Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Mogadishu: Hunting The Religious Men

Recommended Posts

Xalay fiidkii ayaa ninam culumaa’udiin ah lagala baxay aqaladooda oo ku yaala xaafadda Waxaracadde degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

 

Ehelada Culimadaas aya waxay sheegeen in rag hubeysan oo watay Labo Gaari ay culimadaasi kala bexeen aqaladooda, mana la oga ila iyo hadda meel lala aaday iyo kooxaha afduubtay cidda ay ka tirsan yihiin ama ay yihiin.

 

Waxa ay ehelada Culimadaas ay saxaafadda u sheegeen in Wadaadada la afduubay ay yihiin labo kuwaasoo lagu kala magacaabo Sheekh Maxamed Wehliye Dool iyo Sheekh Maxamed Abshir Aadan waxaana afduubayaasha la sheegay in ay indhaha ka xireen culimada ay afduubteen.

 

Qaar ka mid ah ehelada dadka la afduubtay ayaa sheegay in rasaas ay kooxahani fureen ay sababtay dhaawaca Sheekh kale oo caan ah kaasoo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this