Sign in to follow this  
General Duke

Brussels: EU offers financial support to TFG/Parliment

Recommended Posts

Midowga Yurub oo bixinaya dhaqaalaha xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya

 

Midowga Yurub ayaa daboolka ka qaadey yabooh dhaqaale hor leh oo la siinayao Baarlamanka DFKMG ah ee Soomaaliya,.dhaqaale horleh ugu yaboohay DFKMG ah ee Soomaaliya

 

Ergo ka socotey Midowga Yurub oo ay hogaaminaysay danjiraha Faransiiska u jooga wadanka Kenya Elizabeth Barber, ayaa dhawaan waxay kulan ay la qaateen Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya, isla markaana ah kusimaha madaxweynaha Sheekh Aadam Max’ed Nuur (Sheekh Aadam Madoobe), iyo Ra’isalwasaare Nuur Cade.

 

Kulankaasi ayaa midowga Yurub wuxuu ku balan qaadey in uu bixiyo lacago mushaarad ah oo gaarsiisan 1200 oo doolar oo la siinayo bil kasta xildhibaanada Baarlamanka DFKMG ah ee Soomaaliya oo ka kooban 275 xubnood, taasi oo qayb ka ah qorshe taageero caalami ah oo la siinayo DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Midowga Yurub wuxuu ku xirey shuruud bixinta lacagahaasi mushaaradka ah oo taasi oo ah in dhamaan xildhibaanada Baarlamanka ay goob jog ka noqdaan fadhiyada Baarlamanka uu yeelanayo.

 

Wafuuda Midowga Yurub ee kulankaasi ka qayb galey ayaa waxaa ka mid ah The ergooyin ka socda Britain, Italy, Norway, Belgium iyo Czech Republic.

 

 

 

SBC International News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this