Sign in to follow this  
General Duke

Yemen: arrests in connection to arms for clan courts...

Recommended Posts

Hub ay kooxda Alqaacida u soo waday maxkamadaha Muqdishu oo yemen lagu qabtay

Posted to the MOL October 27, 2006, 8:16 am

Dawlada Yemen ayaa waxay gacanta ku soo dhigtay hub culuas iyo saanad loo waday maxkamadaha Muqdishu oo ay wadeen 4 nin oo muslim ah oo la sheegay in lagu tuhunsan yahay inay ka mid yihiin ururka alqaacida ee uu hogaamiyo Binu Laadin oo dagaal kula jira dawlada Maraykanka illaa iyo 6-dii sano ee la soo dhaafay.

4-ta nine ee la qabtay ayaa la sheegay in 3 ka mida u dhasheen wadanka Australiya halka mid kalena u dhashay dalka Denmark. Ragaan ayaa la sheegay inay yihiin kuwo qaarkood diinta dhawaan soo galeen oo la majara habaabiyay markii loo sheegay inay ka qayb qaadan doonaan jihaad aan jirin oo la yiri wuxuu ka jiraa wadanka Somaliya.

Qolyaha maxkamadaha Muqdishu ayaa waxaa ku jira kooxo ka soo dagaalamay Afganistan xairiirna l leh kooxda Alqaaciida kuwaasoo raba in Somaliya keenaan dad ay u sheegeen in Jihaad ka jiro wadanka ayna doonayaan inay u istcimaalaan dadkaas muslimiinta ee la soo marin habaabiyay danahooda xukun doon oon diin shaqo ku lahayn.

Dhinaca kale, Maxkamadaha Muqdishu ayaa bilaabay inay xayiraan dhaqdhaqaaqa dadka shicibka ah ee magaalada Muqdishu. Qof aan maxkamadaha fasax ka haysana magaalada kama bixi karayo. Magaalada buurhakaba ayaa maleeshiyada maxkamaduhu waxay ka soo afduubeen 3 xildhibaan oo u sii socday magaalada Baydhabo. Xayiraada ayaa ka dambeysay ayaa la yiri ka dib markii maxkamaduhu ka baqeen in la ogaado dhaqdhaqaaqooda ciidan ee ay ka wadaan koonfurta Somaliya oo haatan gaaray meeshii ugu dambeysay lagana cabsi qabo inay isku dhacaan ciidanka Dawlada iyo kuwa maleeshiyaad beeleedka maxkamadaha.

Mudugonline.com

Share this post

Link to post
Share on other sites

Yemen: 6 Nin oo Yurub u dhashay oo loogu xiray Yaman inay hub u geeyaan Maxkamadaha

Friday, October 27, 2006

Sanca (AllPuntland)- Koox Dhalashadoodu tahay Yurub ayaa lagu qabtay wadanka Yeman iyadoo lagu eedeeyay in ay dalka Soomaliya hub sharci daro ah geeyaan.

Diblamaasi ka tirsan wasaarada Arimaha Gudaha wadanka Yaman ayaa khamiistii (26 Oktoobar 2006) cadeeyay in kooxdani ay ku eedaysan yihiin inay u dhoofiyaan Soomaaliya hub aan sharci ahayn, xiriirna la lee yihiin ururka Al-Qaacida, Warku wuxuu intaa ku darayaa in kooxdani ay si joogta ah hubka ugu dhoofin jireen Soomaaliya iyagoo u gaynaya Maxkamadaha Muqdisho.

Ragga la xiray waxaa ku jirah nin u dhashay wadanka Denmark sidda uu ku waramay TV2-ga Denmark ninka Denishka waxaa xabsiga ku weheliya, mid Ingiriis ah, seddex Australian ah siddaas waxaa TV 2 | Nyhederne u cadeeyay danjiraha Ingiriiska ee u fadhiya Yemen. , TV2 wuxuu intaas ku daray in shantaas nin ee hore ay ku weheliyaan xabsiga seddex kale oo mid Jarmal yahay, midna Soomaali yahay iyo mid Yaman u dhashay. (Dansker sigtet for våbensmugling)

Warar kale oo ay tabisay AP (Associated Press) ayaa tirada dadka la xiray ka dhigaysa 12 qof oo lagu xiriiriyay inay ka tirsan yihiin ururka Alqaacida.

Nimanka Yurubiyaanka ah ayaa ahaa kuwo Muslimay, waxna ku baranayay Jaamacada Iimaan (Iman University) oo lagu barto diinta Islaamka kuna taal wadanka Yemen .

Saxaafada wadanka Denmark ayaa sheegaysa in ninka Denishka ah ee Yaman lagu xiray uu yahay nin Muslimay oo 23 sanno jir ah kuna dhashay degmo ku taal duleedka caasimada Denmark, wuxuuna u guuray wadanka Yaman laba bilood ka hor isagoo ay weheliyaan xaaskiisii iyo carruur.

Eedaynta raggaan ayaa timid ka gadaal markii ciidamada Yaman ay olole balaaran ku qaadeen dadka ay ku tuhunsan yihiin in ay xiriirka la lee yihiin Ururka Al-Qaacida, hawlgalkaas oo saraakiisha amaanka Yamani ay sheegeen inay ku xir-xireen ilaa 12 qof oo 6 ka mid ah lala xiriirinayo inay xubno ka yihiin Al-Qaacida Unugeeda Sanca.

Diblamaasiyiinta reer galbeedka ayaa rumaysan in Al-Qaacida ay dhaqdhaqaaq xoogan ku leedahay Yemen.

Waxaa Soo uruuriyay AllPuntland, xarunta Yurub

Share this post

Link to post
Share on other sites

Niman dalka Yemen lagu xiray oo loo heysto in ay hub u wadeen dalka Soomaliya

Last Updated::2006-10-27 14:36:48

Sanca:- 12 qofood ayey ciidamada Amniga ee dalka Yemen u xireen hawlo la xariira ka ganacsiga ama dhoofinta Hub.

Lix kamid ah raggan ayaa la sheegay in ay xubno ka yihiin ururka Al Qaicida, ayna ku jiraan dad ajaanib ah oo kasoo jeeda dalalaka Denmark iyo Australia.

Dowlada Denmark ayaa ayadu shaaca ka qaaday in mid kamid ah muwadiniinteeda lagu xiray dalka Yemen loona heysto arrimo la xariira dhoofinta hubka.

Raggan la xiray ayaa la sheegay in ay saanad hub isku dayayeen in ay u diraan magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Safaarada Denmark ee dalka Sucuudiga ayaa xaqiijisay in nin 23 jir ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Denmark balse muslim noqday uu yahay ninka hada xabsiga lagu hayo.

Ninkan 23 jirka ahaa oo horey u degenaan jiray magaalada Ishø ee duleedka magaalada Copenhagen ayaa la sheegay in uu dhawaanahan degenaa dalka Yemen asaga iyo xaaskiisa.

Ninkan ayaa hada kahor intuu ku noolaa dalka Denmark loo xiray arrimo la xadhiidha Argagaxisnimo.

Ninkan oo aan weli magaciisa si rasmi ah loo shaacin ayaa hada kahor lasoo taagay Maxkamadaha magaalada Brøndby ee dalkaasi Denmark.

Dowlada Yemen ayaa ka gaabsatay in ay wax tafaasiil ah ka bixiso ragan ay qabatay.

Nimankan xabsiga lagu hayo ayaa la sheegay in ay wax ka dhigan jireen Jaamacada Culuumta Islaamiga laga barto ee Imaan ee ku taal dalkaasi Yemen, isla markaana uu maamulo Shiikh Abdimalik Al Zindani oo ku jira liistiga Maraykanka ee xubnaha Al Qaaicda.

Dowlada Denmark oo aan ayadu hada Safaarad ku lahayn dalka Yemen, ayaa sheegtay in Qunsuliyadeeda ku taal dalka Sucuudiga ay arrintan baaritaan ku wado, ninka la xiray iyo sababaha loo heytso sida uu sheegay Uffe Wolffheckel oo u hadlay Safaarada.

Cabdullahi Haji

HorseedNet.com

Share this post

Link to post
Share on other sites

Dane, 3 Australians arrested on smuggling weapons charges, authorities say

The Associated Press

source

Published: October 26, 2006

SAN'A, Yemen Three Australians and a Dane have been arrested for allegedly trying to smuggle weapons to Somalia, a security official said Thursday.

All four are Muslims and have been studying at the Islamist Iman University, which is run by Sheik Abdul-Majid al-Zindani. The United States lists al-Zindani as an al-Qaida supporter.

The security official refused to give more details and spoke on condition of anonymity because he is not authorized to release information to media.

However, a Danish Foreign Ministry official confirmed the arrest of the Dane but refused to identify him.

"All I can say is that a Danish national has been arrested according to our information," said Uffe Wolffheckel of the Foreign Ministry's Consular Service. "The rest are person sensitive information which are encompassed by the professional secrecy."

Danish media said the suspect is a 23-year-old male who converted to Islam and moved to Yemen two months ago with his wife and child.

The arrests are part of a state security campaign launched last month against members of an al-Qaida cell.

The security official said among more than 12 suspected militants arrested in the campaign, six were believed to be linked to the San'a cell.

One of the detainees, Ibrahim Abdullah al-Sinhi, also known as Abu Dujana al-Misiki, confessed that he was assigned to carry out an attack with an explosive-laden car on San'a international airport, the security official said.

Yemen is believed to be a frequent route for smuggling arms to Somali factions.

Al-Qaida has an active presence in Yemen, the ancestral home of Osama bin Laden, despite government efforts to fight the network.

The group was blamed for the 2000 bombing of the USS Cole in Aden that killed 17 American sailors and the attack on a French oil tanker that killed one person two years later.

(str-my-lf)

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this