Sign in to follow this  
Gabbal

Who is behind the killing of a UN Officer in Kismaayo?

Recommended Posts

Gabbal   

Sarkaal sare oo u shaqeynayay Qaramada Midoobay oo xalay lagu dilay magaalada Kismaayo

 

Talaado, October 04, 2005(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in sarkaal sare oo u shaqeynayay Qaramada Midoobay xalay lagu dilay magaaladaas, iyadoo dilkiisana ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan.

 

Ninkan la dilay oo isku ahaa wakiilkii Hay’adda UNDP ee gobollada Jubbooyinka iyo ku xigeenka dhinaca ammaanka ee hay’adaha Samafalka Qaramada Midoobay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Muuse Huraabe, waxaana dilkiisa fuliyay kooxo hubeysan oo wejiga soo qarsaday.

 

Marxuum Maxamuud Muuse Huraabo ayaa markii la dilayay waxaa uu ku sii socday gurigiisa oo ku yaala xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo, isagoo ka tegay sida la sheegay xafiiska Hay’adihii uu u shaqeynayay.

 

Marxuumka oo lagu aasay Qabuuro ku yaala isla magaalada Kismaayo ayaa waxaa aaskiisa ka qeybgalay dadweyne aad u fara badan iyo mas'uuliyiinta maamulka Dooxada Jubba, kuwaasi oo aad uga naxay dilka loo geystay, iyadoo qaarkoodna ay marxuumka ku tilmaameen in uu ahaa qof jecel u samafalka dadka, iyagoo intaas raaciyay in ay aaminsan yihiin in sababtaas darteed loo dilay.

 

Ilaa iyo haatan ma jirto cid war ka soo saartay dilka marxuumka haddii ay ahaan lahayd maamulka Dooxada Jubba ee ka taliya magaalada Kismaayo iyo weliba hay’adihii uu shaqeynayay, inkastoo la sheegayo in ciidamada booliska maamulka Isbaheysiga Dooxada Jubba ay baarayaan ciddii ka dambeysay dilka Marxuumka.

 

Dilka loo geystay marxuumkan ayaa wuxuu sababay in uu maanta deg deg ugu laabto magaalada Kismaayo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dooxada Jubba Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa magaalada Muqdisho, iyadoo uu isla maantana ka qeybgalay aaskii marxuumka.

 

Dhanka kalena, waxaa maanta magaalada Kismaayo isaga baxay Hay’adihii Qaramada Midoobay u shaqeynayay sabab la xiriirta dilka loo geystay marxuumkan, iyadoo sidoo kalena qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay lagu cambaareeyay dilkaas.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Col. Barre Hiiraale oo si kadis ah ugu laabtay magaalada Kismaayo

 

 

Kismaayo 04 Oct. ( Sh.M.Network) Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha isbaheysiga D/jubba ahna wasiirka dib u dejinta dowladda FS Col, Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa maanta la dagay garoonka dayuuradaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo halkaasi ay ku soo dhaweeyeen saraakiil sar sare oo ka tirsan isbaheysiga D/jubba.

 

Wafdiga Barre Hiiraale oo uu ka mid yahay Bile Cabdulle Cabdi, Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, Ambassador Cabdi Shire Warsame iyo kuwo kale ayaa iminka ku sugan halkii loogu talo galay.

 

Imaatinka Col. Barre Hiiraale ee magaalada Kismaayo oo lagu sheegay in ay tahay mid kadis ah ayaa la xiriirta sidii isbaheysiga D/jubba uu faahfaain uga bixin lahaa dilkii magaalada Kismaayo oo ay ka taliyaan loogu geeystay wakiilkii hay'adda UNDP U qaabilsanaa gobolka J/hoose Marxuum Huraabe oo xalay kooxo hubeysan ay ku toogteen gudaha magaaladaasi.

 

Afhayeenka isbaheysiga D/juba oo qeybka ahaa wafdiga uu hogaaminayo Barre Hiiraale ayaa waxa uu ku tilmaamay falkaasi mid lagu xagal daacinayo howlaha hay'aduhu ay ka bilaabeen gobolka J/hoose, isagoo sheegay in aaska marxumka ka dib ay bilaabi doonaan wada hadalo ay la yeelan doonaan mas'uuliyiinta hay'adaha isla markaana ay uga dhaadhisin lahaayeen sidii howlahood ay u sii wadan lahaayeen.

 

Waxa uu intaasi ku daray in ay ka shaqeynayaan sidii gacan ay ugu soo dhigi lahaayeen kuwii falkaasi geeystay isla markaana ay soo taagi doonaan cadaaladda.

 

Imaatinka wafdiga Col. Barre Hiiraale Hiiraale ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ku soo beegmatay xilli magaaladaasi hay'adaha samafalka ay isaga baxeen halkaasi ka dib markiii kooxo hubeysan ay toogteen.

 

 

 

Farxaan Lafoole

 

Shabelle Media Network, Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this