Sign in to follow this  
General Duke

Yusuf of Somalia talks about the nation.

Recommended Posts

Yusuf oo ka hadlay xaalka Somalia

28 Jan 28, 2008 - 1:11:39 AM

 

Madaxweynaha Somalia Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa ka hadaly xaaladda guud ee Somalia, isla markaana eedeymo u jeediyay UN-ka iyo Hay'adaha xuquuqda aadanaha; isagoo ku tilmaamay inay yihiin hay'ado walaacinaya xaaladda Somalia.

 

Madaxweyne Yuusuf oo wareysi dheer siiyay Telefishinka ku hadla Afka Carabiga ee Al-jazeera oo xaruntiisu tahay Qatar ayaa sheegay in dalka Somalia uu isagu Madaxweyne ka yahay ayna tahay in isaga wax laga weydiiyo, balse aysan ahayn in wax laga weydiiyo hay'ado walaacinaya xaaladda dalka Somalia.

 

Barnaamijka lagu wareystay Madaxweyne Yuusuf oo ahaa [Liqaa Khaas] oo lagu wareysto dadka magaca ku leh Adduunka ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo xaaladda Somalia ah, wuxuuna sheegay in Somalia ay xilligaan tahay meel ammaankeedu uu aad u wanaagsan yahay, isla markaana ay shacabka Soomaaliyeed ku jiraan xaalada daganaasho ah.

 

"UN-ka iyo Hay'adaha kale ee ka hadlaya arrimaha Somalia waa kuwo xayawaanno ah oo sheega wixii ay doonaan, aniga ayaa dalka Somalia Madaxweyne ka ah, waxaana caddeynayaa in xalaaddiisu ay tahay mid daggan oo aanay dhibaato ka taagnayn" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo arrintaan marka uu ka hadlayay u muuqday mid ay caro ka buuxdo.

 

Mar wax laga weydiiyay Madaxwyene Yuusuf xilliga ay dalka ka baxayaan ciidamada Itoobiya ayuu sheegay in marka hore ay tahay in la ogaado in ciidamadaas ay ku joogaan si sharci ah oo anigu saxiixay amarka ay kusoo galeen dalka, isla markaana ay dhaqangeliyeen xubnaha Baarlamaanka Somalia ayna oglaadeen Golaha Wasiirrada, waxaana filayaa inay ka bixi doonaan dalka markii aan annagu ogolaanno.

 

"Xukuumaddeydu lama kulmi doonto kooxaha xagjirka ah ee ku jira Maxkamadaha, waxaana la kulmi doonaa oo keliya kooxaha qunyar-socodka ah ee ka tirsan maxkamadaha" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo ka hadlayay inay xukuumaddiisu la kulmayso kooxaha dagaallada kala horjeeda iyo in kale.

 

Sidoo kale; waxaa wax laga weydiiyay xaaladda deegaanka Laascaanood iyo dagaalladii ku dhexmaray Puntland iyo Somaliland, wuxuuna sheegay in taasi ay tahay arrin fudud isagoo yiri: "Somaliland, waxay ka mid tahay Somaila; Soomaaliyana waa dal leh hal calan, hal madaxweyne iyo hal caasimad, mana dhacayso inay kala go'do Somalia, Laascaanoodna waa Somalia".

 

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay Puntland ayaa sheegay in Puntland ay tahay goob ammaan ka ah kooxaha dagaallada kala horjeeda DF, isla markaana uu isagu ka dhigay goob daggan oo aanay dhibaatooyin ka jirin, wuxuuna sheegay in koox lagu magacaabo Al-Itixaad ay isaga ku qabtay hadda ka hor Puntland, balse markii ay sii daayeen uu amar ku siiyay ciidamadiisa inay ka saaraan Puntland kooxahaas, "Markaas wixii ka dambeeyay ma jirto cid ka tirsan kooxdaas oo lagu arkay Puntland" ayuu yiri Yusuf.

 

Xaalkiisa caafimaad oo wax laga wedyiiyay ayuu sheegay inuu wanaagsan yahay, uuna qorshaynayo inuu dalka Somalia dib ugu laabto si howlihiisa uu u dhameystiro; isagoo qoslay kuna kaftamay, [waxaad caafimaadkeyga ka garan kartaa hadalkeyga]

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this