Sign in to follow this  
Gabbal

Ethiopians attacked in Kismayo+ ICU head for Jubbas Madoobe caught in dooxada.

Recommended Posts

Gabbal   

Askar Itoobiyaan Ah Oo Si Gaadmo Ah Loogu Weeraray Bartamaha Kismaayo Iyo Madaxii Maxkamadaha Jubbooyinka Axmed Madoobe Oo Nolol Lagu Qabtay

Jan 25,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

 

Koox dablay ah oo ku hubaysan Bastoolado ayaa maanta weerar gaadmo ah u gaystay askar Itoobiyaan ah oo lacag ka sarifanayay suuqa sarifka lacagaha qalaad ee bartamaha magaalada kismaayo. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in uu dhintay askari Itoobiyaan ah, mid kalena uu ku dhaawacmay weerarka oo dhacay xilli uu suuqo mashquul ahaa ayna adagtahay in la ogaado cidda weerarkan fulisay.

 

Boqolaal ciidamada Itoobiya ka tirsan iyo kuwa soomaaliya ayaa isku gadaamay goobta in ka badan 40 dhalinayaro ah oo ka agdhawaa halka weerarka uu ka oogmay ayaa lagu guray gaari xamuul ah ,waxaana la arkayay iyadoo loo dhaadhiciyay xarumaha ay Itoobiyaanku ku leeyihiin Kismaayo.

 

Taliyaha Boliiska kismaayo Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in ciidamada miltariga ay la wareegeen amniga suuqa hase ahaatee ay baaritaanka wadayaan waxaana uu sheegay in dadka la xirxiray loogu gudbiyay goobo milatari.

 

Dhinaca kale, warar laga helayo saraakiisha dawlada federaalka ayaa sheegaya in saldhig milatari oo Itoobiyaanku ku leeyihiin waqooyiga kismayao lagu dawaynayo dhaawaca Axmed Madoobe oo ahaa madaxii maxaakiimta Jubbooyinka oo lagu qabtay dagaal qaraar oo ka dhacay dhulka loo yaqaano Badda Madow ee koonfurta J/hoose.

 

Deeq Ibraahim oo ka mid ah ciidanka dowladda federaalka ayaa sheegay in uu arkay dhaawac Axmed Madoobe oo dhex yaala teendho milatari islamarkaana ay dhaqaatir itoobiyaan ah la joogeen. Waxaana uu intaas raaciyay in uu ka dhaawacan yahay lugta Bidix iyo wajiga oo u muuqday in uu ka guban yahay.

 

 

N D F-GEDO-NN-Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Kismaayo: Hoggaamiyhii Maxkamadaha Islaamiga Jubbooyinka oo la qabtay isagoo dhaawac ah.

Khamiis, January 25, 2007

 

APL

 

Kismaayo(AllPuntland)- Hoggaamiyhii Maxkamadaha Islaamiga ahaa ee Jubbooyinka dalka Soomaaliya Sheekh Axmed Maxamed Islaam, kuna magac dheer Sheekh Axmed Madoobe ayaa la sheegay in isagoo dhaawac ah ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan deegaanka Raas Kiyambooni ee Gobolka Jubbada Hoose ee dalka Somaaliya.

 

Sheekh Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu si xun ugu dhaawacmay duqeyntii xagga cirka ee dorraat lala beegsaday keymaha xadka Kenya iyo Soomaaliya oo ay ku dhuumaaleysanayeen qaar ka tirsan madaxda Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee burburay, waxaana la sheegayaa in dhaawaciisu uu yaallo Magaalada Kismaayo.

 

Sheekh Axmed wuxuu ahaa gacanta midig ee Sheekh Xasan Cabdalla Turki, wuxuuna muddo sanooyin ah jaal la ahaa Sheekhaan isagoo gacan ka siin jirey xagga dhaqaalaha iyo Millaterigaba, waana Sheekh ka ganacsan jirey oo Raas Kiyambooni ka qaadi jirey waxyaabo ay ka mid ahaayeen Aragoostada iyo kheyraatka kale ee laga soo saaro badda.

 

Cali Sandheere

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Askari Ethiopian ah oo lagu dilay magaalada Kismaayo

 

 

Kismaayo 25, Jan.07 ( Sh.M.Network) Bartamaha magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa maanta lagu dilay Nin ethiopian ah mid kalena lagu dhaawacay, ka dib markii kooxo hubeysan ay weerar ku soo qaadeen halkaasi.

 

Dilkaan oo ka dhacay suuqyaraha magaalada Kismaayo ayaan wali la ogeyn si rasmi ah kooxahii falkaasi geeystay, inkastoo dadka qaar ay isla dhex marayaan in nin hubeysani uu si gaadmo ah u toogtay askartaasi Ethiopianka ah.

 

Dhamaan waxaa la xirey goobihii ganacsiga iyo xafiisyadii shirkadaha ganacsiga ee halkaasi ku yaalay ka dib markii uu dhacay dilka sida uu ku soo waramayo wariyaha shabelle ee magaalada Kismaayo.

 

Durba goobta dilka uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo Somali iyo Ethiopian ah kuwaasi oo halkaasi ka ka xeystay dad lagu tuhmayo falkaasi, inkastoo dadkaasi ay ahaayeen dad rayid ah.

 

Waa markii ugu horeysay oo dil magaalada Kismaayo loogu geeysto askar Ethiopian ah.

 

 

 

Farxaan lafoole

 

Shabelle Media Network J/hoose

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Gunmen Kill Ethiopian Soldier in Somalia

 

The Associated Press

By NASTEEX DAHIR FARAH

 

Gunmen attacked Ethiopian soldiers stationed in southern Somalia on Thursday, killing one and wounding another with a gunshot to the chest, witnesses said. The violence, an apparent sign of tensions between Ethiopian military forces and Somali civilians, broke out in the currency exchange market in Kismayo, said Abdullahi Hassan, a money changer.

 

'The gunmen used pistols. ... They have taken the Ethiopian soldiers' AK-47s,' Hassan said.

 

Ethiopian troops, whose military strength was crucial to helping Somalia's government drive out a radical Islamic militia, began their withdrawal earlier this week. It was not clear when it would be complete.

 

Many Somalis resent the presence of Ethiopian troops here; the two countries fought a war in 1977. But without Ethiopia's tanks and fighter jets, the Somali government could barely assert control outside one town and couldn't enter the capital, Mogadishu, which was ruled by fighters loyal to the Council of Islamic Courts. The U.S. accused the group of having ties to al-Qaida.

The withdrawal of Ethiopia, which says it cannot afford to maintain troops in Somalia, has begun in advance of the arrival of a proposed African peacekeeping force. The African Union has approved a plan to send about 8,000 peacekeepers for a six-month mission that would eventually be taken over by the U.N.

 

Meanwhile, a businessman who financed Somalia's ousted Islamic movement pleaded guilty Thursday in a Nairobi courtroom to being in Kenya illegally, but his attorney argued he shouldn't be deported because he was fleeing for his life.

 

Abukar Omar Aden, 72, a well-known commodities trader in the Somali capital Mogadishu, was charged along with his son, Omar Abukar Omar, who served as a finance official for the Council of Islamic Courts. The son said he had a visa for Kenya and denied entering the country illegally.

 

'They are here because of a life-threatening situation, they were running for their lives,' defense attorney James Orengo said.

 

The two were arrested earlier this month as they tried to cross into Kenya after Ethiopian and Somali forces drove the courts militias from much of Somalia's south.

 

Aden, who was paralyzed in a car accident in 2002 and uses a wheelchair, has said he gave money and goods to the Islamic courts movement _ and is believed to have been a major source of funding for the movement. He covered his face from photographers and spat at reporters as he entered the courthouse in Nairobi.

 

The United States has accused the Islamic group of ties to al-Qaida, but Aden has never been linked to terrorists. Aden and his son are scheduled to appear in court again Monday.

 

Also on Thursday, a Kenyan police official said U.S. and French citizens suspected of fighting for Somalia's Islamic movement were arrested by Kenyan police as they crossed into the country.

 

The men, who were carrying three AK-47 assault rifles, were detained late Wednesday as they crossed into the far northeastern tip of Kenya from Somalia, the police official said on condition of anonymity because he was not authorized to speak to the media. The area is near a suspected al-Qaida training camp, the official said.

 

On Wednesday, U.S. defense officials said the United States launched an airstrike by an Air Force AC-130 gunship earlier this week in Somalia against suspected terrorist targets _ the second such attack this month.

 

The officials, who spoke on condition of anonymity because the strike was carried out in secret, provided few details and were uncertain whether any militants were killed.

 

In Washington, Defense Department spokesman Bryan Whitman declined to confirm any new strike but said that in general the United States is 'going to go after al-Qaida in the global war on terrorism wherever it takes us.'

 

Earlier this month, Ethiopian and U.S. forces pursued three top al-Qaida suspects in southern Somalia, but failed to capture or kill them in an operation that also included an airstrike by an AC-130. The targets included Fazul Abdullah Mohammed, one of three senior al-Qaida members blamed for the 1998 bombings of the U.S. embassies in Kenya and Tanzania.

 

The U.S. Navy is also patrolling the waters off the Somali coast. U.S. sailors have monitored maritime traffic, boarded suspicious ships and interrogated crews in an attempt to catch fighters trying to escape military operations on shore.

 

The U.S. ambassador to Kenya, Michael Ranneberger, who also represents U.S. interests in Somalia, met Wednesday with a top leader of the ousted Islamic movement in Nairobi, Kenya, according to an embassy official who refused to elaborate.

 

Sheik Sharif Sheik Ahmed, considered by American officials a moderate who could contribute to rebuilding Somalia, turned himself in to authorities in Kenya because he apparently was afraid for his life. He is not believed to be wanted by the authorities.

 

Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi, when asked whether he believed Ahmed should be part of the peace process, said: 'As far as I know, Sheik Sharif doesn't represent anybody.'

 

Zenawi also said 'quite a few' Somali fighters captured by his forces were being held in Ethiopia. He declined to elaborate.

 

Source: AP

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this