Sign in to follow this  
General Duke

Widh Widh : Puntland ministers visit Cayn region so much for secessionists

Recommended Posts

Wasiiro ka tirsan Puntland oo kulamo la qaatay Odayaasha Deegaanka Cayn

 

Weftigaan oo uu hogaaminaya wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka bada Dgpl oo maalmahaan ku sugnaa deeganada ka tirsan Gobolka Cayn ee DGPL ayaa haatan lugtii ugu danbeysay ku jooga degmada Widh Widh ee gobolka Cayn waxaana si diiran weftiga ugu soo dhaweeyey dadka deegaanka oo isugu jira odayaasha dhaqanka dhalinyarada Haweenka ardayda wax ka barata degmada.

 

waxaana galabta loo sameeye xaflad si diiran loo soo aggaasimay taas oo muujinaysa sida dadka deegaanku ugu qanacsan yahiin imaanshaha weftigaan sidaas waxaa SBC u sheegay wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka bada DGPL Engineer Max’ed Faarax Aadan oo wareysi gaar ah siiyey idaacad SBC isagoo ku sugan goobta xafladu ka dhacaysay ee degmada widh widh .

 

Weftiga wasiirku hor kacayo oo isugu jira wasiiro kuxigeeno iyo xildhibaano ka tirsan DGPL ayaa lagu wadaa marka ay soo dhamaystaan safarka ay ku joogaan degmaas in ay ku soo noqdaan degmada buuhoodlle ee caasimada gobolka Cay sida uu SBC u xaqiijiyey wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka bada Dgpl. Engineer Max’ed Faarax Aadan .

 

Ujeedada safarkaan weftiga reer puntland uu ku marayo deegano ka tirsan gobolka Cayn ayaa lagu macneeyey mid maamulku uga goll lee yahay sidii uu u kasban lahaa dadka deegaanka maadama dadku wax badan ka caban jireen imaansha la’aanta dhinaca maamuladii soo maray Puntland iyadoo jiritaanka DGPL ee uu madaxweynaha ka yahay C/raxmaan Faroole ay jirto mudo bilooyin ah.

 

 

Axmed Maxud Maxed [Axmed-Shaam]

 

SBC International Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

ma reerkoodiibuu caano u doontay. Waxa la yidhi roobaa ka da'ay sool iyo sanaag geeliina wuu dhalay.

 

 

Saaxiib ha la yaabin dee meeshii garoowuu boodh iyo hareedkeedii u adkaysan waayoo waa soo diga rog tay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this