General Duke Posted October 1, 2005 Jawhar oo garoon caalami ah laga furay Jawhar - 01.October.2005 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta xarigga ka jaray garoon caalami ah oo laga hir geliyey magaalada Jawhar oo xarun u ah dawladda federaalka Soomaaliyeed iyo gobolka Shabeellaha Dhexe labadaba. Xafladdii uu xarigga kaga jaray madaxweynuhu garoonkan oo ah mid baaxaddiisu ay dhan tahay 3km ayaa waxaa uu amaan u jeediyey Injineerradii ka soo shaqeeyey ee hir geliyey iyo mawaadiniintii kale ee waddey mashruucan. Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxaa uu garoonka diyaaradaha ee ka hir galay magaalada Jawhar ku tilmaamay “Guul u soo hoyatey shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanâ€. Sidoo kale, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka markhaanti kacay sida ay ugu faraxsan yihiin hirgelinta garoonkan. Xafladdii xarigga lagaga jaray garoonkan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay qaar kamid ah dadweynaha gobolka Shabeellaha Dhexe. Axmed Xasan Mahad SBC Jawhar ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 1, 2005 Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo dib u furay Garoonka Diyaaradaha Jowhar kadib markii Sawirada xaflada [on "]www.midnimo.com] Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee ku yaala duleedka xarunta Gobolka Sh/dhexe una jira ilaa iyo 15-KM ayaa dib loo furay maanta markii lagu sameeyay dib u habeyn lagu balaariyay oo lagu kordhiyay awoodda uu isaga xajin karo diyaaradaha waaweyn,iyadoo Ganacsato Soomaaliyed howshaasi kaalin wanaagsan ka qaateen In muddo ah Garoonka waxaa ka socday howl dayactir iyo balaarin ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana xafladda dib loogu furayay ka qeyb galay madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal wasaare Geedi, Maxamed Dheere iyo xubnaha dowladda ee halkaas ku sugan. Ra’iisal wasaare Geedi ayaa sheegay in howsha laga qabtay garoonka Jowhar ay tahay mid horumar ah oo ka mida mashaariicda dalka horumarintiisa bilow u ah, wuxuuna u mahad celiyay intii gacanta ka geysatay dhismaha Garoonka iyo maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo hadal ka jeediyay munaasabadda lagu furay garoonka Jowhar ee dib loo dayactiray ayaa sheegay in ay bilaabtay dib u dhiska dalka markii muddo burburin lagu jiray, wuxuuna sii raaciyay in garoonka ay hadda ku soo degi karaan diyaaradaha iyaga iyo xamuulkoodu gaari karaan 180 tan, howsha laga qabtayna ay tahay mid horumar ah. wuxuuna mahadcelin weyn u jeediyay Maxamed Dheere iyo maamulkiisa. Baabuurta ka qeyb qaadatay Dib u dhiska Garoonka Jowhar ayaa waxaa iska lahaa qaarkood Wasiirka howlaha Guud iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Cusmaan Caato,waxaana Garoonka qandaraas ku qaatay Nin Ganacsada ah oo lagu Magacabo Imaan. C/casiis Xasan Max’ed (GOLF), Midnimo googooye16@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 1, 2005 Ra’iisal Wasaare Geedi oo gudoomey Heshiiskii ay Wada Galeen Puntland iyo qar ka mid ah shirkadaha Shidaalka baara oo qoran October 1, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- Qoraal ku saabsan wasiirkii uu maamul Goboleedka Puntland la galay shirkado baara shidaalka ayaa gacanta loo geliyey Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra’iisul wasaare Geeddi. Qoraalkan oo ay wadeen guddi ka kooban lix xubnood oo uu hoggaaminayey wasiirka Maaliyadda Puntland Max’ed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa qoraalkaas gacanta u geliyey C/laahi Yuusuf iyo Mr. Geeddi, waxaana arrintan shidaal baarista loo saaray guddi wasiiro ah oo uu ka mid yahay Cabdalla Deerow kana arrintaas. Xubnahan qoraalka gudoonsiiyay Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhowaan soo gaaray Magaalada Jowhar oo ah Xarunta dowlada federaalka kmg-ka Soomalaiyeed, iyada oo madaxweyne C/laahi Yuusuf uu kala dhex jiray labada dhinac. Maxamed Cali Maxamud (Madka) Xafiiska Markacadeey Marka xafiiskamuqdisho@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sky Posted October 1, 2005 Great news Masha Allah! video - Halkan ka daawo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Yoonis_Cadue Posted October 1, 2005 Very Good news indeed, thanks for the link sky. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Young Jeezy Posted October 1, 2005 They live in Somalia but they got big guts. What is up with that? A.Yusuf is about to give birth. Quote Share this post Link to post Share on other sites