Sign in to follow this  
General Duke

Clan Courts Vs Abu Mansoor of Al Shabaab

Recommended Posts

Maxkamadaha Islaamiga oo jawaab ka bixiyay hadaladii qeybdiid iyo Roobow.

 

Monday, 05 January 2009 05:51 BXM

Afhayeenka dhinaca Hawlgallada ee Maxkamadaha Islaamiga Sheekh C/raxiim Ciise Caddow ayaa shir jaraa’id habeenkii xalay warbaahinta ugu qabtay qadka telefoonka isaga oo uu kala qeyb galay madaxa warfaafinta Maxkamada ee gobolada Bay iyo Bakool. Sheekh C/raxiim ayaa sheegay ugu horeyn in ay tahay wax aad looga xumaado hadalka kasoo yeeray Abuu-Mansuur ee ku aadan in lagu deg degay qabsiga saldhiyo iyo arrimo kale, waxaana uu sheegay in sababta ay u dageen ay tahay sidii ammaanka shacabkaasi ay wax uga qaban lahaayeen maadaama aasaaska maxkamadaha uu kuyimid wax u qabadka shacabka.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay tahay wax lala yaabo in gobolo ay maamulo kajiraan inta la weeraro oo maamulkii lakala diro sidaasina maamul la’aan lagu dego oo aanan laga hadleynin oo laga hadlo keliya saldhigyo faaruq ah oo horey ay uga carareen maleeshiyaadka TFG-da.

Maanta wixii ka dambeeya ayuu kuhanjabay Sheekh C/raxiim in aysan u dulqaadan doonin in wixii ladoono laga sheego lakin ay la xisaabtami doonaan cid waliba oo war qaldan ka sheegta Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed.

 

Dhinaca kale Sh.Suleymaan oo ah Madaxa warfaafinta Maxkamadaha Islaamiga ee Gobolada Bay iyo Bakool oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ugu horeyn aysan jirin cid ay lamidoobeen maxkamadaha Goboladaasi kusugan isla markaasina maamulka uu weli sidiisa u dhisan yahay.

 

Sh.Suleymaan waxa uu intaasi ku daray in aysan suuragal aheyn ila midow lakin igu soo darsan taasina aysan keeneynin midnimo lakin haddii midnimo ay dhab ka tahay loo baahan yahay in guddiga Musaalixada hadalkooda inta la qaato hawsha midnimada ee ay wadaan lagu biro.

 

Warka Abuu-mansuur kasoo yeeray ayuu ku tilmaamay in uu yahay mid aanan sal iyo raad laheyn ayna dhici karto shaqsiyaad in ay ku biiraan lakin aysan habooneyn in layiraahdo garab dhan baa nagu soo biiray, waxa uu intaasi sii raaciyay Sh.Suleymaan in xittaa hubkii ay heysteen shaqsiyaadka ku biiray garabka Abuu-mansuur in ay ka dacwoodeen si dib loogu soo celiyo maadaama Maxkamadaha ay leeyihiin hubkaasi taasina wada hadal ay iminka ugu socoto.

 

Arrintani ayaa sida muuqata waxa ay xiisad kasii dhex abuureysaa xoogaga Muqaawamada ee ka dagaalama gudaha dalka iyadoo arrintani haddii ay sii socoto ay suuragal tahay dagaal ka dhex dhasha xoogaga Islaamiyiinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this