murefu

Cilmiga Faalka

Recommended Posts

murefu   

Waxaa jeclaan lahaan in aan suaalo ku saabsan cilmiga faalka Diinta sida ay ka qabto in aan weydiiyo..

 

I know IN diinta eyna ogoleen cilmiga faalka, laakiin hadana waxan maqlaa, eraya is dhaadhaafaya..Qaar waxey leeyihiin Hab diiniyan aya jira? qaar waxey leyihiin hadii aad sameesid ha aaminin...Faalka diinta maxey ka ogashahay..ma jirtaa si loo fiirsan karo ay Diinta ogashahay....

 

Hadii aad ku jirtid xaalada xun ee aad ka shakiso dad kula dugan ama ganacsi idinka dhaxeeya ama cadaw kugu ah in ay kugu sameenayaan Sexer, AADAN ka fogaan karin..oo aad dareemesid waxyaalo iska cad, xaladada is badasho..yacni arin shaki ka badan aad dareentid..dhaqan iyo muuq ahaanba aad ka dareentid in eey si qaldan wax u wadaan ...tusaala ahan wuu ku salaamay..waxaa ka dhumay CONTROL waana isku qasantay, gurigaada ayuu yimid waxyaala saaid ah ayaa darentay(i know shakiga in uu xunyahay, laakin practical ayaa wax u dareentay)...waxaa rabtaa dadka noocaas ah in aad xaqiijisid ..SIDEE LOO XAQIIJIN KARAA DIINIYAN AHAAN?...

PLEASE WAA ARIN MUHIIN AH OO CAAWINA U BAAHAN...?

 

sidee dadkaas leeskaaga xaqiijin karaa..?

 

p.s Arinta muhiinka waaa sidee dadkaas leeskaaga xaqiijin karaa? si tilaaabo aad u qaadid..i know waxba mey teri karaan..ilaaah magantii ayaa laga gelayaa ....lakiin sidee lo xaqiijin kaara..si leeskaaga celiyo..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Bwana Murefo

 

Walaal, Faalka sida loo yaqaan imminka ama sidii loo oqoon jirey waagi Nabigeenna, SAWS, waxba iskama badalin, Faalku waa saadaal waxa dhici doona mustaqbalka, ama sir warramid lagaaga warramayo dadka aad la dhaqanto, ha noqdaan reerkaaga, qaraabadaada, kuwaad wada shaqeysaan ama cid kale.

 

Allah wuxuu Quraanka ku leeyahay " Laa yaclamul Gheyba Illa Allah" " (Dadku) uma warhayan waxa ka dahsoon, taasoo ogaasheheedu ku egyahay Allah oo Qudha"

 

Rasuulkeennana ( SAWS) wuu naga reebay in loo tago Faallalowyaasha, ama la rumeeyo saadaashooda, waxaana Ka soo arooray Xadiithka inuu Suubbanihii ( SAWS) yidhi, " Faallalowga waa beenlow, xataa hadduu haleelo runta"

 

U tagidda faalalowga waa Kabiira, Dambi aad u weyn, oo u dhigma dilka dadka iyo sinada, rumeyntiisana waa Shirkigii weynaa ee diinta dadka ka saarayey.

 

Haddaba, qofkii shaki ka qaba in la khayaanayo, waa inuu xasuustaa in xataa Rasuulkeenna SAWS la khayaani jirey, Allah wuxuu Quraanka ku leeyahay " Haddey doonaan iney ku khayaanaan, Allah ayaa kugu filan" sidaa darteed waa in lagu gaashaantaa Allah oo qudha, Nicmal mowlaa wa nicmal nasiir, wanaagsanaa ka nala jira, wanaagsanaana kan noo hiilliya, oo ah Allah. saa qofkii hoos gala ama ka raadhsa kheyr meelaan Allah aheyn waxaa lagu tilmaamay sida caarada, amni xumo, iyo hoyi aan waxba celin ayuu ehel u noqdaa.

 

 

Nur

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bille   

Ninka barta oo keliya, aanan faalka adeegsan 

Wax dhib ah inuusan ka jirin baan filaaya.

Ee magacyadiisa yaa noo kala sheegi kara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.