Sign in to follow this  
Gabbal

The Conclusion of the Gedo peace initiative.

Recommended Posts

Gabbal   

Gedo Iyo Guusha Nabadda “Gogashii Nabadda Ee Ka Fidsanayd Caasimada G/Gedo Oo Maanta La Laabayâ€

 

Shirweynihii nabaddd ee ka soconayay caasimada G/Gedo ayaa maanta si rasmi ah loo xiray kadib markii laga gaaray guulo waa weyn oo lagu soo afjaray colaadii mudadada lix-da sana ah ka aloosnayd qaybo ka mid ah G/Gedo. Shirkaan oo furmay 25/07/2005, isla markaasna socday muddo 33 cisho ah ayaa waxaa 19-kii bishan laga soo saaray go’aankii ugu weynaa ee ay si kama danbays ah ugu heshiiyeen dhinacyadii ishayay. Wuxuuna shirku muddo 9 bari ah ku hawlanaa fulinta iyo meel marinta qodobadii lagu heshiiyay.

 

Iyada oo la tixraacayo qodob-ka 4-aad ee ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay oo ah in ay beelaha SADE isu celiyaan dhamaan waxyaalaha lakala hayo sida: gaadiidka, tagnigada, hubka, guryaha, beeraha IWM ayaa waxay billaabeen gudiyada hawl-wadeenada ka ah shirka diiwaan galinta hantida muuqato ee ay kala hayaan beelaha SADE. Waxaana maanta gabagabadii shirka markii ugu horrasay loo saxiixay mid ka mid ah labada garab shan gaari oo ay afar ka mid ah tahay gawaarida dagaalka ee loo yaqaano tagnigada, hantidan oo la sheegay in ay ku maqantahay jifooyin kala duwan oo ka mid ah beesha SADE ayaa waxaa ballanqaaday masuuliin sar sare oo ka soo jeedo beelaha hantidan lagu tirinayo.

 

Waxayna arrintan kal-sami weyn ku abuurtay dhinacyadii heshiiyay, ergooyinka shirka iyo dhamaanba bulshada gobalka maadaama oo ay tillaabadani ka tarjumayso in uu si hab-sami leh u dhaqan galayo cahdiga nabadda.

 

Maalinimada barri ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo guddi gaar ah oo logu magacaabay “Guddiga hanti usucelinta beelaha SADEâ€.guddigan ayaa la filayaa in uu hawlihiisa hanti-usucelinta ka billlaabo degmada G/haarey isaga oo maalinimada barri ah kala wareejin doono dhaawacyo iyo hanti lagu kala xukumay garabyada heshiiyay. Waxaana lagu wadaa in uu guddigu socdaallo kala duwan ku bixiyo degmooyinka gobalka Gedo si uu uga dhaqan galiyo heshiis-ka nabadda dhamaanba degmooyinka iyo deegaamada gobalka isaga oo booqashadiisa ugu horraysa ka billaabi doono degmada B/dhuubo.

 

Munaasabaddii xiritaan-ka shirka ayaa waxaa ka hadlay masuuliin sar sare oo isugu jiro labada gole ee DFKMG ee Soomaaliya, hogaamiyayaasha dhaqan-ka iyo culumaa’udiin. Waxaana faafaahin laga bixiyay maraxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dadaalka nabadda ee G/Gedo iyo duruufihii la soo gudboonaaday shirweynaha nabadda eehaatan la soo gunaanuday iyada oo la xusay natiijada la gaaray oo lagu tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana bulshada ku dhaqan G/Gedo.

 

Waxana ereyadii ugu danbeeyay ee gabagabada shirka loo mahad celiyay masuuliinta, guddiyada, shakhsiyaaka, jaaliyadaha, hay’adaha iyo war baahinta ka qayb qaadatay ka miro dhalinta dadaalada nabadda ee G/Gedo.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 27/08/2005, 12:36 saacada afrikada bari la soo af-meeray shirweynihii nabadda ee ka soconayay caasimadda G/Gedo isaga oo ku iba-tirtay heshiis buuxa oo la rajeynayo in uu u horseedo shacab-ka G/Gedo nabad waarto, hanaqaad iyo horumar bulsho.

 

Axmed Gaaruf

Gedonet Senior Correspondent

Gedo Administrative Capital

Garbaahey

 

garba28275.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this