Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Planning Minister Gets Tough With NGO

Recommended Posts

Cowke   

wasiirka-qorshaynta-300x225.jpg

 

Wasiirka Qorshaynta iyo Xariirka Caalamiga ah ee Puntland oo kulan ugu yeeray dhamaan uruurada INGOyada ka howlgala Puntland

 

(Garowe) RBC: Waxaa maanta lugu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo xarirka Caalamiga ah Kulan baalarn oo ay ka soo qaybgaleen Uruurada INGOyada ka howlgala Puntland kuwaas oo wasaaradda Qorshaynta ugu yeetay kulan ay la yaleeto si lo ogaado waxyaabaha ay dalka ka qabtaan.

 

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo xariirka Caalamiga ah ee puntland Daa.uud Maxamed Cumar oo halkaa ka hadlay aya sheegay in ay jiraan uruuro badan oo aan waxba qaban hadana qaata lacago kuwaas oo aan la aqoon halka ay ka bixiyaan lacagtaa iyo sida loo mareeyo.

 

Wasiirka waxa uu intaa ku daray in loo baaahn yahay in la saxo wax kasta si loo ogaado hwsha u qabto uruurka maadama ay jiraan uruuro badan oo muujiya dadaal iyo kuwa aan waxba qaban taana waxaa uu ku sheegay in aysan ahayn mid wanaagsan.

 

Dr Daa,uud Maxamed Cumar ayaa tilmaamay in Uruurada diinwaangashan ay garayaan boqol iyo inka badan taana waxa uu ku sheegay mid aan muhiim ahayn waxuuna tilmamay in ay muhiim tahay in la iska waraqabo si wax loo saxo oo hormar loo gaarsiiyo deegaanka daladna loo sameeyo uruuradaan .

 

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo xariirka Caalamiga ah ee Puntland ayaa sheegay in looga baahan yahay uruur kasta iyo Hay,adda kasta in ay soo bandhigaan wax qabadkoodii si loo ogaado waxyaabaha u qabsoomay iyo wixii aan qabsoomin.

 

Waxuuna sheegay in iminka ay sameeyeen Websiyd ay ugu talagaleen in waxqabadka Hay,addaha iyo Uruurada lagaliyo ay sameeyen dhawaana uu howlgali doono waxuuna sheegay in webkaa lagalin doono wax kasta oo qabsoomay .

 

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay dhamaan Gobalada Puntland ay ka fureen xafiisya hoos yimaada Wasaaradda Qorshaynta iyo xariirka Caalamiga ah ee Puntland waxuuna sheegay in xafiisyadaas ay yihiin kuwa ay isku xiran yihiin gudoomiyaasha degmooyinka iyo Maamulada Gobalada.

 

Waa markii ugu horaysay ee kulan nuucaan loo qabto uruurada INGOyada kuwaas oo lugula xisaabtamayo wixii u qabsoomay tan iyo xiligii uu xilka qabtay Wasiirka Qorshaynta ee iminka hugaanka wasaaradda u haya

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this