Sign in to follow this  
SomaliThinker

Sool becomes more peaceful today

Recommended Posts

This region was already peaceful, but know with this is 100% for me peaceful.

 

Ergo nabad-raadin ah oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa soo afjaray colaado iyo khilaafyo muddo 16 sannadood ah soo jiitamayey oo u dhexeeya qaar

 

ka mid ah beelaha degaannada Gobolka Sool.

 

Ergada nabadaynta ee Guurtida oo uu hoggaaminayo Sh. Khaliif Sh. Xasan Gudaal oo muddo bil iyo maalmo ah halkaa ka waday dedaallo lagu furdaaminayo shaqaaqooyin kala duwan, ayaa xal kaa gaadhay toddoba kiis [dhacdo] dilal ah oo isugu jira badheedh, kama’ iyo qaar shilal gaadiid ah intaba.

 

Kulan ballaadhan oo lagu qabtay xarunta dawladda hoose ee degmada Caynabo oo ay ka qaybgaleen ergada Golaha Guurtida, Maayarka Caynabo, maamulkaa Gobolka Sool, talisyada ciidammada, madax-dhaqameedyada iyo waxgaradka labada ardaa ee heshiiska laga dhex dhaliyay oo kala ah Cali Barre iyo Reer Barre oo ka wada tirsan beesha Muuse Abokor [Habar/jeclo], ayaa lagu go’aamiyey heshiiska shan ka mid ah kiisaska dilka ah oo la isku waafaqay in mago lagu kala qaato.

 

Weriye Luqmaan Xamse Gaadaweyne, oo ku sugnaa madasha shirka, ayaa Jamhuuriya u sheegay in kulanka gunaanadka ee labada beelood lagu heshiiyey uu ahaa kii lixaad ee kulamo xidhiidh ah oo ergadu yeelatay.

 

Ergada nabadaynta Golaha Guurtida, waxa kale oo ay dhowaan ka faraxasheen laba aanno oo ka dhalatay dilal kala gaadhay beelo ka tirsan degaanka Gobolka Sool, gaar ahaanna degmooyinka Xuddun, Yagoori iyo Caynabo – labada ardaa ee Jaamac Siyaad, Reer Cigaal [***********] iyo Reer Barre, Reer Yoonis [Habar/jeclo] – oo colaad xumi dhextaalay.

 

Sheekh Khaliif Sh. Xasan oo ah madaxa ergada Guurtida oo hadal mahadnaq, dardaaran iyo waano isugu jira u jeediyey dhinacyada heshiiska wada gaadhay iyo cidda kale ee gacan ka geysatay hawshaba, ayaa sheegay in Guurti ahaan ku faraxsan yihiin guusha ay ka gaadheen khilaafka u dhexeeyey beelaha wallaalaha ah, “Kuwaas oo,” ayuu yidhi; “naga aqbalay wixii aannu go’aaminay.” Wuxuunna intaa ku daray oo tilmaamay sida ay markasta diyaarka ugu yihiin ka-shaqaynta wixii nabadgelyo ah oo ay ka mid yihiin qaar ka jira degaanka oo weli qabyo ah.

 

Maayarka degmada Caynabo, Khaliif Ismaaciil Saleebaan oo martigeliyey shirka, ayaa ammaanay hawsha Guurtidu ka qabatay degaanka, isaga oo arrintaa sharraxayeyna waxa uu yidhi; “Hawsha nabadaynta waxa qayb libaax ka qaadatay ergada Guurtida oo kuwo kalena hadda gacanta ku haya.” Wuxuuna ka codsaday Guddoomiyaha iyo Golahaba in weftiga loo kordhiyo muddada, “si ayuu yidhi; “loo dhammaystiro kuwa dhiman oo aan Guurtida la’aanteed si fudud loo furdaamin Karin.”

“Waana markii ugu horreysay intaan hubo guddi noocan ahi inta ay yimaaddaan, ilaa xadkaana hoos ugu dhaadhacaan xallinta khilaafyada degaanka.” Sidaa waxa yidhi Maayar Khaliif oo shalay khadka telefoonka ugu warramayey Jamhuuriya oo xog-warraysi kala yeeshay arrintan, waxaannu maayarku soo dhoweeyey tallaabada nabadda lagaga dhex dhaliyey beelaha degaanka Sool, taas oo uu ku tilmaamay mid wax weyn ka taraysa xasilloonida iyo nabadgelyada iyo guud ahaanba horumarka degaanka, isla markaana albaab cusub u furaysa wada-noolaanshaha bulshada halkaa ku dhaqan.

Ugu dambayn, Maayarku waxa uu u mahad-celiyey dhammaanba dhinacyada ka hawlgalay nabadaynta, gaar ahaan Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka, Guurtida, Wakiillada oo dhammaan hawlo kale oo muhiim ah qaranka u haya, wuxuuna Ilaahay uga baryey in uu u fududeeyo shaqooyinkood.

 

Togdheer News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

It seems those of reer barre will have alot to pay because they are involved in all the two incidents mentioned here. Anyways its good that this ppl should live together and co-oxist in peace. Now that the somaliland somalia border issue is Brewing up again can we really have these brotherly ppl stay away from trouble? Thats a question many would ask.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this