaday gurmad daawooyin iyada oo ku sii jeeda dhinaca magaalada Widhwidh iyo Balihadhac

 

Horufadhi.com

 

Horufadhi.com@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

TRHGFHGGH.jpg

 

 

XASUUQII SHACABKEENA XISAAB AYAA KA DAN BEEN

 

 

Warar naga soo gaadhay magaalada bali hadhac ayaa waxaa ay sheegayaan in shacabka dagan magaaladaas gumaad ba an ay u gesteen maleeshiyada riyaale iyo daba******ka la socda

 

Gumaadkan ayaa waxaa ka danbeeyay marki laga gacan roonaaday maleeshiyada isla mar ahaan taane laga qabsaday gaadiid tigniko ah ayaa waxaa dhacday labo tigniko ah oo ka badbaaday ciidamada SSC isla markaane ay sii xasuuqeen shacbiga magaalada bali hadhac halkaas oo ay ku gu maadeen hooyooyin iyo caruur aan waxba galab san, Hadaba waxaa ay bulshada reer SSC ay diyaar u yihiin in ay soo ceshtaan dhulka ka maqan iyo waliba sharaftii ay ku lahaayeen umada soomaaliyeed wixii ka soo kordha kala soco WWW.Riinji.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudaharaad Ka Dhacay degmada Buuhoodle

May 22, 2010

 

Waxaa maanta degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn ka dhacay mudaharaad balaaran oo looga soo horjeeday Ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha u soo galay degmadaasi,siduu Horseed Media caawa u xaqiijiyey Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Ceyn Maxamuud Sheikh Cumar Xassan.

 

Shacabka ku dhaqan degmada ayaa dhigay mudaharaad,wuxuuna ahaa mid watay rabshado balse wax khasaaro ah kama dhalan,wuxuuna soo gaba gaboobay gelinkii danbe ee maanta si nabadeed.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa weli ku sugan degmada,waxaana aan la aqoon sababaha rasmiga ah ee ka dambeysa in ay soo galaan gudaha degmada.

 

Jawiga guud ee degmada ayaa iminka aad u xasiloon,waxaana aan jirin wax xiisad colaadeed ah halkaas ka taagan ayadoo maalinimadii shalay uu halkaas ka dhacay dagaal u dhaxeeyey dadka degaanka iyo Ciidamo Itoobiyaan oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

That is a simplicity of the desperate attempts against civilians when the Somalidiid malitia lost their commanders and other soldiers. They sustained heavy casualties and expected their fled malitia to kill women and unarmed people in the cities they occupied.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this