Sign in to follow this  
Member-sol-

Sharwadanimo (Labo Shariif iyo Yemen)

Recommended Posts

/Waaxid C/hi Khaliif

 

London, UK

 

cabdulwaxid@hotmail.com

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

 

Ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa wuxuu ahaa maqaal aan ka qoray shirkii C/hi iyo Shariif Xasan ay ku yeesheen Cadan markey rabeen iney u guuraan Baydhabo. Sida cinwaankaas ka muuqata waxaan shacabka Soomaaliyeed uga digayey khiyaamo qaran iyadoo la rabay in la helo xubno barlamaan oo danaha gumeysiga lagu fushado. Dad badan baa ku faraxsanaa shirkaas iyagoo is lahaa wax baa ka soo baxaya laakiin anigu shacabka waxaan u tusayey arrin waalli ah oo uusan qof fiyoow ku talin. Nasiib-darro dadka shirarkaas dhextaagnaa qaarkood, maanta waxay leeyihiin waxaan ka mid nahay ururka dib-u-xoreynta Soomaaliyeed! Iyagaaba gumeysiga waddanka soo gashay kaddib markey ka qeybqaateen shirkaas Yemen. Markii Shariif Xasan Yemen kula shirayey ninka nooga daran Meles Zenawi – waa madaxweyne-ku-sheegga Yamen, Cali Cabdalle Saalax sababtoo ah Zenawi ma qarsado nacaybka uu Soomaali u qabo laakiin dad badan oo Soomaaliyeed waa moog yihiin in Cali uu dabo-dhilif u yahay Zenawi. Marka qofka noocaas ah waa ka liitaa Zenawi. Magaca iyo sheegasho muslimnimo aan jirin micno ma leh.

 

Shacabka Soomaaliyeed ulama safan sheekh Shariif qabiil dartiis ileyn isaga iyo Muuse Suudi iyo Maxamed-dheere waa isku qabiile ee waxay ku taageereen qaddiyad. Inta u dhaxeysa labada Raas, dadka Soomaaliyeed waa taageereen maxkamadaha iyagoo xitaa qaarkood leeyihiin wax badan baan ku khilaafsannahay laakiin si toos ah bey u ayideen. Waxa kaliya ee aan taageerin waa dhowrka nin ee horbooda Puntland iyo Somaliland. Hadday arrintu saas tahay maxaa sheekh Shariif ka dheefayaa kulanka Cali Cabdalla Saalaxa soo geshay Baydhabo iyo Soomaaliya Tigreega? Weli caddeyn uma hayo eedaha la leeyahay Shariifkaa la shiray madax ka socota Itoobiya. Madaxda Itoobiya waxaa ka xun madaxda Yemen (shacabka Yemen waa shacabka Soomaaliyeed oo kale marka waxaan heysto waa madaxda). Marka haddii Shariifku la shiray madaxda Yemen waxay la micno tahay isagoo Tigree la shiray. Mise sheekhu wuxuu rabaa inuu isu rogo dagaalooge? Ama Ashaaho-la-dirir?

 

Anigu waxaan tuhmayaa madaxbannaannida sheekha sababtoo ah qof sidiisoo kale aqoon leh ma garan waayey inuu yahay hogaamiye fashilmay? Waxaa ka sii daran qof kasta oo Soomaaliya waa ogyahay iney Shariifka Kenya soo gasheen hay’adda sirdoonka Maraykanka. Maxay kula heshiiyeen? Ma ogin laakiin waa la qiyaasi karaa. Waxay iila muuqataa in la leeyahay waxaan kaa cafinnay toogasho ama inaad xabsi ku abaadid marka haddaad noo fuliso taayada waxaan heynaa xal aad ku ceyshto. Waxaa Maraykanka suuqa gashaday iney maxkamadaha ku jiraan qolyo “qunyar-socod” ah waa kuwa mar kasta Yemen taga iyo kuwo xag jir ah. Maxaa isku soo beegay ugaarsiga qaar maxkamadaha ka mid ah iyo shir-u-qabashada Shariifka iyo kuwa la midka ah? Maxaa Maraykanku Shariifka gacanta ugu fidinayaa halka uu gantaalka ku goobayey Ceyroow iyo Xasan-Turki? Mise Maraykankanu ma rabo qof u dhashay USA (ururka sagaalka ******)! Taasi run maaha oo Bush wuxuu laayey dad badan oo ****** ah sida uu u gumaaday shacabka kale oo Soomaaliyeed. Waxay u muuqataa in Maraykanka iyo waddamo kale leeyihiin waxaan leyneynaa ragga “mayalka” adag sida Aadan Ceyroow Allaha u naxariistee iyo ragga la midka ah marka waxaa xukunka loo dhiibayaa kuwiinna qunyar socodka ah ee la heshiiya “dowladda-ku-meelgaarka” ah iyo Itoobiya. Laakiin waxaan Maraykanka xisaabta ku darsan in shacabka Soomaaliyeed ay wanaag iyo soo-dhoweyn u sii qaadeen As-Shabaab. Xitaa kuwa qabiilka iyo arrimo diineed uga soo horjeeday Aadan Ceyroow waxay leeyihiin waa shahiiday marka shacabku waxay caaddifad iyo naxariis u gashay muqaawimadii uu ka tagay.

 

Sheekh Shariif waxaa loo qaataa inuu Maraykanka ku dhaho: iddaaya, hadda laga bilaabo arrimaha Soomaaliya farahaan kala baxay. Sida Soomaali badan soo jeedisay ma filayo inuu wax ka dheefayo khiyaamo qaran. Shariifku ha ku quusqaato firxadkii Ashahaado-la-dirirka. Meeye? Maxay hayaan adduun? Maxaa aakhiro loo fili karaa? Waxaan sheekha xasuusinayaa meeris gabey ah oo ka mid ahaa tuducyo uu tiriyey Imaamkii weynaa ee Cabdullaahi Binu Mubaarak isagoo u tirinaya sheekh kale oo weyn oo la oran jiray Ismaaciil binu Culayah. Imaamku wuxuu sheekha ku heystay waxaad la shaqeyneysaa dowladdii Cabbaasiyiinta. Shaqada uu sheegayo ma ahayn basaasnimo, dil shacab ama dhaca hantida ee waxaa sheekha madax looga dhigay dadkii soo aruurinayey zekada. Marka dambi ma ahan in qof shaqadaas si caddaalad ah u qabto laakiin imaamku wuxuu leeyahay sheekh sidaada aqoon u leh uma dhowaado la shaqeyntaa raggaas. Ragga uu sheegayo waa Haaruun Ar-Rashiid iyo iyo qaraabadiisii. Ka warran ninka la shaqeynaya hay’adaha sirdoonka sida CIA iyo tan Tigreega? Waxaa Imaamku yiri:

 

“sirta majnuunan bacdamaa kunta dawaa’an lil majaaniina”

 

oo ah waad waalatay kaddib markaad daawo u ahayd waalidda. Marka sheekh shalay adaa la dagaalayey Ashahaado-la-dirir lacag ka soo qaatay Maraykan marka sidee Maraykanku adiga kuugu adeegsan karaa shacabka Soomaaliyeed? Kuma eedeynayo haddaadan sameyn ficilkaas ee waano aan ku leeyahay sidee qof adoo kale ah uga suurtowdaa arrinta noocaas ah.

 

Qofka munaafaqeynaya isagay jirtaa laakiin sidii qorayaasha Xamar jooga iyo weriyihii u shaqeynayey teleefishinka janaal 4-ta Ingiriiska ay sheegaan waad aragteen oo carruurta Xamar joogta waxay iska yeelyeelaan Allaha u naxariistee Aadan Ceyroow iyo muqaawamada. Marna ma ogola in carruurtu iska dhigaan Maxamed-dheere ama Darwiish. Ma idin la tahay in dadka carruurtaas dhalay ay qabaan fikrad taas ka duwan? Marka carruurtaas waxay matalaan shacabka Soomaaliyeed. Marka laga hadlayo gumeysiga Itoobiya ku heyso Soomaaliya, dadka Soomaaliyeed intooda badan waa isku dhinac iyagoon khilaaf kale fiirin. Waa markii laga hadlayo mabda’a laakiin ficil ahaan dadka badankiisu waa hurdaan, haddeysanba dhiman. “Marka xil dhallaan gartay weynaa”.

 

Kullankii Cadan hadduu keenay qabsashada Zenawi ee Soomaaliya maxaa laga fili karaa kan hadda ka socda Yemen? Ma in Soomaalida la gaaleeyo? Ma in la barakiciyo oo la barabixiyo? Marka hadduu sheekhu jantay inuu shacabka Soomaaliyeed khiyaamo waxaa u fiican in uu dib u fiirsho xubnihii Ashahaado-la-dirirka. Xitaa kuwii soo dirsaday sida CIA wax dan ah ooy u heyso ma leh maxaa yeelay markii dantii laga lahaa laga fushaday baa sidii xanjadii la iska tufay. Marka haddaad tallaabo noocaas ah ku dhaqaaqdid waad ka liidaneysaa ururkaas sababtoo ah dagaaloogayaasha wixii laga filayey bey sameeyeen ileyn horay bey dhiigga shacabka u jaqayeen una leynayeen marka nin islaan 90 sano jirta dilay ama dhacay la yaab ma leh inuu wadaad dilo ama iibsado.

 

Khiyaamada noocaas ah waa soo degdegtaa. Imisa maalmood bey dagaaloogashaashii ku fashilmeen markey ku dhawaaqeen ururkii la dagaalanka Islaamka iyo muslimiinta? Maalmo. Ilaa waagaas iyagoo dulli ah bey meelah sidii ari rabbaayad ah xaabaan. Marka haddaad rabtid inaad sharafta ka raadgato ood ku biirto ururkaas haddee adaa khiyaar leh laakiin waxaan kuu sheegayaa ma filayo inaad wax ka beddeli karto xaaladda Soomaaliyeed. Tan Ilaah baa socota? Maxaa Bush iyo Zenawi uga fulay Soomaaliya oon ka ahayn iney dadka laayaan iyadoo shacabka Soomaaliyeed sii naceen gumeysi. Sidoo kale waxaa fiican inaad isha mariso madaxweyne-ku-sheegga Soomaaliya. Marka hadda shacuubtii reer Galbeedku waa arkeen in jananka Gabre Soomaaliya xukumo. Marka haddii lagaa celin la’yahay inaad Gabre qaabisho haddee ku orod. Haddaadan arrintaas ka waantoobin waxaan filayaa in aad adiga iyo Maxamed-dheere isku boos ka ciyaari doontaan dabadeedna shacabka Soomaaliyeedna mar kastoo Maxamed-dheere iyo Muuse Suudi la soo qaato in adna lagugu lammaandin doono. Marka ma fiican tahay inaan Ilaah u noqonno?

 

F.G. Dadka jooga waddamada reer Galbeedka yeysan been u sheegin bulshada ay dhexjoogaan. Tusaale ahaan dad badan baa dowladahaas ku dhihi jiray haddii maxkamadaha laga saaro Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed waxay soo dhoweynayaa Tigreega iyo Bush. Waxay ka wadaan dadka Soomaaliyeed ma diin jecla. Marka haddeynu dalkeennii iyo dadkeennii luminey yeynaan been kale u sheegin dadka aan martida u nahay.

 

Qore: Cabdulwaaxid Khaliif

cabdulwaxid@hotmail.com

 

Gabar Reerkoodii Laga soo Masaafaystay, Qaalliga oon Muslim Ahayn iyo Markhaati-yaashii oo Mid Kaliya Marag Furi Karo! Qaybtii Labaad

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this