Sign in to follow this  
Gabbal

156 Parliamentarians vote against Ethiopian peace-keepers

Recommended Posts

Gabbal   

156 Xildhibaan Oo U Codeeyey In Aan Dalka La Keenin Ciidamo Ka Socda Dalalka Safka Hore, Balse La Keeno Ciidamo Ka Socda Dalalka Kale OAU-da Iyo Carabta, Dagaal Gacanta Oo Dhex Maray Laba Dhinac Ee Xildhibaanada.

 

Shirkii golaha baarlamanka dowladda ku meel gaar ka ah oo maanta ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxaa u soo xaadiray xildhibaano gaaraya 217 xubnood oo 156 xildhibaan kamid ahi ay u codeeeyeen in aan dalka la keenin ciidamo ka socda dowladdaha safka hore. Cod bixinta ayaa ku dhacday qaabka gacan taaga kadib markii la isksu af garanwaayey inay ahaato qarsoodi iyo in kale.

 

Wariyaha Gedonet ee magaalada Nairobi oo goobjoog ka ahaa dagaal la`iskula tagey gacanta ee dhex maray xildhibaandii iyo wasiirada iskaga soo horjeeday labada arragtiyood iyo weliba dad kale oo shacab ahaa oo gudaha baarlaamanka soo galay. Lama oga cidda ay taageersanayaan dadkii shacabkaa ah ee soo galay goobtii lagu codeeynayey.

 

Gacan hadalkii kadib ayaa waxaa ay xildhibaanadu u codeeyeen in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda wadamada Midoowga Afrika iyo dalalka Carabta, oo aysan ku Jirin ciidamo ka socda wadamada safka hore.

 

Gacan ka hadalkaas ayaa waxaa dhaawac la gaarsiiyey xubno ay ka mid yihiin Maxamed Guuleed Gacmo Dheere oo wasiir ka ah dowladda Cali Maxamed Geedi iyo Xildhibaan Macalin Jiis iyo dhowr kale oo xildhibaan.

 

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax kale oo war oo ka soo baxay madaxda sare sare ee baarlamanka iyo kuwa xukuumadda dowladda ku meel gaarka ah.

 

Cali Yaasiin

Gedonet.com

Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gacan ka hadalkaas ayaa waxaa dhaawac la gaarsiiyey xubno ay ka mid yihiin Maxamed Guuleed Gacmo Dheere oo wasiir ka ah dowladda Cali Maxamed Geedi iyo Xildhibaan Macalin Jiis iyo dhowr kale oo xildhibaan.

 

And we had an orderly vote in which people's hands were counted.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this