Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Is this political observation correct!

Recommended Posts

Ciyaartii siyaasadda ee u dhaxeysay labada kooxood ee kala taageera Yuusuf iyo Shariifka oo qeybteeda 2-aad maraysa heer gebogabo ah

Jowhar!!!

 

 

 

 

Nambarka 7-aad ee kooxda Shariifka Cumar Xaashi Aadan ayaa gool-ka 5-aad ku hormariyay kooxdiisa daqiiqadii 61-aad, waxaana ay ciyaartu noqotay 5 –4 ay ku hormareen kooxda Shariifka, balse 9 daqiiqo kadib daqiiqadii 70-aad waxaa gool qurux badan madaxa ugu dhaliyay kooxda Yuusuf kabtankooda nambarka 10-aad Cali Max’ed Geeddi, kaasoo ciyaarta ka dhigay 5 – 5.

 

 

Labada kooxood ayaa isku qaaday weerar iyo weerar celis, waxaana kooxda Yuusuf ay badaleen nambarka 9-aad Xuseen Caydiid, waxeyna ku bedaleen nambar 16 Cali C/llaahi Cosoble, sidoo kale kooxda Shariifka waxey iyaguna bedaleen nambarka 6-aad Boqorre waxeyna ku bedaleen nambar 13 Eng. Max’ed Xuseen Caddow.

 

 

Daqiiqaddii 72-aad ayaa waxaa goolkii 6-aad u dhaliyay kooxda Yuusuf nambar 6 Prof. Max’ed Cumar Dalxa oo helay kubbad bulisyoone ah, taas oo uu ka kor qaaday darbigii ay sameysteen difaaca kooxda Shariifka, waxeyna kubaddii ku nasatay shabaqa dhexdiisa kadib markii uu arki waayey goolhaye Sifir, waxeyna hadda ciyaartu mareysaa 6 – 5 ay hoggaanka u hayaan kooxda Yuusuf ee iyagu fadhigoodu yahay Jowhar, tababarkana ku qaadata garoonkii naadigii Isnaay, halka kooxda Shariifka ee fadhigeedu yahay Muqdihso ay iyaguna tababar ku qaateen Ex-garoonkii Minishiibiyo ee xaafadda Xararyaale ee degmada Wardhiigley.

 

 

Ciyaartu hadda waxa ay mareysaa daqiiqadii 75-aad, wixii natiijo ah oo soo kordhana dib ayaan idin kula socodsiin doonaa.

 

Kooxda Shariifka ayaa moodaa in laga awood roonyahay sababa xaga farsamada tasoo loo aneyey in kooxda shariifka ay ciyaarta uga muhiimsantahay dhaca iyo dhibka dadweynaha halka kooxda Cabdulaahi Yuusuf ay wax walbo ay ka bidayaan in ay shacabka qanciyaan

 

Waxaa diyaariyay: Axmed Max’ed Cabdulle(Uurdoox).Dayniile,Muqdisho

 

uurdoox48@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this