Sign in to follow this  
Jumatatu

Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya oo qoraal soo saaray

Recommended Posts

Jumatatu   

20050716141100cabdirasaaqx.xuseen203.jpg

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

 

Cabdirasaaq Xaaji Xuseen oo Soomaaliya ka ahaan jiray Ra'iisulwasaare Sannadihii 60-yadii ayaa dhowaan qoray maqaal uu u ugu magac daray Waraaq Furan oo lagu daabacay Internet-yada Soomaalida qaarkood, isaga oo uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin guuritaanka dowladda Soomaaliyeed dib u guurayso dalkeeda, ciidamada shisheeye iyo cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Waxaa kale ee uu sheegay Cabdirasaaq Xaaji Xuseen in dowladda Cabdullahi Yuusuf laga yaabo in ay marto halkii ay mareen dowladihii ka hroreeyay. Cabdullaahi Xaaji oo ka tirsan BBC-da oo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen dhowaan wareysi kala yeeshay qodobo badan ayaa su'aashiisii uu ku billaabey waxay ahayd:

 

Wareysigii sidan ayuu u dhacay

 

BBC: Waa maxay sababta aad ugu maleynayso in dowladda Cabdullaahi Yusuf madaxweynaha ka yahey ay mari doonto halkii ay mareen kuwii iyada ka horreeyey?

 

Cabdirisaaq: Waxa aan sidaas u iri saan-saanka markii la aasaasay xukuumadda aad hadda tilmaamtay anigu kuma arag wax la qabtay iyo in ay dowladii waddankii tagtay. Dowladihii ka horreeyay iyada waddanka ayey joogeen marka sida ayaan ku iri; marka waxaan is iri maxaa muujin karaya in ay rajo leedahay baan is weydiiyay, waxaa aniga ila quman in laga shaqeeyo sidii Xamar loo degi lahaa.

 

BBC: Waxaad aad tiri waxaa waajib ah in madaxweynuhu tago Muqdisho, Muqdishana ma aha nabad, sida aad ogtahayna madaxweynuhu waxa uu ku daray dowladdiisa afar hoggaamiye-kooxeed oo kala ah Suudi Yalaxow, Maxamed Qanyare, Xuseen Caydiid iyo Cusmaan Caato, weyna ka soo horjeesteen dowladda; marka ma waxaad leedahay arrinkaas qalad ayuu ahaa markii hore?

 

Cabdirisaaq: Aniga ma oranayo in uu ku qaldanaa, mana oran karo maxaa yeelay haddii la doono qaabkii ay dowladdani ku dhisantay waa la dhaliili karaa, laakin wixii dhismay haddaadan eedeyn ku qabatayba ha iska ahaatee la fiiriyo anigu ma u maleynayo madaxweynuhu in uu ku qaldanaa ama raggii ay talada wada wadaageen, raggaan hadda aad magacawday oo la ogyahay in ay ciidamo ku heystaan Muqdisho in la weydiiyo sidii ay ku nabadayn lahaayeen tillaabo qaldan ma aheyn baan u maleynayaa.

 

BBC: Sida aad ogtahay Muqdisho weli waxaa ka jira dilkii, dhicii, afduubkii, inkastoo hoggaamiyeyaashaas awoodda badani ay joojgaan marka miyaad is leedahay dowladdu iminka Muqdisho wey tagi kartaa?

 

Cabdirasaaq: Nuxurka warqaddeyda waxaan ku iri dowladdu hadda ma tagi karto haddii aanan gafsaneyn, oo waa in magaalada laga saaraa ciidamada loona diyaariyaa sidii jawi ay doowladu ku imaan karto loo sameeyo lahaa, waliba marka ay dowladdu imaaneyso waa in ay jiraan ciidamada saaxibbada ah ee Afrikada waliba waxaa hadda ka hor la magacaabay oo la sheegay in labo waddan ay Soomaaliya ciidamo geynayaan ilaa 1700 oo askari, marka ugu yaraan labaas waddan ciidamadaas ay ku dhawaaqeen iyo dowladihii kale oo aysan ku jirin waddamada safka hore oo iyaguna ugu yaboohay Soomaaliya in ay ciidamo keenan ha la soo dhaweeyo.

 

Marka ciidamadaas marka ay xukuumaddu imaaneyso ciidamadasina ha la yimaadaan waxaad moodaaa in aan ku daray Xisaabta in dowladdu u baahantahay ammaan, laakiin sida an arkayo dowladdu xooggeeda saari meyso sidii ay Xamar ku imaan laheyd.

 

Xooggeeda waxa ay saareysaa meel kale intey xoog ku dagto ay ku muujineyso ama Xamar looma baahna ama iney Muqdisho dagaal ha lagu qaado marka dowladdu ha muujiso sidii Xamar lagu dagi lahaa.

 

BBC: Maleeshiyada qaarkeed ayaa laga saaray Muqdisho iyadoo la geeyey Hiilweyne, hubkiina lagama dhigin, loona yeeran karo markii loo baahdo, taasi ma ciidan qaadisbaa?

 

Cabdirisaaq: Arrintaas ciidamada hubka laga qaadayo anigu waxaan filayaa waxa ay u baahan tahay fiiro gaar ah, nimanka hadda Xamar hubka ku heysta markii la yiraahdo Xamar keliya hubka ha laga qaado oo gobollada kale hubkooda ha heystaan oo qabiil iyo dhibkii shalay shakiga keenay taagan yahay anigu waxaan u arkayaa in ay ka qoto dheer tahay sida ay dadka qaar u arkayaan.

Aniga waxaa ila quman haddii ay noqoto hub in la qaado hubka in waddanka oo dhan laga wada qaado dhulka qaarkood ee ay ka mid tahay Puntland waxa ay sheeganayaan in ay dowlad yihiin oo ay ciidamo heystaan laakiin dadka Muqdisho jooga ama meel kale jooga waxa ay ku doodi karaan meel walba Maleeshiya ayaa joogta, Puntland kuwa jooga waa maleeshiyo kuwa jooga Jubbooyinka waa maleeshiyo, Bakool iyo Xuddur kuwa jooga waa maleeshiyo; marka haddii la rabo in hubka la qaado hal mar ha la qaado bey ku doodi karaan, waxaana is leeyahay waa caqli gal.

 

Marka aniga waxa ay ila tahay Xamar waa caasimaddii, nimankan haddey magaaladii hubkii ka fogeeyeen oo ka kaxeeyeen, niyad sami in loola socdo weeye, ragannimo bey muujiyeen hubkii bey qaadeen iyagoo waliba aan heysan wax caawina intaa oo kumanyaal ah beey masruufeeyeen oo xero ku hayaan, oo awalba la baray lacag sharci darro ah oo isbaaro iyo dhib ku jiray ayaa hadda muddo labo bilood ah ku jira xeryo oo ay masruufayaan waxa ay mudan tahay in la taageero.

 

Anigu ma maqal dad leh tillaaba la qaadaye ha la dhammeystiro mida kale yaan laguna deg-degin hub ka dhigista oo dadka hal mar laga wada qaado waxa jira qabiil iyo dareen reer hebel hubkii bey heystaan marka waxaa fiican guddi dhaxdhaxaad aa inta la qabto oo hubka la tiro koobo, illeyn qolo walba waa la yaqan hubka ay heysatee oo xeer la sameysto sidaa loo qaado hubka walibana la gubo qolo walba waxaa la oranayaa hubkina qolo xeer baa la sameynayaa qofkii qariya.

 

BBC: Hub ururinta Muqdisho ka warran?

 

Cabdirisaaq: Goob kasta hub ayaa yaalla, waana in dhammaan isku mar laga wada urursho oo hubkaas la wada gubo haddii la doonayo in dawo la helo.

 

Qolo walba waxaa la oranayaa hubkiina qora; xeer baa la sameynayaa, waxana loo wada sheegayaa qofkii aan hubkiisa keenin ganaaxa iyo xaragga uu heli karo.

 

BBC: Dowladda Cabdulaahi Yusuf waxay ku eedeysaa hoggaamiyeyaasha qaar in aysan dowlad rabin maadaama ay gacanta ku hayaan goobo muhiim ah laguna edeynayo in ay jilbaha u dhigeen oo ay curyaamiyeen dowlasdii Cabdiqaasin?

 

Cabdirisaaq: Haddii laga hadlo raggani ma rabaan dowlad oo waxa ay gacanta ku hayaan goobo muhiim ah, ma jirto cid aan heysan meel ay dayuurado ka soo dagaan; Furdooyin - Puntland baa leh, Somaliland baa leh Kismaaya leh, Bay & Bakoolaa leh; sabab maxaa loogu edeynayaa keligood qolo waliba wa leedahay meel ay jidgooyo dhigtaan oo lacagi ka soo gasho.

 

Dhab ahaantii wey fiicnaan laheyd in ay magaalada nabadeeyaan maadaama ay caasimaddii joogaan ayna ku doodayaan dowladdu waa in ay caasimadda timadaa waana u sheegay marka ma ahan in dadka iyo gobolada kale is daahiriyaan.

 

BBC: Qoladee baa haddaba hagaagsan?

 

Cabdirisaaq: Warqaddeyda waa caddahay aniga sidii aan qolo walba wax ugu eedeeyay ma jirto qola daahira oo wada fiican, mana jirto qolo eedda dhinaceeda goonni loo saarayo.

 

BBC: Cabdulaahi Yusuf waxaa la sheegay in uu ciidamo ka qoranayo beesha uu ka dhashay ee Puntland iyo kuwo beelaha kale ah sida Gobolada Dhaxe iyo Jubbooyinka, maxaad kala socotaa amuurtaasi?

 

Cabdirisaaq: Waxaan anigu maqlay waxaa ciidamo ka imaanayaan Puntland iyo Hiiraan marka laga reebo ciidamadii joogay Jawhar.

 

BBC: Cabdullaahi Yusuf waxaa la sheegaa in uu ku hadlo hadallo is burinaya oo dadka iska horkeenaya maxaa ka jira amuurtaasi?

 

Cabdirisaaq: Hadalladaas ma aha kuwo halkan lagu soo koobi karo, mar uu Cabdullaahi Yusuf hadlo oo uusan madaxda kale shaki galin ma jirto. Tusaale ahaan, hadalkiisii ugu dambeeyay oo ahaa afar nin oo Xamar joogta dowladdu u maja xirnaanmeyso; sidaas darteed, hadal walba oo ka soo baxay Cabdulaahi Yusuf ma ahan mid ku habboon madaxweyne waddan. Waxaa fiican in madaxweynuhu noqdo mid loo keeno dhibkii ku yimaada dadka oo xalliya mase ahan midkii sii hurun lahaa. Waxa an is weydiiyaa hadallada Cabdulaahi Yusuf ku hadlayo iyo waxa laga doonayo madaxweyne ma is keenayaan? waxaana ii soo baxeysa Maya.

 

BBC: Waxaa jirta in adiga iyo Cabdullaahi Yusuf ay idiin dhaxeyso colaad soo jireen ah, marka maqaalkan aad qortay ma taasaa u sababa ah?

 

Cbdirisaaq: Aniga iyo Cabdullaahi Yusuf meel aan isku khilaafnay iyo meel aan ku wada hadalnay oo aan isku afgaran weynay ma ogi, anigu markii aan waxyaabo ka hadlo waxaan ka hadlaa arrin Soomaaliya laakiin anigu ma soo hadal qaado magaca madaxweyne Cabdullahi Yusuf.

 

Dowladda Soomaaliya hadda u dhisan waa nooca midda Talyaaniga iyo Britain ka jirta oo kale oo madexweynuhu uu yahey mid sharafeed. Sidas datreed, waa khalad in mar walba la yiraa dowladda Cabdullahi Yusuf. Dowladdani waa tan Cali Maxamed Geeddi, sidaas darteed waxa uu ku jiro Cabdullaahi Yusuf ma ahin wax uu shaqo ku leeyahey.

 

 

QODOBADA WARKA UGU HOREEYA

 

Britain: Warbixinta Catham House

Ciraaq: Kulanka deeqbixiyaasha

Kooxda Hamas oo eedeysey Israel

Olollaha kordhinta Golaha Ammaanka

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

here is an excerpt of his latest article

[...

 

 

Deployment of Puntland militias

 

It appears that President Abdullahi Yusuf intends to deploy armed militias form Puntland to confront his opponents in Mogadishu. It is reported that a convoy of well-equipped militias are enroute to Jowhar. This has further heightened tensions and could rekindle a more sinister phase of civil war. Most people in the Mogadishu and other Somalis consider the deployment of Puntland militias in and around the capital to be tantamount to a clan-based invasion. The faction leaders and others in Mogadishu intend to fiercely respond to what they deem to be an illegitimate attack. Both Abdullahi Yusuf and the faction leaders in Mogadishu need to recollect that the late Somali dictator thought that he could subjugate the nation by tribalizing state institutions and particularly the armed forces. The factionalist opposition imagined that it could topple the tyrannical order and remake the nation by employing the same tactics. Unfortunately that strategy has turned a crisis into a calamity. The people in the northeast must not be fooled into a destructive and futile adventure...]

 

 

A Warning for the Ages

 

The Somali public must embrace a peace agenda as the current speaker of parliament recently articulated. The TFG institutions are vehicles for reconciliation and as such must seek peaceful solutions to our political problems. The Mogadishu faction leaders and Abdullahi Yusuf must recognize that if reconciliation is to be sustained it will require a win-win outcome. By its nature a compromise is a peaceful agreement and the use of violence is an anathema in such an accord. The faction leaders can not hold Mogadishu, and by implication the country, hostage as they have done over the last decade, and Abdullahi Yusuf can not violently impose himself on the country as he has done in the northeast. He can not claim to be president for all of Somalia and at same time organize clan based militias as a national force. Such behavior is exactly what destroyed Somalia’s government and is unlikely to set an inclusive foundation for a lasting peace and national reconstruction.

 

Accordingly, the faction leaders in the capital must withdraw their militias from the city and put them under the control of a neutral third party (the Africa force, excluding Ethiopia). Second, the international community must urgently support the African force to be deployed without delay. Further, the international community should provide food for work to the encamped militias and to give this first phase of reconciliation a chance to succeed. Third, Abdullahi Yusuf and the TFG should relocate in Mogadishu once the African force secures the capital without bringing clan based militias from outside. Finally, the rule of law and the art of compromise must govern further development. Any attempt to use force for particularistic political ends will ruin whatever promise this last conference has engendered. I urge all Somalis who care about our destiny, and particularly those in Banadir and the northeast to say no to political violence and clan politics.

 

Abdirazak H. Hussen

Prime Minister 1964-67

E-mail: Hussen100@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this