Sign in to follow this  
Kamaavi

Addiss Ababa oo ka Walaacsan Dhaq-Dhaqaaq Ciidan oo Gonder Ka Bilaabmay.

Recommended Posts

Kamaavi   

Sida uu qoray Warkayska ku hadla afka Xukumada Addiss Ababa ee Reporter ayaa sheegay in Dhaq Dhaqaaq Ciidan oo hubaysan uu ka bilaabmay Gobalka Axmaadaru Degta ee Gonder, Halkaas oo Dablay Hubaysan oo haybtooda aan la aqoon ay Baaburta Jidka Ku istaajiyaan, Mid ka mid ah Maamulka Gobalka Gonder ayaa u sheegay Wargayska Reporter oo ah Afka Dowlada( State Mouth News Reporter).

 

Sargaal amniga qaabilsan oo u hadlay Xukuamada Addiss Ababa ayaa sheegay Nimankaas inay yihiin Budhcad oo aysan Shaqo ku lahayn inay Xariir la leeyihiin Dalka Eritrea, Iyadoo Xukumada Addiss Ababa ay wixii dhacaba ay Dusha ka saaraan Xukumada Asmara, Iyo Ururada Dhaq Dhaqaaqa Gobanimo Doonka ah.

 

Isla Wargaysta ayaa qoray In Niman Ehlu Suna la Dhaho oo Xabashi ah Hub haystaan Kuwaas oo haatan Dowlada tuhun san tahay, Balse dadka ku xeel dheer siyaasada Iyo Amniga Itoobiya ayaa sheegay in Suufiyaada Xabashida ay waayahan kacsan yihiin walow Xariir wanaagsan la leeyihin Xukumada uu Hogaamiye Zenawi.

 

Dalka Itoobiya ayaa ka shidan dab meel walba, gees ka gees Iyadoo Dadka Daneeya Mustaqbalka Itoobiya walaac xoogaan ka muujinayaan Kala taga Itoobiya balse Qoomiyaha Itoobiya qaar kood u ah Maslaxo Iyo Baal Cusub oo siyaasadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this