Sign in to follow this  
Jacaylbaro

TFG Donates to Bugland

Recommended Posts

DKMG oo Puntland ku Taageertay Qalab Warbaahineed

 

Muqdisho: Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa qalab Idaacad FM ah ugu deeqday Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland, taasoo lagu tilmaamay in ay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladu ku caawineyso dowlad goboleedyada in ay dhistaan awoodooda warbaahineed si ay u wacyigeliyaan bulshada.

 

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda KMG ah, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo wada-xaajood faahfaahsan xarrunta wasaaradda Warfaafinta kula yeeshay Wasiirka Warfaafinta Puntland, C/xakiim Axmed Guuleed, ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim u ah horumarinta warbaahinta Soomaaliya.

 

Wadaxaajoodkaasi ay yeesheen Wasiiradda Warfaafinta ayaa waxaa ka soo baxay in taageero loo fidiyo Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland iyadoo laga taageerayo gaar ahaan dhismaha Machadka Saxaafadda ee laga furayo magaaladda Garowe taasoo lala kaashanayo Jaamacadda Puntland State University oo machadkaasi siin doonta deegaan iyo barayaashii wax ka dhigi lahaa, waxaana uu machadku dhisi doonaa awooda suxufiyiinta Soomaaliyeed si ay waajibadkooda u gutaan.

 

Waxaa kaloo Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda KMG ah ee Soomaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan iyo Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Isgaarsiinta ee Dowlad goboleedka Puntland C/xakiin Axmed Guuleed ay isku raaceen in ay xiriir joogta ah iyo wada shaqeyn ay yeeshaan labada wasaaradood, gaar ahaan dhinacyada ruqsada la siinayo Warbaahinta, in la wadaago barnaamijyada iyo in la qaban qaabiyo isdhaafsiga Suxufiyiinta iyadoo Wasaradda Warfaafinta Puntland ay gacan ka geysan doonto dib-u-soo-nooleynta Wakaaladdii Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

 

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Isgaarsiinta ee Dowlad goboleedka Puntland C/xakiin Axmed Guuleed oo la hadlayay saxaafadda ayaa cambaareeyay maleeshiyaadka bililqeystay isla markaana la wareegay idaacadaha madaxa banaan taasoo uu ku tilmaamy in ay tahay wax aan loo dulqaadan karin in hanti gaar ah lala wareego lana caburiyo xuriyatul qowlka iyo madaxbanaanida saxaafadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

maya bug as in fake lol

Really? :D

 

I find it terribly ironic that a Somalilander is using that term. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Jacaylbaro:

Studio-300x225.jpg

JB that is not the pic, maybe this pic is from one of your NW Somalia stations.

 

This is actually it, also might I add that this thread has already been started by General Duke......I guess you will just post anything so you can remain number 1 in posts.

 

 

punt_FM_.jpg

 

Notice the minister in this pic, unlike yours?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this