Sign in to follow this  
Land_Soldier

Qarax ka dhacay Duleedka Galgala oo Ciidamada Puntland lala eegtay

Recommended Posts

Qarax ka dhacay Duleedka Galgala oo Ciidamada Puntland lala eegtay

--------------------------------------------------------------------------------

Qarax xoogan ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay duleedka dhulka buuraleyda ah ee galgala halkaasi oo ay gacanta kuhayaan Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland kadib markii ay ka saareen kuwa uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Saciid Atam.

 

Qaraxa ayaa lala eegtay Ciidamo katirsan PIS-ta Puntland kuwaasi oo Galgala duleedkeeda marayay, waxaana jira warar sheegaya in halkaasi ciidamada Puntland khasaare uu kasoo gaaray.

 

Dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa hayeeshee lama hayo illaa iyo hadda tirada saxda ah ee Ciidamada Puntland maanta qaraxaasi waxyeelada ay kasoo gaartay, waxaana loola cararay kuwa dhaawaca ah goobaha caafimaadka.

 

Weli wax war ah kama soo bixin maamul Goboleedka Puntland hayeeshee Kooxda uu hoggaamiyo Maxamed Saciid Atam oo horey looga saaray deegaanka Buuraleyda ee Galgala ayaa ballan ku qaaday in dagaalkooda ay ka dhigi doonaan mid kudhufo oo ka dhaqaaq ah iyadoo qaraxyadani ay qeybkayihiin dagaalkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this