Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Sh Xassan daahir aways: there will never be talks between us and the TFG

Recommended Posts

Xassan Daahir Aweys:Wada hadal la geli maayo Dawladda Federaalka

November 12, 20100 comments| leave your own! Share

 

Hogaamiyaha kooxda Xisbul Islaam Sheikh Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in wax wada hadal ah ay kooxdiisa la geli doonin Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

 

Isagoo salaada jimcaha kadib ka hadlaayay masjid ku yaalla Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in xilligaan aysan diyaar u ahayn in ay wax wada hadal la galaan Dawladda.

 

Xassan Daahir Aweys ayaa ku baaqay in la kordhiyo dagaalada lagula jiro Ciidamada Dawladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM inta lagu jiro bisha Dul-Xaj,wuxuuna fariintaas u direy Xarakada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

 

Hogaamiyaha kooxda Xisbul Islaam ayaa xusey inuu sii socon doono dagaalada lagula jiro Dawladda Federaalka iyo AMISOM oo uu ku tilmaamay cadowga Alle.

 

Bishii Ramadaan ee lasoo dhaafey ayay ahayd markii kooxaha mucaaradka ay dagaal culus ku qaadeen Ciidamada Dawladda iyo AMISOM,dagaalkaas oo noqday mid wax natiijo ah kasoo bixin marka laga reebo in dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir oo Sheegay in aanay aqbali doonin dhexdhexadinta iyaga iyo Dowladda KMG.

posted by: Axmed Kulan

 

KMG ah ee Soomaaliya, isagoo ku baaqay in dagaalada la kordhiyo Bishan Dul-Xaj.

 

Isagoo khudbad ka jeedinayay Masaajidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa uu Sheekh Xasan Dahir sheegay in waxa haatan ka socda Soomaaliya ay ka weyn tahay tii Cali iyo Ceydiid ama Cali iyo Mucaawiye.

 

“Hada ka hor baa odayaal waxay nagu dhaheen amey arrinta tahay Cali iyo Ceydiid ama Cali iyo Mucaawiye, markaasaa dhahay hadii ay ahaan laheyd la islama soo gaareyn, marka kuwaan waxay yihiin kuwo aaminsan waxay Cadawga alle aaminsan yihiin”ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys.

 

Sheekh Xasan Dahir ayaa ku booriyay in dagaalada la laba jibaaro, isagoo tilmaamay in aan loo adkeysan madaafiicda lagu garaacayo magaalada iyo qeybaheeda kala duwan sida uu yiri.

 

“Madaafiicda ay nagu garaacayaan yaa soo siinaya waa cadawga alle, waxaa la leeyahay Dowlad Diin wadata lama magacaabi karo, marka anaga Diinteena ayaa lagu soo duulay, waa inaan la dagaalanaa”ayuu mar kale yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys.

 

Hadalka ka soo yeeray Sheekh Xasan Dahir ayaa ku soo aadaya, xilli dagaalada ay wadaan Ururkiisa iyo Shabaab aanay wax natiijo ah ka gaarin, bedelka dagaalada iyo weerarada ay soo qaadaan ay dhaxashay dhibaatada shacabka ku habsaneysa.

Axmed kulan

Moqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this