Sign in to follow this  
ansaar17

Haweeneey Somaliyeed oo ciidamada Ethiopia ay kufsadeen

Recommended Posts

ansaar17   

Mogadishu 13, March.07 ( Sh.M.Network) Haweeneey Somaliyeed oo maanta saxafiyiinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa ku sheegtay in ciidamada Ethiopia ee ku sugan Ceel-carfiid ay u geysteen kufsi iyo gabood fallo ka dhan ah Bani-aadnimada.

 

Dhibane Suuban Maalin Cali Geedi oo ah hooyo 37 jir ah, lehna ilaa 8 caruur ah oo maanta shir Jaraa'id ku qabatay magaalada Muqdisho, iyadoo uu dhinac ka fadhiyay Seygeeda ayaa sheegtay in sabtidii la soo dhaafay ay labo nin oo ay sheegtay in ay ka mid yihiin ciidamada Ethiopia oo fariisinka ku leh Deegaanka Ceel-carfiid oo ku beegan duleedka W/bari Muqdisho.

 

 

 

Dhibane Suuban Maalin Cali Geedi oo kufsi iyo jirdil ay u geysteen ciidamada Ethiopia

 

Waxa ay sheegtay in xilliga kufsiga loo geystay ay ku soo jeeday magaalada Muqdisho, ayna ku soo socdaaleysay gaari dameer iyadoo sheegtay in labadan nin oo ay tilmaamtay ay hubeysnaayeen, una geysteen jirdil xoogan ka hor inta aysan kufsan.

 

Waxa ay sheegtay in ay u soo gurmadeen markii la jirdilay lana kufsaday dad deegaanka ayna u soo qaadeen dhinaca Isbitalka Keysaney ee W/magaalada Muqdisho, isla markaana ay dhaqaatiirta Isbitalka u sheegeen in aysan muddo lix bilood ah Naas u deyn caruurteeda isla markaana aanu u galmoon Seygeeda si mudadaasi ka dib looga baaro cudurka HIV Aidska.

 

Mar wax laga weydiiyay xaalada haatan ay ku sugan tahay ayaa waxa ay sheegtay in ay wali dareemeyso xanuun iyo dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah.

 

 

 

Seyga Haweeneeyda la fara xumeeyay,Axmed Cali Xasan

 

Seyga Haweeneeydaan oo lagu magacaabo Axmed Cali Xasan ayaa sheegay in xaaskiisa la dhibaateeyay, isla markaana la garaacay, deetana la fara xumeeyay, isagoo dowladda Somalia iyo shacabka Somaliyeedba ka codsaday in ay yihiin dad dhibaateysan oo u baahan in gurmad bani'aadnimo loo fidiyo.

 

Waxa uu sheegay in ay la xiriireen taliska ciidamada Ethiopia, ee Ceel-carfiid iyo xubno ka tirsan dowladda Somalia, laakiin wali aaneey wax jawaab ah ka helin.

 

Mar wax laga weydiiyay waxa ay ku xaqiijin karaan in ragga falkan geystay ay ahaayeen ciidamada Ethiopia, ayuu sheegay in ay hayaan xaqiiq iyo cadeymo.

 

Waa markii ugu horreysay oo haweeneey Somaliyeed ay ka dhawaajiso in ciidamada Ethiopia ay u geeysteen kufsi, jirdil iyo gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha tan iyo markii ciidamada Ethiopia ay soo gaareen caasimadda dabayaaqadii bishii december, iyadoo wali aanu jirin hadalo ka soo baxay Mas'uuliyiinta dowladda Somalia iyo saraakiisha ciidamada Ethiopia oo ay kaga jawaabayaan eedeymaha loo jeediyay.

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this