Sign in to follow this  
Jumatatu

The Speaker of Parliament rebuffs the call for troops..!

Recommended Posts

Jumatatu   

“Reer Muqdisho waxey caan ku yihiin Kacdoon-kii ay qaadaan wey ku guuleystaan".. Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan

 

 

Wefdigii uu hogaaminayey guddoomiyaha baarlamaanka ayaa maanta kormeer ku tegay goobo ay ka mid ahaayeen dekadda weyn ee Muqdisho, Xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, Radio Muqdisho, Xarunta Taliska booliska & Golaha shacab-ka, iyadoo goobihii ay wefdigaasi booqdeena si weyn loogu soo dhoweeyey.

Dekadda weyn ayaa waxaa ku soo dhoweeyey wefdiga xildhibaan Max’ed Jaamac (Furux) oo warbixin ka siiyey xaaladda dekadda wuxuuna ku soo wareejiyey qeybaha dekadda oo weli bad-qaba, iyadoo bakhaaradii dekadda ay sidoodii yihiin xafiisyada qaarkoodna ay u dhan yihiin qalabkoodii, wuxuuna sheegay xildhibaan Furux in dhinacooda ay dekadda ka furan tahay ayna diyaar u yihiin in dekadda ay ku wareejiyaan dowladda cusub, isagoo codsaday maleeshiyadii ilaaladda ka haysey dekadda muddadii ay xirneyd oo dhibaatooyin kala duwanna ay ka soo gaartay muddaasi in mudnaan gaar ah la siiyo, waxaana wefdigu ay soo dhoweyntii ugu ballaarneyd kala kulmeen xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen dadweyne aad u fara badan & mas’uuliyiinta taageeraaysha Isbaheysiga SNA ee taageersan Wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Max’ed Ceydiid, waxaana taageerayaasha SNA ay wefdiga ku soo wareejiyeen xarunta mdaxatooyada Villa Soomaaliya, Idaacadda Radio Muqdisho, Taliska ciidanka booliska & dhismihii golaha shacabka, waxeyna wefdiga ku hakadeen dhabarka dambe ee Golaha shacabka dhismihii Ex. dugsigii 1-da Luuliyo.

Waxaanu qabnaa Soomaaliya in ay iskeed u tashato iyaga oo kaashanaya ciidamaddii qalabka siday oo kii da’ noqday uu tababarkii weli ku filan yahay, ganacsatada & culumaa’udiinka ay ka shaqeeyaan nabadda & sharafta ummadda Soomaaliyeed, dowladduna ay Muqdisho timaado ayna si degdeg ah ugu howlgasho, waxaan u sheegeynaa walaalaheena qaba in Soomaaliya ciidamo shisheeye ay hubka ka dhigaan, Soomaaliya waxaa yimid ciidamadii US/UNOSOM baaxadda dhibaatadii dhacdayna waa la ogaa, waxaana u sheegayaa beesha caalamka in ay Soomaaliya maanta u baahan tahay wax aqoon & tababar ku kordhiyo ee aaney Soomaalidu u baahneyn†ayuu yiri Abuukar Sheekh Cusmaan Ganey oo ah ku-simaha Xuseen Ceydiid ee isbaheysiga SNA, wuxuuna tilmaamay in ay taageera buuxda la garab taagan yihiin dowladda.

Safarka kan xiga waxaan isla imaaneynaa madaxweynaha & ra’isul wasaaraha waxaan idinka codsaneynaa in aan nimaano reer Muqdisho oo qoryihii iska tiiriyey, waddooyinkiina iska nadiifiyey oo basas aan qoryo la socon nagu soo dhoweynaya†ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka oo soo jeediyey in dhalinyarada qoryaha haysata waxbarasho loo jiheeyo, lagana shaqeeyo siddii ay qoryaha isaga dhigi lahaayeen

dakada4.gif

barlmaanka.gif

Barlamanka2.gif

 

Barlamaanka3.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Gudoomiyaha Baarl. oo sheegay in maanta la helay furihii nabadda ee Soomaaliya

 

Muqdisho(Sh.M.Network Online). gudoomiyaha Baarl. FKMG ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa uu sheegay in la helay furihii nabada ee soomaaliya kadib markii uu maanta booqday dekedda weyn ee magaalada Muqdisho iyo xarunta villa Soomaaliya ee magaalada muqdisho.

 

xubnaha labada gole ee DFKMG ee Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho uuna hogaaminayo gudoomiyaha Baarl. FKMG aya amaanta booqday gobo kala gadisan oo ka tirsan magaalad Muqdisho.

 

wafdiga ayaa maanta socodkoodii ka bilaabay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay xildh. Maxamed Jaamac Furux iyo ilaalada Dekedda magaalada muqdisho, waxana sidoo kale ay booqdeen xaunta villa Soomaaliya halkaasi oo ay kula hadleen taageerayaasha isbaheysiga SNA ee uu hogaamiyo xuseen Maxamed Cediid.

 

Abuukar Ganey oo ah K/simaha gudoomiyaha ururka SNA ayaa u sheegay xubnaha labada gole ee dowladda in ay dolwadda aad u taageersan yihiin isla markaana ay soo dhaweynayaan waxaa uu balan qaaday in ay la shaqeyn doonaan isagoo u soo jeediyay labada gole ee DFKMG inaan marnaba dadka Soomaaliyeed aqbali doonin in ciidamo shisheeye la keeno Soomaaliya isagoo sheegay in ciidamada qaranka iyo walib maleeshiyooyinka Soomaaliyeed ay ku filan yihiin amniga wadanka.

 

gudoomiyaha Baarl. oo hadal u jeediyay dadkii halkaasi isugu yimid ee Villa Soomaaliya ayaa sheegay in la helay furihii nabadda ee Soomaaliya mar hadii ay maanta ay yimaadeen xarunta villa Soomaaliya iyo dekedda weyn ee magaalada muqdisho.

 

gudoomiyaha Baarl. Shariif Xasan Sheekh Aada waxaa uu sheegay bulshada Soomaaliyeed in looga baahan yahay in ay taageeran dowladda isla markaasna fariisin u noqon doonto magaalada Muqdisho isagoo ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in ay hubka iska dhigaan isla markaana hubka ay ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliyeed isagoo tilmaamay in ay tahay mid lagu gaari karo in nabad iyo midnimo waarto ay tahay in hubka la iska dhigo.

 

sidookale waxaa halkasi ka hadlay xildh. ay ka mid ahaayeen Axmed Cumar Jees oo si aad ah isaga u amaanay isbaheysiga SNA xiliyadii kala duwanaa uu soo maray dalka 14 kii sano ee lagu jirey bur burka iyo dhibaatada .

 

waxaa kale oo halkaasi ka hadlay gudoomiye K/xigenka Baarl. iyo waliba xubno kale oo ka tirsan DFKMG ee Soomaaliya.

 

labada gole ee xubnaha DFKMG ayaa maanta sidoo kal e waxa ay booqdeen xaruntii hore ee Radio Muqdisho, Xarunta talisk ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo waliba xaruntii hore ee golaha shacabka Soomaaliyeed oo uu ka muuqday bur bur lixaad leh

 

Shabelle Media Network, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this