Sign in to follow this  
RedSea

Once again Somaliland comes through, end of political deadlock is near!.

Recommended Posts

RedSea   

 

 

 

 

Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Bilaabay Dood Ku Saabsan Sidii Muddo-Kordhin Loogu Samayn Lahaa Madaxweyne Rayaale Iyo Ku-xigeenkiisa

(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 23, 2009

 

Hargeysa(HWN):-Golah a Guurtida Somaliland, ayaa maanta guda-galay dood ku saabsan sidii ay uga go’aansan lahaayeen wakhtiga Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Ku-xigeenkiisa oo dhawr cisho ka hadhsan yihiin sii haynta xilkooda. Isla markaana aanay suuragal ahayn inay maalmaha u hadhay doorasho ku dhacdo.

 

 

 

Mudanayaasha Aqalka Odayaasha Somaliland, waxay fadhigoodii maanta oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), waxa ay kaga doodeen xaaladda xasaasiga ah ee wakhtigan dalku jiro iyo dhammaadka muddada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. Sidaa daraadeedna inta badan Xildhibaanadii maanta dooday waxay soo jeediyeen inay wakhti suuragal ah oo lagu qaban karo doorasho loo kordhiya Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa.

 

 

 

Xildhibaanadu waxay ku doodeen, in wakhti cayiman mudda kordhin loo sameeyo Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, maadaama ay Golaha Guurtidu xaq u leeyihiin, qodob dastoori ahina u fasaxayo inay mudda kordhin u samayn karaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

 

 

 

Inkasta oo ay jireen Mudanayaasha Guurtida ee doodooda ka dhiibtay fadhigan maanta, oo ku dooday inaanay wakhtigan haboonayn in mudda kordhin Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa loo sameeyo, maadaama oo ay laba jeer oo hore mudda kordhin Sanad ah iyo mid lix bilood ah u sameeyeen, isla markaana uu awoodi waayay in uu muddadaas wax doorasho ah ku qaban waayay, taasoo ay xuseen in go’aan aan mudda kordhin ahayn laga qaato Rayaale iyo ku-xigeenkiisa.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee, dooddan ku saabsan mudda kordhinta Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa oo 27-ka bishan aynu ku jirno kaga egyahay wakhti hore loogu kordhiyay , ayaa halkaa ka sii socon doonta, isla markaana go’aanka mudda kordhinta ah ayaa la filayaa in Guurtidu ku dhawaaqdo sida ay u balansan yihiin inta ka horaysa 27-ka bishan September.

 

 

 

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Mudane Maxamoud Axmed "Silaanyo" excepts six point agreement.

 

 

Axmed-Siilaanyo Oo Ku Taliyay In La Joojiyo Maamuus Ka Xayuubinta iyo Muddo Kordhinta

(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 23, 2009

 

Hargeysa(HWN) -Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ku taliyay in la joojiyo mooshinadda Iska soo hor-jeeda ee ka socda golayaasha Baarlamaanka. Islamarkaana waxa uu cadeeyay in Xisbi ahaan ay aqbaleen soo jeedin Lix qodob ka kooban oo ay bulshada caalamku ku taliyeen in gundhig looga dhigo soo afjarida khilaafaadka siyaasaddeed ee ka dhashay dibu dhacyadda doorashadda Madaxtooyadda ee Somaliland.

 

 

Gudoomiyaha Kulmiye oo xalay gurigiisa Saxaafadda kulla hadlay waxa uu ugu horeyn ka waramay khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka oogan iyo dhinacyadda is xil-qaamay ee doonaya inay dhameeyaan muranka taagan, haddii ay ahaan lahayd dalka dibadiisa gurmadka ka yimi iyo haddii ay noqon lahayd guddiyada is xilqaamay ee wadanka gudihiisaba, kuwaasoo uu sheegay inay dhamaantood soo dhaweynayaan una mahad-naqayaan.“Wax kasta oo dalkan ka nabad-gelinaya, khal-khal iyo dhibaato ee ka nabad-gelinaya kali talisnimo, ee ka nabad-gelinaya doorasho mar walba dib u dhacda maw-qifka aanu ka taaganahay horena waanu u cadaynay immikana waanu caddaynayaa oo waa soo dhaweynaynaa.” Sidaas ayuu yidhi Siilaanyo, waxaa uu soo qaaday shuruudo uu hore ugu xidhay kullan koox salaadiin ahi soo jeediyeen in Hogaanka Saddexda Xisbi yeeshaan, kaasoo uu sheegay inay Salaadiinta ku wargeliyeen inay diyaar-yihiin una hogaansamayaan, balse ay tahay in la sii daayo dad la xidh-xidhay dhawaan iyo in ay kalsooni ku qabaan cidda dhexda noqonaysa oo laga talo geliyo. Taasoo uu sheegay in ay taagan-tahay, ee aanay ka noqon xisbi ahaana ay la taagan-yihiin meel kasta.

 

Waxaana uu intaa ku daray Axmed Siilaanyo in wadamada daneeya Somaliland ee caalamka oo mudaba ku jiray arrimo dhex-dhexaadineed ay soo saareen qodobo la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka, kuwaasoo uu sheegay inay aqbalsan-yihiin. “Heshiis is faham oo ay noo keeneen dawladaha Itoobiya iyo Ingiriiska iyo wadamadii caawinayay ee ku dhex-jiray mudada ee dhex-dhexaadinta ahayd ee aynu kaga baxsaneynay khilaafka iyo muranada taagan ee maanta isku dhaca keenaya, waxaanu ummada u sheegaynaa in aanu iyagana yeelay. Wixii ah talooyin ee lagu hubinayo in doorasho xalaal ahi ay dhacdo, iyada taladeedii waanu haynaa marka ay hawshu bilaabanto. Ama ha ahaadeen, waxa laga yeelayo warbaahinta qaranka ama ha noqoto hantida kale ee dawlada’e. si ay doorashadu u noqoto mid loo siman-yahay, taana waa ay nala qaateen qolooyinka hawsha gacanta ku haya inay jirto.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Kulmiye.

 

Mudane Axmed Siilaanyo, waxa faah-faahiyay qodobadda heshiiskan waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi. “Waxaa ka mid ah qodobada heshiiskan, in ay tahay doorashada waqtigeeda maadaama aanay xiligeedii ku dhacayn loo dhiibayo guddi dhex-dhexaad ah oo la soo xulay oo beeshii caalamka iyo dadkii hawsha inala qabanayay ay soo xulleen oo farsamo-yaqaan ah oo anana aanu ka qayb-galayno, kuwaasoo soo qiyaasaya mudada ay qaadanayaan diiwaan-gelintii iyo hawshii Serverka ee kala shaandheynayay oo lagu noqonayo, Mudada ay qaadanayaan oo aan ahayn waqti dheer Bil iyo laba aan ka badan oo ay iyagu soo sameynayaan taasoo aanaan inta ay noqonayso aanaan garanayn hadda ee ay tahay inta farsamo ahaan ay qaadaneyso ayaa heshiiska ka mid ah. Waxaa kale oo ka mid in muddadaas Xubnaha Komishanka wax laga bedelayo oo Gudi doorasho oo lagu kal-soon-yahay la keenayo, taasoo ah qodobadii aanu mar walba ka hadlaynay in la isku raaco, iyo in deeqbixiyayaashu bixiyaan wixii kharash ah.”

 

Axmed Siilaanyo waxaa uu ku dooday in aanay qodobadani diidayn in laga wadda hadlo arrimaha aan heshiiska laga gaadhin ee taagan. “Lixdan qodob ma diidayaan wixii toosin ah ee lagu hubinayo dhameystirkooda, inay noo furan-tahay oo wadahadalku sii soconayo waanu u sheegnay, qolada soo jeedisayna waa ay naga aqbaleen. Laakiin, kuwani waa kuwii aas-aasiga ahaa ee marxaladan taagan ee xasaasiga ah ee labadii Gole isla hor-fadhiyaan laba mooshin, ee midna leeyahay waa kordhinayaa, midna leeyahay waan ridaynaa ay tahay wixii lagaga baxsanayay.”Ayuu yidhi Axmed Siilaanyo

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa shalay kullan uu ka qayb-galay waxa uu ka soo jeediyay in labada Gole joojiyaan mooshinadda is barkan. Sidaa darteed, Gudoomiyaha KULMIYE oo arragtidiisa dhawaaqaas ka soo yeedhay xisbiga kale iyo joojinta ladaba mooshin la weydiiyay waxa uu sheegay in Xisbiga UCID u madax-banaan-yahay arrimihiisa, balse Kulmiye ahaan ay qabaan in labada Gole Hakiyaan arrintan. “Maanta waxaa loo baahan-yahay deganaasho iyo xasilooni in khilaafkan lagu jiro lagaga baxo. Sida aanu u arragno in lagaga baxana waanu sheegnay. Qudhayadu waxaanu u aragnaa labadaa mooshin in aanay midkoodna maanta waxba kordhineyn… markaa, waxaanu qabnaa in labadaba la joojiyo.”

 

Waxa la sii weydiiyay oo kale, gudoomiyaha KULMIYE is bedeladda ay had iyo jeer ka sameeyaan mawaaqifta adag ee xisbi ahaan ay qaataan. Haddii la eego, muddo kordhintii Guurtidu isu sameysay, kuwii loo kordhiyay Madaxtooyadda iyo arrimo kalaba,. Waxaana uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Intaa aad ku hadlayso, waxaan qabaa in aanaan midnaba ku khaldaneyn, intaba sax ayaanu ku ahayn, in muddii doorashada ay dhaaftay shaki kuma jiro, in cidda masuulka ka ahayd ee gabtay ay tahay Xukuumadda Rayaale ayna fulin weyday shaki kuma jiro. Imikana rayigayagaas, wax iska bedalay ma jiraan. Laakiin, marka khilaaf yimaado ee dhibaato timaado, ee dagaal timaado, ee Abaar timaado ee ay noqoto in la is marri waayo oo ay gaadho in isku dhac yimaado, waxa immanaya talaa imanaysa, waa lagula wadaagayaa taladda, waxa kulla wadaagaya wixii wax ku taraya guddo iyo dibad-ba, waxaa iyo dareenka dadka umma daymo la’aaneyno. Mawqif waanu is taagaynaa haa, laakiin, mid uun waligayo taagnaan mayno, fur-furaan ayaanu la imanaynaa, danta iyo maslaxadda ummada waxaanu u arragno waanu la imanaynaa. waanu is bedelaynaa marka loo baahdo in la is bedello.”

 

Hadalkan Gudoomiyaha KULMIYE waxa uu ahaa kii ugu danbeeyay ee cadeeyay inay ogol-yihiin iyo mawqifka ay qodobadan beesha caalamku soo jeediyay ka qabaan.

 

Madaxweyne Rayaale ayaa sidoo kale shalay golihiisa wasiiradda ka ansixiyay iyadoo Xisbiga UCID doraad cadeeyay arrintaas inay ku qanacsan-yihiin.

 

 

Source: Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

 

Su

Share this post


Link to post
Share on other sites

how in the world is Rayaale managing to do this time and again ?

 

is there something that he is holding over the head of the opposition that people do not know about ?

 

What credibility will they have if they let him get away with this yet again ?

 

where are the veterans of SL politics .. su'alahan bal nooga jawaaba ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudane MCheese is right, this political deadlock seems to be ending with a another Riyaale victory over common sense. Siilanyo is a good man and should stay away from anyhing that would cause conflict in those regions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this